#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Fadhigii gollaha guurtida Somaliland, ayaa baaqday kaddib markii ay kasoo xaadiri waayeen xildhibaano baddan oo danahooda ku foofay, isla markaana la waayay tirada Kooramka ee loo baahnaa si fadhigu u furmo.

Guddoomiyaha Gollaha Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii la xaadiriyay xildhibaanada fadhiga kasoo xaadiray iyo kuwa ka maqnaaday ee sababta u noqday in aannu golluhu fadhiisan jeediyay hadal cannaan ah.

Xoghayaha gollaha Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa xaadiriyay maanta Isniin ah magacyada xildhibaanada, iyadoo ay madasha ka muuqdaan xildhibaano aad u tiro yar, balse guddoomiye Saleebaan ayaa markaa kaddib  ku amray xoghayaha innay baafiyaan pp warbaahinta geliyaan xildhibaanada maqan ee aan  ku maqnayn sabab mucayin ah iyo kuwa fasaxa ku maqan si ay bulshadu u oggaato.

 

Guddoomiye Saleebaan, wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in sidan oo kale uu golluhu u furmi waayo kooram la’aan, wuxuuna ku wargeliyay xildhibaanada madasha fadhiyay innay kuwa maqana ku wargeliyaan in aannay mar danbe dhicin.

Fadhiga xilligan ee gollaha waxa ugu muddan ajandaha horyaal xeerarka doorashooyinka ee gollaha wakiilladu u gudbiyay dhawr bilood ka hor, iyadoo si weyn isha loogu hayo xeerarkaa oo suurtagelinaya innay dalka ka dhacaan doorashooyinka khilaafka iyo murranka sannadaha soo socday ee ugu danbayntii ay soo farageliyeen Salaadiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee Somaliland qaarkood, sidaana go’aamada Madaxweynuhu ugu soo gudbiyay Digreeto gollayaasha si sharciga loo waajahiyo.

Todobaadkii hore ayay mudanayaashu kasoo laabteen fasax dhawr bilood ah, waxaana markii la furay kalfadhiga xilligan soo baxay  dhaliilo kasoo baxayay qaar ka mid ah xubnaha Guurtida oo ku eeddaynayay Guddoomiyaha inuu dib usoo celinayo khilaafkii siyaasadeed ee raadiyay dalka, isla markaana xilligan oo loo baahnaa in ajandaha xeerarka doorashada ee gollaha horyaal oo ku jira ajandaha lasoo hor mariyo, halka liiska qodobada ajandaha xagga danbe laga geliyay sida uu warbaahinta u sheegay maalin ka hor  Xildhibaan Gacan.

Mudanayaasha  Gollaha, ayaa la filayay xilligan xaasaasiga ah ee dalku marayo marxalada aan la saadaalin karin iyo buunka collaadaha qabaliga ah ee lagu baaqayo innay hawlahooda ka dhigaan kuwo ka baddan intii hore, isla markaana muujiyaan dedaal iyo juhdi dheeraad ah, balse maqnaanshaha sabab la’aanta ee xilligan xaasaasiga ah in fadhiga gollaha loo waayo Kooram ayaa dhalisay su’aalo kale oo in baddan oo bulshada ka mid ah ku keenay niyad jab xooggan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com