Gabadh Uu Dhalay Sadaam Oo Maxakamadi Xukun Ku Riday

#Araweelo_News_Nerwork.

 

 

 

 

Baqdaad(ANN)-Dalka Ciraaq Maxkamad ku taalla magaalada Caasimadda ah ee Baqdaad, ayaa soo saartay xukun si weyn doodo uga dhasheen, kaddib markii xaakin Maxkamadeed soo saaray  Axaddii Xukun uu ku riday gabadh uu dhalay hoggaamiyihii dalka Ciraaq Sadaam Xuseen ee la dilay.

Gabadha  xukunku ku dhacay ayaan xaadir ka ahayn Maxkamadda, wuxuuna ku riday xukun toddoba sannadood ah.

Raghad Saddam Xuseen, ayaa ku nool dalka Urdun ee uu ka taliyo Boqor Cabdala Boqor Xuseen oo ay qoys kasoo wada jeedaan, wuxuuna garsooraha xukunka soo saaray ku macneeyay mid la xidhiidha eeddaymaha loo haystay gabadhaa oo ahaa sida uu ku dooday innay buunbuunisay Xisbigii Aabeheed ee Xisbul Baca doo muddo dheer ka talinayay Ciraaq, isla markaana saamayn weyn ku lahaa gobolka.

Hase yeeshee Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kaddib markii Sadaam Xuseen xukunka looga tuuray duullaankii reer galbeedka ee Maraykanku hoggaaminayey ee lagu qaaday Ciraaq. 2003.

Wakaaladda wararka ee AFP, oo ay u suurta-gashay innay dib u eegto xukunka maxkamadda ee, Raghad Saddam Xuseen ayaa sheegtay in lagu helay eeddaha looga dhigay denbiga ah, kuwaas oo ah “sare u qaadidda dhaq-dhaqaaqyada Xisbiga Bacad ee laga mamnuucay dalkaCiraaq, iyadoo eedduhu ahaayeen waraysiyo taleefishin oo ay bixisay 2021, wallow aan si cad xukunka loogu astayn waraysiyada ay bixisay ee lagu eeddeeyay kuwa ay ahaayeen.

Hay’addaha amniga ee Dalka Ciraaq , ayaa xilligan qof kasta oo soo bandhiga sawirro ama halku dhigyo uu ku xayaysiinaayo maamulkii la riday ee Hoggaamiyihii dalkaa Sadaam Xuseen, waxaa lagu soo oogi karaa dacwad, taas oo doodo baddan ka taagan yihiin.

Raghad ayaa la hadashay TelefishankaAl-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay sanadkii 2021,waxayna ka warrantay xaalladdihii Ciraaq ee xukunkii gacanta birta ahaa ee aabaheed, intii u dhaxaysay 1979 ilaa 2003, iyadoo sidoo xustay in horumar weyn uu dalku sameeyay, isla markaana saamayn ku lahaa gobolka iyo dunida kale.

“Dad badan ayaa ii sheegay in muddadaas ay runtii ahayd waqti sharaf iyo karaamo leh,” ayay u sheegtay Telefishanka Sacuudiga. “Dabcan, dalku wuxuu ahaa mid xasilloon oo qani ah.”

Xilligan waxay Raghad ku nooshahay dalka Urdun, iyada iyo walaasheed Rana Sadaam Xuseen , waxayna Maraykanku hore u ugaadhsadeen labada wiil ee ay walaalaha ahaayeen, Cuday iyo Qusay, kuwaas oo ciidamada Maraykanku ku dileen magaalada Mosul, sannadkii 2003, iyagoo ka baqayay innay xukunka dalka si uun ugu soo laabtaan cid kasoo jeeda Qoyska Sadaam Xuseen.

Raghad Xuseen ayaa dhalatay 1967, waana curad hoggaamiyihii Sadaam Xuseen, Gabadhan oo baratay sharciga ayaa gacan ka geysatay abaabulka difaaca sharciga ah ee aabaheed intii  lagu guda jiray Maxkamaddii uu Maraykanku ka samaysaty Baqdaad si loogu dilo Sadaan, taas oo oo xilligaa dood baddan dhalisay sharci ahaan iyo cadaallad ahaan sida loo kalsoonaan karo, balse ugu danbayntii ku riday xukunkii loo qorsheeyay ee ahaa deldelaada, taas oo si weyn u abuurtay cadho dhinaca shucuubta Muslinka oo u arkayay xukunkaa mid aan cadaalad ahayn, isla markaana aan waafaqsayn shucuurcdaiyo qaanuunka caalamiga ah oo aargoosi ah.

Dad baddan oo Mujtamaca Carabta kuwa kale rumaysan yihiin inuu ahaa geesi carbeed oo dalkiisa si sharcidaro ah loogu soo qaaday duulaan, kaddibna la deldelay, si laysaga horkeeno shacabka Ciraaq, taas oo sababtay dhiig baddan oo daatay iyo collaad riiq dheeraatay oo lagu kala qaybiyay Bulshada Ciraaq Shiica iyo Sunni.

In kasta oo ay jiraan doodo ay qabaan qaar baddan oo shegaya in Ciraaqiyiinta qaar rumaysan yihiin in rubuc qarnigii uu Sadaam Xuseen xukumayay Ciraaq ay ku jireen cadaadis iyo naxariis darro, laakiin burburka iyo xasuuqa dhacay ee Maraykanka iyo xullufaddiisu sameeyeen markii ay duulaanka kusoo qaadeen dalka ayaan bar yar kaga dhacayn eeddaymaha lala xidhiidhinayo xukunkii adkaa ee Sadaam Xuseen.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com