>Khabiirka arrimaha Millateriga Major General Fayez Al-Duwairi ayaa ka hadlay Sida loo Qaawiyay Kibirka Israel Iyo Xullufadda Maraykanka

 

“Waxaan diiwaan gelinay burburka in ka baddan 160-ka mid ah Taangiyada iyo gaadiidka dagaalka ee Israel, welina,  “Afhayeenka Garabka Millateriga Iska Caabinta Yuhuuda Ee Falastiin

#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Ururka Xamaas ee dagaalka maraya maalintii 36aad kula jira dagaalka Millateriga Israel iyo xulufadda reer galbeedka ee Maraykanku hormoodka u yahay, ayaa sheegay in Israel iyo xullufadeeda si weyn loogu wiiqay dagaalka guddaha Qaza, iyadoo dagaalku galay maalintii 36aad.

“:Waxaan diiwaan gelinay burburka in ka baddan 160-ka mid ah Taangiyada iyo gaadiidka dagaalka ee Israel, mujaahidiintayaduna waxay usoo baxeen sidii ay cadowga dhulka hoostiisa uga weerari lahaayeen.” Sidaa waxa yidhi, Afhayeenka guutada Al-Qassam garabka millateri ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin, Abu Cubayda,, kaas oo inta baddan kasoo muuqda xarrumaha warbaahinta Xamaas iyo Jihaad.

“Xasuusyada argagaxa leh ee ka dhacay caalamka hortooda, oo ay ku jiraan caruur iyo dad rayid ah oo la laayay, xarumo iyo Cusbitaallo la duqeeyay, waa guusha keliya ee cadowgu ka gaadhay dagaalkan, waxayna muujinayaan aargoosi fudud oo degdeg ah.”

 

“Dagaalyahankayagu waxay kasoo baxaan dhulka hoostiisa, korkiisa, iyo burburka hoostiisa, waxayna burburiyaan hubkeeda iyo taangiyada.”ayuu yidhi.

Abu  Cubayda ayaa xusay in 160 ka mid ah baabuurta ciidamada Israa’iil ay gabi ahaan ama qayb ahaan burbureen tan iyo markii uu bilowday duulaanka dhulka, oo ay ku jiraan in ka baddan 25 Taangiyo iyo gaadiid oo 48-dii saacadood ee la soo dhaafay la gubay.

Afhayeenka guutada Al-Qassam garabka millateri ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin, Abu Cubayda, ayaa xaqiijiyay in iska caabinta ay ku khasabtay ciidamada gumaysiga innay dib u gurtaan oo ay bedelaan dariiqii duulaanka ay ku galeen Qaza, isagoo tilmaamay innay burburiyeen 25 baabuur oo ciidamada Israel ah, labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Wuxuu kaloo intaa ku daray: “Mujaahidiintu waxay sidoo kale weerarro gaadmo ah ku qaadeen cadowga , iyagoo ku jira dhismayaal la burburiyay, waxayna la beegsadeen goobaha ay ku baddan yihiin ciidamada lugta oo ay ku jiraan gantaallo, aaladaha ka hortagga dadka, madaafiicda hoobiyayaasha, iyo hubka socod-baradka ah.”

Dhinaca kale, Khabiirka arrimaha Millateriga Major General Fayez Al-Duwairi ayaa ka hadlay arrintaa, isagoo sheegay in hadalka iska caabinta ee ku saabsan in la burburiyay in ka baddan 160 Taangiyo ah iyo baabuurta Israa’iil ay ka dhigan tahay in ciidanka qabsaday ay lumiyeen ku dhawaad ​​laba guuto oo gaashaaman iyo ilaa 900 oo ka tirsan xubnahooda, muddo bil gudaheed ah, halka dagaalka dhabta ah aannu weli dhicin ee aannu bilaabmin.

Major General Fayez Al-Duwairi, wuxuu sidaa ku sheegay Waraysi uu xallay siiyay Telefshanka Caalamiga ah ee Al-jaziira, isagoo sharaxaad iyo tacliiq dheer ka bixiyay sida ay xaalladdu tahay iyo dagaalku sida uu u socday muddada ka baddan bisha oo ay muuqato inn aannay Israel iyo xullufaddu waxba la hadhin, isla markaana aannay weli wax guul ah ka gaadhin dagaalka oo ay maleeshiyada iska caabinta Falastiin dagaalamayaan weli, iyagoo weliba soo bandhigay khasaaraha baaxada leh ee la gaadhsiiyay Millateriga Israel, ka hor inta aan dagaalka tooska ah loogu kulmin.

Maalintii 36-aad ee duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa sii socoshada weerarada ay ku hayaan Cusbitaalada iyo dhismayaasha lala beegsanayaa duqaymaha Cirka, dhulka iyo Badda kasoo dhacaya, waxaana si gaar ah Israel oo sii wada weerarada lala beegsnayo Xarunta Caafimaadka garaacday dhismayaasha Cusbitaaalka Shifa.

 

Arrintan waxa barbar socda dagaallo qadhaadh oo ay qaadayaan iska caabinta falastiiniyiinta oo ciidamada, kuwaas oo ciidamada Israel ee doonaya innay guddaha u galaan Qaza ay la kulmayaan, gaar ahaan  Waqooyiga marrinka Qaza oo ay burburinta dhulka lala simay ee garaacista sodotay muddo ka baddan soddon maalmood iyo sodon habeen isku deyayaan innay ka sameeyaan horumar, wallow ay si weyn ula kulmayaan weerarada kaga imanaya dhulka hoose.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in innay qabsashada in yar oo ka mid ah dhanka Waqooyi ay sii kordhisay duqaymihii ay ku haysay goobo kala duwan oo Marrinka Qaza ka tirsan, sida wariyaha warbaahinta deegaanka  Qaza sheegeen, waxaana sidoo kale duqaymuhu ka socdaan  Al-Shaboura ee badhtamaha Rafax iyo deegaanka Tal Al-zaatar ee Waqooyiga Qaza, iyagoo Ciidamada Israel iyo xullufaddu Qaza u kala jareen Waqooyi iyo Koonfur, isla markaana dhinaca Xeebta gamcaha laysula tegey oo uu ka socdo dagaal weyn.

 

Sidoo kale, Warbaahinta Xamaas, ayaa sheegtay in Sabtidii diyaaraddaha Israa’iil kordhiyeen duqaymaha ay ka geysanayaan goobo kala duwan oo ku yaalla marinka Qaza, sida agagaarka Cusbitaalka Indonesia iyo Tal al-Zaatar oo dhanka Waqooyi ka xiga marrinka Gaza.

 

Xafiiska warbaahinta dowladda ee Qaza ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Hawl-galku wuxuu billaabay weerarro xooggan oo is-daba-joog ah oo ka dhacay agagaarka Tal al-Zaatar, agagaarka Cusbitaalka Indonesia ee Waqooyiga Qaza, iyo agagaarka Isgoyska Saraya, oo ku yaal badhtamaha Magaalada Qaza.

 

Warbaahinta Xamaas ayaa sidoo kale, sheegtay in deegaanka Sheekh Naasir ee Khan Yuunis, ee Koonfurta marinka Qaza uu ku burburay duqaymaha Israa’iil awgeed,, iyadoo deegaanka Austraia ee Khan Yuunis sidaa oo kale la burburiyay, isla markaana duqaymaha waxa ka dhashay khaasaare dhimasho iyo dhaawac oo aan weli tirakoob sax ah laga soo gudbin.

 

Milateriga Israel, ayaa dhankooda sheegtay innay burburiyeen dariiqyo marra dhulka hoose oo Xamaas lahayd, kuwaas oo ku yaalay Al Nasser Street iyo Ahmed Orabi Street, iyagoo sheegay in jihooyinka kala duwan ee dariiqyada dhufaysyada dhulka hoose ay ka heleen halkaa, isla markaana ay garaacayaan diyaaraddaha Millateriga Israel, halkaas oo sida ay warbaahinta Millateriga Israel sheegtay lagu burburiyay qaybo ka mid ah Xamaas, isla markaana ay firxadka u cararay dhanka xeebta ugaadhsanayaan.

Israel waxay sheegtay in hawgalada godadka ay fuliyeen Cutubka Elite ee Israa’iil ee 669, kuwaas oo ay sheegeen innay weerareen xarunta Xamaas ee godadka ku yaal halkaa, isla markaana ciidamadooddu ka bilaabeen Qaza howlgal samatabixin ah, balse warbaahinta  Milateriga Israel masoo bandhigin caddaymo aan ahayn duqaymaha Diyaaraddaha oo dhul bannaan ah ku garaacaya hub culus oo u muuqda mid aan hore loogu arag dagaalka, kaas oo la rumaysan yahay inuu yahay mid ka mid ah hubka halista weyn ee raadadka xun kaga tagga deegaamada loo adeegsado.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com