Israel Oo Masaari Ku Dishay Xadka Iyo Duqaymo Lala Beegsaday Maraykanka

#Araweelo_News_Network.

Ramallah(ANN)-Yuhuuda ayaa diiday innay joojiso garacista, iyadoo weli ka wada dhulka Falastiin duqaymaha ay hore ugu burburisay Qaza. Xerada Qoxootiga ee Jenin oo ka mid ah dhulka ay xoogga ku haysato Israel ayay duqaymo ka geysteen diyaaraddaha Yuhuuda iyo gantaallaha hore loogu burburiyay Qaza, sidoo kale waxay Israel duqayn ka geystay daanta galbeed ee Webiga Urdun.

Duqaynta, ayaa lala beegsaday dhisamaayaasha Masjid lagu cibaadaysto iyo goobo waxbarasho, iyadoo Israel hore u duqaysay Masaajido ku yaal Qaza iyo Cusbataal ay ku dhinteen dad ka baddan shan boqol oo qof.

Laxidhiidha: Dagaalka Israel Iyo Xamaas Oo Gilgilay Xasiloonida Aduunka Iyo Hoggaamiyayaal Xal U Raadinaya

Xerada Qaxootiga ee Jaballa  oo u dhow Qaza ayaa sidoo kale duqaymo loo geystay, halkaas oo ay diyaaraddaha Israel garaaceen, waxaana ku dhintay in ka baddan 10 qof, halka tiro intaa ka baddan ku dhaawacmeen.

Dagaalka Israel iyo Xamaas ayaa sidoo kale sababay in Yuhudo beegsato Degmooyinka ugu waaweyn ee Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ah Janīn, Nāblus, iyo Ramallah waqooyiga Jerusalem iyo Beytlaxam iyo Al-Khaliil ee koonfurta Jerusalem, sidoo kale, Sultan (Jericho) oo ah degmada ugu  weyn ee dooxada Webiga Urdun.

Laxidhiidha: Washington: Yuhuuda Maraykanka Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Xasuuqa Falastiin Iyo Duqaynta Qaza

Dhinaca kale, dagaalka ayaa xilligan ku fidaya gobolka iyadoo Saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq iyo Syria lala beegsaday duqaymo, isla markaana meelaha ciidamada Maraykanka ka joogaan Baqdaad lagu garaacay Gantaallo maalmihii u danbeeyay.

Dhacdooyinka kale ee miijinaya in xiisadda dagaalku ku fiday  gibolka ayaa ah kaddib markii Axaddii Dhawr iyo toban Masaari ah ay ku dhaawacmeen, halka kuwo kalena ku dhinteen Xadka u dhexeeya Masar iyo Koonfurta Qaza ee Rafax, kaddib markii Dubaabaadka Israel eek u xeeran xadka mid ka mid ah uu duqayn sameeyay, balse ciiidamada Israel ayaa arrintaa ku tilmaamay mid ka dhalatay qarax aan loogu talagelin oo si khaldan u dhacay.

Laxidhiidha: Xamaas Oo Sii Daysay Maxaabiis Dagaalka Israel Lagu Qabtay

Sabtidii , ayaa la furay xadka Rafax, waxaana ka gudbay kolanyadii u horaysay ee gaadiid ah ee sida caawimo, gaadiidka ayaa ahaa 20  sida shixnado dawooyin iyo raashin, kaddib markii Israel xidhay 7 Oct, 2023. Cadaadiska beesha Caalamka iyo dhawaaqyada ka imanaya Mujtamaca aduunka ayaa ku khasbay Israel innay aqabasho in sahaydii uu horraysay la gaadhsiiyo in ka baddan 2.1milyan ku nooql Qaza oo ay Israel go’doomisay.

Dagaalka Israel iyo Xamaas, ayaa Qaza ka dhigay gebi ahaanba meel burburtay oo duqaynta diyaaraddaha iyo gantaallahu dambaska ka dhigeen, waxayna Israel xilligan duqaynay xeryaha qoxootiga Falastiin iyo dhismayaasha Masjidada cibaadada iyo dugsiyada wixii jka hadhay, iyadoo duqaymuhu ka socdaan Daanta galbeed (West Bank) Ramalah oo ah Caasimadda Falastiin.

Qorsha ahaa in maalintii konton gaadhi oo xamuul ah oo sida gargaar la gaadhsiiyo Qaza, waxa hoos u dhacay durba gaadiidka shalay ka gudbay halkaa, iyadoo 17 baabuur oo kuwa xamuulka ah ay maanta mar  kale ka gudbeen marinka Rafah ee Qaza oo marka loo eego waxa loo baahan yahay 2 milyan iyo dheeraad qof oo halkaas ku nool aan waxba kaga dhacayn baahida jira ee Biyo la’aanta, laydha oo ka maqan iyo gebi ahaanba addeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha  oo Israel buburisay.

Dagaalka ayaa u muuqda mid si weyn gobolka ugu fidaya, iyadoo dawladda Maraykanku si badheedh ah u garab istaagtay Israel, taas oo ka cadhaysiisay Iran iyo dalal kale oo baddan, balse Yuhuuda iyo Maraykanka ayaa xilligan cabsida ugu weyn kaga imanay dhanka Iran iyo Xisbullah oo ku suagn Lubnan iyo Xuutiyiinta Yemen oo Iran taageerto, balse ma jirto dawlad kale iyo koox ay cabsi ka qabaan dalalka Carabta iyo Dunida Islaamka Maraykanka iyo Israel , waxayna u muuqataa in dagaalku meesha ka saarayo joogitaanka danaha Maraykanka ee gobolka Bariga dhexe.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com