Araweelo News Network.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine hafiyay, ayaa durba gil-gilay saamiyada suuqa aduunka, iyadoo durba sareenka iyo saliidu si weyn kor ugu kaceen.kaddib markii ciidamadda ruushka oo ay kaalmaynayaan kuwa Belarus dhawr jiho kaga yimaadeen weerraro cirka dhulka iyo Badda ah dalka Ukraine Khamiistii maanta oo ahayd 24 Feb 2022.

Laxidhiidha: Mawjado Weerraro Cir Iyo Dhul Ah Oo Millateriga Ruushka Ku Hafiyeen Caasimadda Iyo Jawaabta Calaacalka Ee NATO

Maraakiibta ganacsiga ee baddeecadaha gelisa dalka Ukraine iyo kuwa qaada ayaa si weyn u joogsaday iyada oo ay jiraan weerraro ballaadhan oo Millateriga Ruushku ka wado dalkaas.

Dawladda la hareereeyay ee Ukraine ayaa ogeysiis Khamiistii u dirtay kabtanada Maraakiibta ee kusoo jihaysan Badda Azov, iyadoo uga digaysa inay ka fogaadaan badda sababo la xidhiidha duqaymaha dhinaca Cirka Badda iyo Dhulka.

Laxidhiidha: Britain Oo Ruushka Ku Eeddaysay Inuu Maleegayo Dagaalkii Ugu Weynaa

Maraakiibta ayaa laga mamnuucay inay soo galaan Marin biyoodka waxaana laga codsanayaa inay ku xidhtaan haddii ay ku sugan yihiin dekedda, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha hawlaha maraakiibta ee Kyiv.

Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in uu xidhayo gebi ahaanba dhoofinta Badeecaddaha iyo shixnadaha Badda Azov Sea, sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee France Presse (AFP) Khamiistii February 24 iyo wakaalada wararka Ruushka ee Interfax.

Laxidhiidha: Jawaabaha Degdega Ah Ee Laga Bixiyay Tallaabooyinka Ruushka Ee Ukraine

 Badda Azov waa mid ka mid ah labada goobood ee Ukraine ee ganacsiga marinka u ah , iyada oo loo marayo dekeddaha ugu muhiimsan ee Berdyansk iyo Mariupol.

Talaabadan ayaa sii hurinaysa hubanti la’aanta ku saabsan saamaynta colaadda ee ganacsiga caalamiga ah oo durba dunida laga dareemay.

Marinka Badda Azov ayaa sidoo kale ah marin muhiim ah oo la mariyo saliidda laga soo saaro Ruushka ee ku waajahan suuqyada Yurub.

 Mariupol, oo ah dekedda ugu weyn ee Ukraine  ee Badda Azov, iyo dekedaha kale ee Jasiiradda Crimean waxay sidoo xuddun u yihiin maraakiibta u dhoofisa Cuntooyinka sida galleyda, sarreenka iyo Qamandiga ay soo saaran ee loo dhoofiyo dalalka Masar, Italy, Lubnaan iyo kuwo kale.

Laxidhiidha: Gulufka Dagaalka Ukraine Iyo Khiyaamooyinka Dhinacyada

Qiimaha sarreenka ee suuqa Chicago (Mercantile Exchange ee Chicago), wuxuu kor u kacay heerka ugu sarreeyay in ka badan sagaal sannadood, sidoo kale sarreenka Yurub wuxuu kor u kacay meel aannu weligii gaadhin, waana saamaynta durba dagaalka bilawga ah oo aan natiijadiisa la ogayn.

Ruushka iyo Ukrain ayaa lagu qiyaasaa in ay yihiin 30% dhoofinta sarreenka adduunka iyo 20% dhoofinta galleyda.

Dhinaca kale, Xoggaha laga soo xigtay Taraafikada Badda waxay muujinaya in aannay jirin wax maraakiib ah oo ka gudbay marinka Kerch Strait, kaasoo isku xidha Badda Madow iyo Badda Azov, saacadihii lasoo dhaafay.

Waxaana durba meesha ka baxay kolanyada Maraakiibta oo sida shixnado Yurub Eeshiya, Afrika iyo Ameerika isaga gudbayay maalin iyo habeen oo qul quli jiray halkaa si ay uga gudbaan marinka cidhiidhiga ah, kuwaas sida shixnadaha badeecaddaha ay ugu badan yihiin birta, Cuntooyinka ay caanka ku tahay Ukriane iyo alaabada kale ee ay soo saarto.

Laxidhiidha: Ukraine Dhacdooyinka Salka U Ah Xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Xoggaha, ayaa muujinaya in tiro ka badan 100 markab ay ku xayiran yihiin halkaa, iyagoo ku xaniban dhanka koonfureed ee marinka Kerch.

Sidoo kale waxaa hakad ku yimid isu socodkii maraakiibta u socotay magaalada Odessa oo ah dekedda ugu weyn dalka Ukraine, taas oo isu socodka gaadiidka Badda iyo Cirkaba ee isaga gudbaya qaaradaha uu dagaalku ku keenay xanibaad.

Lama ogga natiijada iyo saadaasha xun ee ay sababayaan hakadka maraakiibta iyo badeecaddaha, balse waxaa la filayaa inay soo saaraan talooyin saraakiisha hawlaha Maraakiibta, taas oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa maraakiibta.

“Illaa hadda, adeegyada Russia waa diyaar annagoo go’aansanay in aanan dalban dekeddo kale oo ku yaal Ukraine ilaa la gaadhayo 28 Feb 2022, oo aan joojino amarada lagu aqbalayo ee ka imanaya Ukraine ilaa ogeysiis dambe,” sidaa waxa tidhi, afhayeen u hadashay maraakiibta Danishka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com