By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
A
Ankara(ANN)– Turkiga ayaa hoggaamiyayaasha Xamaas ku amray innay dalkiisa ka baxaan, kuwaas ooh ore loo siiyay deganaansho iyo weliba Baasabooro Dulamaasi. Arrintan ayaa soo baxday laba toddobaad kaddib markii Xamaas ay weerarradeeda loo bixiyay Duufaanka Al-Aqsa ay ku qaaday guddaha Israel, Oct, 7 2023.

Israel ayaa weerarka kaga jawaabtay duqaymo iyo go’doomin si weyn loogu burburiyay Qaza iyo meelo kale oo sababay khasaare weyn iyo xasuuq, Turkigu oo isha ku hayay xidhiidhka uu la leeyahay kooxda Xamaas iyo dhinaca kale, Israel iyo xullufadda galbeedka, ayaa horaantii sheegay inuu doorkiisa ka ciyaarayo dublamaasiyad lagu joojinayo dagaalka.
Ankara waxa ay ahayd taageere agab iyo awood Xamaas tan iyo 2011. laakiin ilaa todobaadkii hore, waxay siyaasadda Erdogan eek u waajahan dagaalka iyo xidhiidha Xamaas abuurtay in Maraykanku u arkay in ay dhibaato tahay oo kaliya in ay u adeegtay jidgooyo isku daygii Turkiga ee ahaa in uu caadi ka dhigo xidhiidhka uu la leeyahay Israel, iyadoo Maraykanka iyo Israa’iil dagaalka iyo duqaymaha Qaza isku garab taagan yihiin.

Erdogan, ayaa u muuqda mid u hoggaansami doona codsigan oo kale, isagoo qaatay siyaasad ah inuu xidhiidhka u jaro Xamaas, Erdogan waxa laga dalbay inuu canbaareeyo weerarkii Xamaas ee Israel oo lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo muwaadiniin Israa’iil ah, taas oo Maraykanka iyo xullufadda reer galbeedka ee Israel garab ataagn ku macneeyeen fal argagixiso. Iyagoo idhaha ka qarsanaya, isla markaana dafiraya kumanaanka shacabka Falastiin ee Israel xasuuqday iyo duqaymaha ay weli ka waddo Qaza oo la go’adoomiyay, iyadoo aannay jirin Biyo, Laydh, Dawo iyo cunto, taas oo Erdogan ka damqaday, laakiin aannu ka badheedhin.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka oo uu kula hadlayay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu 2018, Erdogan waxa uu yidhi, “Xamas ma aha urur argagixiso, Falastiiniyiintuna ma ahan argagixiso. Waa dhaqdhaqaaq iska caabin ah oo ka difaacaya dhulka Falastiiniyiinta ee ka soo horjeeda awood la qabsado.”

Weerarkii ugu dambeeyay ee Xamaas, Erdogan wuxuu ku qanacsanaa inuu sheego in “waa mas’uuliyaddayada inaan garab istaagno kuwa dulman” iyo ku martiqaadista “dhammaan bani’aadamnimada si ay u qaadaan tallaabo lagu joojinayo naxariis-darrada aan horay loo arag ee Gaza.”

Sidaa awgeed tani waa sida ay mujtamaca adduunka in baddan oo ka mid ah u arkaan, Xamaas waxay u taagan tahay nuxurka dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin..

Markii uu noqday ra’iisal wasaaraha Turkiga 2003, wuxuu xakameyay dareenkiisa dhabta ah ilaa 2009, Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee sanadlaha ah ee Davos. Munaasabadan ayuu ku canaantay madaxweynihii Israa’iil ee Shimon Peres, isagoo ku eeddeeyay dowladda Israa’iil inay dishay carruurta Falastiiniyiinta.

Qaza 2010. Raxan yar oo doomaha Turkiga ah ayaa isku dayay inay jebiyaan go’doominta Ciidamada Badda Israel, taasoo keentay dhimashada dhowr qof oo saarnaa mid ka mid ah maraakiibtooda, Mavi Marmara, kaedib waxaa xoog ku galay ciidamada gaarka ah ee Israa’iil. Dhacdadaa ayaa lagu macneeyaa innay ahayd mid keentay hoos u dhac muuqda oo ku yimi xidhiidhka Turkiga uu la leeyahay Israa’iil, wallow uu isku halaynayay xidhiidhka u dhexeeya Israel.

Wixii ka danbeeyay Ilaa waagaa, Ankara iyo Israa’iil ma samaynayn oo keliya xidhiidh dawlad iyo dawladeed oo dhow, laakiin sidoo kale waa mid sii xoogaysanayay, wallow Israa’iiliyiinta ay si wada jir ah ugu qulquleen magaalooyinka xeebaha Turkiga marka la gaadho xilliyada xagaaga, halka Milliteriga iyo sirdoonka Turkiga ay ka faa’iideysteen xidhiidh adag oo ay la leeyihiin dhiggooda Israel, kaas oo ka caawiyay casriyeynta taangiyada Turkiga iyo ciidamada cirka. Tani waxay dhammaan meesha ka baxday dhacdadii Mavi Marmara kaddib, wuxuu Erdogan bilaabay inuu si furan xidhiidh ula yeesho Xamaas.

Go’aanka lagu kobcinayo xdhiidhkaa ayaa gebi ahaanba doorashada shakhsi ahaaneed ee Erdogan ee maaha go’aan istaraatiijiyadeed oo matalaya doorbidyada hay’addaha dawladda Turkiga. in kastoo, xidhiidhka Xamaas uu xidid qoto dheer ku leeyahay Turkiga, isla markaana ay adkaan doontaa in xididdada loo siibo.

ALt: "Araweelo News"

Erdogan iyo Saraakiisha Xamaas, xilli laga hadlayay arrimo baddan.

Xamaas waxay ku haysaa Ankara xafiisyo siyaasadeed oo ay ku leedahay Turkiga, madaxda Hamas, oo ay ku jiraan Khaled Mashal, Ismail Haniyeh, iyo Saleh al-Arouri, waxay si cad ula kulmeen Erdogan marar badan. Arouri iyo Ismail Hania, Ankara waxay siisay baasaboorka Turkiga iyo degenaanshaha, taasoo u ogolaatay inay si caalami ah ugu safraan iyagoo aan la hor istaagin. Salah Arouri, oo ah madaxa Xamaas Daanta Galbeed, waxa uu Maraykanku u aqoonsaday argagixiso, isagoo madaxiisa dhigay $5 milyan oo abaal marin ah. Ka sokow arrimaha siyaasadeed eek u maran Erdogan ee sababay in xidhiidhka uu u jaro Xamaas, waxa jirtay in Saleh Al-Arouri lagu eeddeeyay inuu u dabaaldegay duulaankii Al-Aqsa, iyadoo Erdogan oo xidhiidha weyn la leh reer galbeedka lagu cadaadiyay in uu qaado tallaabo dalka lagaga saarayo saraakiisha Xamaas, isla markanaa si gaar ah farta loogu fiiqay Saleh Al-Arouri inuu raad weyn ku lahaa weerarka Israel iyo Maraykanku hibanayaan ee 7 Oct, 2023.

Sidoo kale, waxa arrimaha sii murgiyay in Turkiga lala xidhiidhinayo inuu taageero Millateri siiyo Xamaas. Bishii July ee sanadkan, maamulka Israa’iil ayaa sheegay in ay qabteen 16 tan oo walxaha qarxa ah oo asalkoodu ka yimid Turkiga, kuna sii jeeday Qaza, oo sida muuqata loogu talagalay in lagu dhiso gantaallada Xamaas, laakiin Israel ma soo bandhgin caddaymo muujinaya arrintaa.

Si kastaba ha ahaatee masaafurinta saraakiisha Xamaas ee xilligan ee Turkiga oo guul weyn u ah Israel Maraykanka iyo xullufadda, laakiin kama duwana go’doominta Qaza ee Israel oo uu sameeyay hoggaamiye Muslin ah oo xilligan qaaday tallaabo dhaawac weyn ku ah mustaqbalka Siyaasadda iyo qadiyadda Falastiin ee duninidu ka eexatay maalmahan addag ee burburinta, xasuuqa iyo go’doominta Israel ku hayso.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com