Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex, ayaa dalbatay in sharciga la hor keeno cida dalka soo gelisay Bariis ay Hay’adda dhawrista Tayadda Somaliland qabatay, oo abuuray dooddo iyo su’aalo aannay bulshadu weli jawaab u ahayn.

Arrintan ayaa sii kordhisay cabsida ay Bulshada ku abuurtay Badeecaddaha aan caafimaad ahaan wanaagsanayn ee kusoo badanaya dalka, kuwaas oo isugu jira Cuntada iyo daqooyinka laga soo waarido dalalka dibadda.

Bulshada Somaliland, ayaa si weyn u hadal haysa su’aalo ka dhashay Bariiska ay sheegeen in dalka lasoo geliyay ee ay qabteen oo aannay xusin magaca, callaamada iyo sumad u gaar ah, ama ganacsadaha dalka soo geliyay, iyadoo ay dhowaan isla hay’addu Sonkor madmadaw iyo shaki ka dhashay oo lagu shaaciyay barraha bulshada ka hadashay, kaddibna ay sheegtay innay baadhitaan ku samaynayaan wixii kasoo baxana la wadaagayaan bulshada natiijada, balse jawaabta mar danbe kasoo baxday ayaa noqotay mid aannay bulshadu ku qancin.

Dhacdada ugu danbaysay ee Bariiska ayaa noqotay mid si weyn Bulshadu u hadal hayaan, waxayna dad baddan soo dhoweeyeen dalabka Xeer Ilaalinta ee ah in sharciga la hor keeno, kaddib markii dawladda Hoose ee Hargeysa dalbatay in sharciga la hor geeyo cida dalka soo gelisay Bariiska.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Marooodi-jeex, oo tixraacaya qoraal ay dawladda Hoose ee Caasimidda Hargeysa kaga dalbatay in sharciga la hor geeyo si loo ciqaabo cida dalka soo gelisay Bariiska, wuxuu xafiiska xeer ilaalintu qoraalkiisa ku socodsiiyay Taliyaha Saldhiga Booliska 26 Jun ee Hargeysa, iyadoo oggaysiin la siiyay Taliyaha Booliska ee Qaybta Bariga, hoggaanka hawlaha ciidanka Booliska JSL, Hay’adda dhawrista Tayada, Taliyaha Booliska, iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. Waxa lagu amray Hay’addaha Amaanka in sharciga la horkeeno cidii dalka soo gelisay Bariiska, si loo mariyo ciqaabta ku waajibtay.

Qoraalka Amarka Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex ayaa ahaa sidan:-

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa sheekada sii xoojisay, iyadoo dacwad la xidhiidha arrintaa u gudbisay Xeer-ilaalinta gobolka oo jawaab cad ka bixisay, laakiin waxay dad baddan is weydiinayaan haddii ay xeer ilaalintu ka dhabayso dacwadda ma noqon doonta mid rajo iyo yididiilo gelisa Bulshada, isla markaana digniin iyo cashar u noqota ganacsatada caadaysatay innay dalka kusoo waaridaan raashiin iyo dawooyin khatar weyn oo caafimaad sababi kara, wallow ay dad baddan rumaysan yihiin in xannuunada kusoo baddanaya Bulshada ay sabab u yihiin.

Qoraalka hay’adda dhawrista Tayada ee lahayd shaqadan ayaa u muuqata mid aad u tamar daran oo aan ahmiyad siinayn waajibkeeda shaqo iyo ujeedada loo aasaasay, taas oo aannay Bulshadu u muujin kalsooni la xidhiidha waajibkeeda shaqo, isla markaana qoraalka ay kaga hadlay arrinta sheekada Bariiska aannay ka muuqan ereyo ka turjumaya dhibaatada caafimaad ee ay arrintan keeni karto iyo khatarta sii kordhaysa ee cuntooyinka lasoo geliyo dalka.

Qoraalka Hay’adda Dhawrista Tayada.

ALt: "Qoralka Xeer Ilalainta Ee Bariiska"

Sidaa awgeed waxa la sugayaa natiijada kasoo baxda dalabka xeer ilaalintu inuu noqdo mid horseeda badbaado iyo rajo dhanka Bulshada ah, ama ay ku dhammaato natiijo muujisa in aan sharcigu awoodin in la horgeeyo ganacsatada dalka soo geliyay Bariiska la qabtay, waxaase jawaabta laga oggaanayaa waxa kasoo baxa dacwadda Xeer-illaalinta gobolka iyo halka ay ku danbayso.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com