> Turkiga, Chad iyo South Africa Oo Ku Biiray Dalalka Xidhiidhka U Jaray Israel

> Jordan, waa dalka keliya ee Carbeed ee Qaatay Go’aanka, Bolivia, Colombiya, Chile Oo Ciqaab Uga Dhigaya Israel Innay Xidhiidhka U Jaraan

#Araweelo_News_Network.

 

 

Johannesburg  (ANN)- Dalalka Safiiradooda kala baxay Israel ayaa sii kordhaya tan iyo markii Israa’iil ay bilowday duqeynta ay ku heyso Qaza iyo xasuuqa sida weyn dunidu uga murrugootay, iyadoo 9 dal  ay kala noqdeen safiiradooda, isla markaana xidhiidhka u jareen Israel.

Dalalka ayaa si cad ugu baaqay xabbad-joojin degdeg ah iyo in la helo marrin gargaarka bini’aadminimo oo gaadha Qaza oo go’doon iyo garaacis ku jirtay muddo bil iyo dheeraad ah.

Laxidhiidha: Dalal Safiiradooda Israel U Yeedhay Iyo Kuwo Cilaaqaadka Diblamaasiyada U Jaray

Xukuumadda Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa ka mid ah kuwa la baxay safiirkooda Tel Avuv saacadihii u danbeeyay, Sidoo kale dalka ay dariska la yihiin Israa’iil ee Urdun ayaa sheegay in Israa’iil ay galayso “dambiyo dagaal”., kaas oo noqday dalka keliya ee Carbeed ee qaatay go’aanka diblamaasiyada loogu jarayo Israel, sababta dagaalka Qaza iyo xasuuqa ka socda ee shacabka Falastiin.

Waddamada ugu dambeeyay ee liiska lagu ciqaabayo xukuumadda Israel, waxa ka mid ah Koonfur Afrika iyo Chad oo safiiradooda kala baxay Tel Aviv, kuwaas oo damiirkoodu diiday innay sii wadaan cilaaqaad ka dhexeeya Israel oo duulaankeedu Qaza noqday mid cawaaqib xun iyo raad fool xun ku yeeshay dagaalada aduunka soo maray.

Madaxweynaha Chile, Gabriel Boric ayaa sheegay in tallaabadan ay sabab u tahay Israa’iil , “waxa ay samaynay ee ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ee marinka Gaza.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro ayaa yidhi, “haddii Israa’iil ay joojin waydo xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiin, ma joogi karno halkaas.”

 

Bolivia ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee gebi ahaanba xidhiidhka u jara Israa’iil Salaasadii toddobaadkii hore , iyadoo sheegtay in go’aankeedu uu ahaa “cambaarayn cad oo ku waajahan weerarka gardarada ah iyo weerarrada millateri ee Israel  ka wado marrinka Qaza”.

 

Turkiga ayaa ugu danbayntii ku biiray dalalka Safiiradooda uga yeedhay dalka Israel, iyadoo ay todobaadkii hore Jordan, Bolivia, Colombiya iyo Chile u yeedheen Safiirada ka jooga Israel, taas oo qayb ka ah dagaalka Isael iyo xullufadeedu ku qaadeen Qaza ee sababay xasuuqa, isla markanaa  xaalladda ka dhigay mid si weyn looga argagaxo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com