Dadka Dhintay Waxa Ka Mid Ah Gabadh Xildhibaan Ah

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Dad rakaab ah oo ku sugnaa Madaarka Magaaladda Jigjiga (Jijiga Garad Wilwal Airport) ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa lagu furay tacshiirado rasaas ah, taas oo sababtay in qalalaase isu bedelo Madaarku.

Dadka gudaha Madaarka ku sugnaa oo xilligaa qaarkood kasoo degeen diyaaradda iyo kuwo doonayay in ay raacaan, ayaa la kulmay masiibadaa, iyadoo qaar ka mid ah dadka ku sugnaa gudaha Madaarku sheegeen in shilkaasi dhacay, kaddib markii Askari ka tirsa ciidanka Federaalka ee Boolisku si toos ah u bilaabay rasaas.

Rakaabka ku sugnaa guddaha Madaarka markii ay arrintu dhacday, ayaa sheegay in saddex hablood oo ka mid ah dadka rakaabka ah uu ku bilaabay toogasho, balse markaa kaddib tacshiirado rasaas uu ku furay dhammaan dadkii kale ee ku sugnaa gudaha Madaarka, kuwaas oo qof walba halkii uu naf mooday u cararay.

Askariga rasaasta bilaabay, ayaa sida ay sheegayaan dadka ku sugnaa xilligaa Madaarka tacshiiradaha rasaasta dhinac walba u furay, isagoo dibedda ula soo baxay markii danbe si uu dadkii kasoo cararay guddaha dhibaato ugu geysto.

Ilaa hada maamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga ayaan si dhab ah u shaacin tirada dadka ku dhintay iyo Juweriya Cali oo ka mid ahayd Baarlamaanka ismaamulka Jigjiga ee Kililka Shanaad ee Ethiopia oo ka mid ahayd dadka rakaabka ah ee ku sugnaa Madaarka ee toogashada lala beegsaday, iyadoo markaa kaddib geeritooy, halka walaasheed oo ay kusoo dhowaynaysay dhaawac soo gaadhay.

Booliska Federaalka ee Askarigu ka tirsnaa ayaan wax tallaabo ah qaadin markii Askarigu furayay tacshiiradaha rasaasta ah, kuwaas meel gaar ah uga baxay Madaarka, balse Ciidamada Booliska ee Maamulka Jigjiga, ayaa markii arrintani dhacday soo gaadhay xilli danbe, waxayna ku guulaysteen in ay amaanka Madaarka la wareegaan, iyagoo gacanta ku dhigay Askarigii Federaalka ee dhibaatada sameeyay oo saacad dagaalamayay si aan gacanta loogu dhigin.

Mohamed Guray oo ah ku xigeenka Amniga ee Maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia, ayaa sheegay in arrintani dhacday 4: 00 PM, xilliga galabnimo ee saacadda Afrikada Bari.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com