Faallooyinka Laga Bixiyay Ra’iisal Wasaaraha Taariikhda Cusub Ee Britain Rishi Sunak

Araweelo News Network.

London(ANN)- Rishi Sunak ayaa noqday hoggaamiyaha cusub ee xisbiga muxaafidka ah ee Britain usoo xuleen inuu noqdo  ra’iisal wasaaraha cusub ee UK, waana ra’iisal wasaarihii labaad ee muddo dhawr toddobaad ah.

Rishi Sunak oo asal ahaan kasoo jeeda dalka India , waxa uu raaci doonaa Liz Truss, oo ah muxaafid, iyadoo iscasishay toddobaadkii hore, kaddib 45 maalmood oo kaliya oo ay xafiiska joogtay.

Rishi Sunak ayaa magacaabay kooxdiisa wasiirada ugu sareeya, maalintiisii ugu horaysay ee uu noqday ra’iisal wasaaraha UK.

Laxidhiidha: Rishi Sunak Oo Kusoo Baxay Tartan Adag Oo Daaqada Ka Saaray Boris Johnson

Khudbad muhiim ah oo uu ka jeediyay meel ka baxsan lambarka 10-aad ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu dalka iyo xisbiga isku keeno, isagoo u ballan qaaday xasillooni dhaqaale iyo kalsooni.

Rishi Sunak, ayaa qofkii ugu horeeyay taariikhda Britain ee kasoo jeeda qowmiyad kale oo ra’iisal wasaare ka noqda, wuxuuna kasoo jeeda qoys maalqabeen ah, isagoo ku dhashay Southampton, balse ay dhaleen waalidiin asal ahaan ka soo jeeda Hindi oo u soo guuray Ingiriiska, kaddib markii ay ka yimaadeen Bariga Afrika 1960.

Laxidhiidha: Truss Ra’iisal Wasaarihii Ugu Muddada Yaraa Taariikhda Iyo #Haweenayda La Filayo In Ay La #Wareegto Xilka

Warbaahinta dalka Hindiya, ayaa si weyn u qaada dhigtay in Rishi Sunak, oo asal ahaan kasoo jeeda Hindiya uu ra’iisal wasaare ka noqdo Britain, waxayna sheekadaasi noqotay mid u qaadan waa ah oo aan la filayn, maadaama tartankii hore ee September lagu reebay asaliyadiisa halka uu kasoo jeedo, sidaana loogu dhaafiyay haweenayda uu xiiligan beddelay 45 maalmood kaddib.

Durba waxa soo baxaya Isku shaandheynta lagu sameeyay golaha wasiirada, taas oo lagu arkay dhowr doorasho oo la saadaalin karo, iyo qaar ka yaabisay mudanayaasha baarlamaanka.

 

“Midnimada, waayo-aragnimada iyo sii wadida doorarka muhiimka ah qaarkood,” waa mawduucyada No 10 ee sheegaya inay rabeen inay gudbiyaan, sidaa waxa ku doodaya kuwa ka faalloonaya.

 

Balse agaasimihii hore ee isgaadhsiinta David Cameron, Sir Craig Oliver, oo ka hadlayay isbedelka, ayaa yidhi, “Midnimadu waa erayga isha lagu hayo isku shaandhayntan, way caddahay in qayb kasta oo xisbiga ka tirsan ay si uun u dareemi doonto matalaad.

 

Faallooyinka laga bixiyay ayaa qaarkood sheegayaan in Mr Sunak aannu musaafurin kuwo aannay magcaabin oo waaweyn oo weli ku dhuummaanaya dhabarka dambe, halkaasoo ay sida ay sheegeen ay dhibaato ka keeni karaan sidii Truss uu ku sameeyay Michael Gove.

 

Saddex ka mid ah shaqooyinka ugu sarreeya: Jeremy Hunt oo ah wasiirka wasiiradda, James Cleverly oo ah xoghayaha arrimaha dibadda iyo Ben Wallace oo ah xoghayaha difaaca.

Laxidhiidha: Qalalaase Dhaqaale Oo Hadheeyay Iyo Mudaharaadyo Gilgilay Magaalooyinka

 

Mr Cleverly, ayaa markii isku shaandheyntu socotay, waxa uu ka buuxay Baraha Bulshada sawirro uu ugu yeedhay wakiillada dowladda shisheeye.

 

Penny Mordaunt oo ahayd haweenay aad loo saadaalinayay in ay noqoto ra’iisal wasaaraha, ayaa ka baxday tartanka hoggaanka, balse waxay xilligan u tartamaysay jagada xoghayaha arrimaha dibadda. Laakiin waxay sii ahaanaysaa Hoggaamiye Aqalka Hoose ah oo shaqada hubinaysa in sharciga dowladda uu soo maro Baarlamaanka.

 

Rishi Sunak wuxuu dhashay May 1980), wuxuu siyaasad ku biiray toddoba sannadood ka hor, kaddib markii uu xubin baarlamaanka oo Xisbiga Conservatifka ah noqday, isagoo laga soo doortay Richmond (Yorks) ilaa 2015.

Laga bilaabo 25 Oktoobar 2022. wuxuu noqday  Ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Conservatif ee muxaafidka, isagoo hore u ahaa Chancellor of Exchequer laga bilaabo 2020 ilaa 2022 iyo Xoghayaha Guud ee Khasnadda laga bilaabo 2019 ilaa 2020.

Sunak, wuxuu wax ku bartay Winchester College, wuxuu bartay falsafada, siyaasadda iyo dhaqaalaha (PPE) ee Lincoln College   Oxford, wuxuuna MBA ka qaatay Jaamacadda Stanford, isagoo ah Aqoonyahan Fulbright. Intii uu ku sugnaa Stanford, waxa uu helay oo noqotay xaaskiisa Akshata Murty, oo ah gabadha bilyaneerka  ee Hindiyada ah N.R. Narayana Murthy. Sunak iyo xaaskiisa ayaa ah dadka 222-aad ee ugu taajirsan Britain, waxaana hantidooda lagu qiyaasay in ay gaadhay £730m ilaa 2022.

.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com