#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)- Israel ayaa sheegtay in dagaalku sii socon karo muddo, iyadoo muujisay cabsida in dagaalku u dhexeeya Xamaas inuu noqdo mid ku fida gobolka, waxayna arrintan kusoo beegantay. Iyadoo Xamaas sii deysay maxaabiis kale oo Yuhuud ah.

Laxidhiidha: Israel Oo Masaari Ku Dishay Xadka Iyo Duqaymo Lala Beegsaday Maraykanka

Laanqayrta Cas, ayaa door ka qaadatay in Xamaas ay sii deyso laba qof oo kale, kuwaas oo sida ay shaacisay Laanqayrta Cas ahaa  Labaduba haween da’ ah iyo dadka deggan Kibbutz, kuwaas Laanqayrta Cas  sheegtay in ay ku lug lahayd sidii haweenkan looga soo daabuli lahaa Qaza, wallow aan lasoo deyn raggoodii oo ay weli lahaystayaal u yihiin Xamaas.

Laxidhiidha: Dagaalka Israel Iyo Xamaas Oo Ku Fidaya Gobolka

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil ay kordhisay duqaymaha dhanka cirka ah oo ay ka geysanayso guud ahaan Qaza, iyadoo sheegtay inay duqaymo ku garaacday bartilmaameedyo ay Xamaas leeyihiin, waxayna  Wasaaradda caafimaadka Qaza ee Xamaas  maamusho ay sheegtay in tiro ka baddan 5,000 oo qof ay hadda ku dhinteen duqaynta socotay tan iyo 7 Oct 2023.

Hase yeeshee Israel oo kordhisay duqaymaha aan loo miidaan deyin ee ku waajahan Falstiiniyiinta, ayaa xaqiijisay in dagaalku uu socon karo dhawr bilood, sida laga soo xigtay saraakiisha Millateriga Israel,  taas oo muujisay in qorshaha Israel ee dagaalka uu Maraykanku ku garab siiyay wax weyn iska beddeleen xilligan oo ay jirto cabsi meesha ka saartay ku talagalkii hore, iyadoo si weyn looga werwerayo in dagaalku ku fido gobolka, isla markaana si weyn saamayn ugu yeesho xasiloonida gobolka iyo ta caalamka.

Dhinaca kale, Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegtay Axaddii in 29 ka mida shaqaaleheeda, lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hay’addan oo loo soo gaabiyo UNRWA ayaa barteeda X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku xaqiijisay geerida 29 ka mida shaqaaleheeda, iyada oo tirada dhimashadu ay ahayd maalinimadii Sabtidii 17 qof, hase ahaatee ay haatan sare u kacday, taas oo muujinay in waxyeelada dagaalka iyo duqaymaha Israel sii kordhayaan.

Kala badh, ka mida shaqaalaha la dilay ayaa ahaa macalimiin, si ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kumanaan ka mida shacabka Qaza ayaa gabaad u raadsanaya xarumaha ay maamusho UNRWA.

Weerar ay qaadeen ururka Xamaas ku qaadeen Israa’iil ayay ku dileen 1,400 oo qof.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in weerarada cirka ah ee Israa’iil in lagu dilay 4,600 oo Falastiiniyiin ah, halka Israa’iil ay sahaydii, shidaalkii, biyihii iyo korontadiiba ka jartay marinka Qaza.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com