Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in mowjado weerraro ah oo bilow ah lala beegsaday xarumaha millateriga, garoomada diyaaraddaha iyo xarumaha dowladda ee dalka oo dhan.

Araweelo News Network.

Ciidamada Ruushka iyo taangiyada ayaa gudaha u galay Ukraine waxaana duqeymo cirka ah lagu garaacay caasimadda dalka iyo in ka badan tobban magaalo oo kale gelinkii hore ee maanta oo Khamiis ah.

Magaalada Chuguiv qiiq hawada isku shareeray kaddib duqaymaha Diyaaraddaha Ruushka.

Hawlgalka ayaa yimi kaddib markii Madaxweyne Vladimir Putin uu sheegay inuu amar ku bixiyay hawlgal Millateri, hawgalkaas oo Madaxweyne Putin doonayo in meesha lagaga saaro millateriga Ukraine, iyadoo qorshuhu yahay in la horgeeyo hogaamiyayaasha maxkamad.

Laxidhiidha: Britain Oo Ruushka Ku Eeddaysay Inuu Maleegayo Dagaalkii Ugu Weynaa

Xoghayaha guud ee NATO ayaa weerrarka Ruushka ku tilmaamay “fal dagaal oo arxan darro ah” wuxuuna sheegay in isbahaysiga millaterigu ay kiciyeen qorshayaal difaac oo ay kaga jawaabayaan.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in mowjado weerraro ah oo bilow ah lala beegsaday xarumaha millateriga, garoomada diyaaraddaha iyo xarumaha dowladda ee dalka oo dhan.

Laxidhiidha: Jawaabaha Degdega Ah Ee Laga Bixiyay Tallaabooyinka Ruushka Ee Ukraine

xudduudaha Ukraine ayaa latga soo sheegay in ciidamadooda lagu soo weerraray dhammaan xudduudaha dalka oo dhan oo la hareereeyay, iyadoo ay ciidamaddu kasoo galeen xudduudaha ay wadaagan Ruushka iyo Belarus iyo sidoo kale Crimea.
Laxidhiidha: Gulufka Dagaalka Ukraine Iyo Khiyaamooyinka Dhinacyada

Duqeymo culus ayaa lala beegsaday magaalada Mariupol ee ku taal badda Azov, waxaana hawada Magaalada Kyiv 7-dii subaxnimo laga maqlayay diyaaradaha iyo duqaymaaha, iyadoo ay saaka la wareegeen garoonka diyaaraddaha ee magaalada.

Laxidhiidha: Ukraine Dhacdooyinka Salka U Ah Xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO


Millateriga Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen shan diyaaradood oo laga leeyahay Ruushka iyo hal diyaarad oo helikobter ah. laakiin Ruushka ayaa beeniyay in mid ka mid ah diyaaradahooda la duqeeyay, ama lasoo riday.

Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay tillaabada Mr. Putin mid aan loo meel dayin, oo aan cudur daar lahayn oo ka dhacday Ukraine, isagoo ballan qaaday tallaabo dheeraad ah oo ka dhan ah Ruushka ay qaadayaan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay inuu hub siin doono cid walba oo doonnaysa in ay is difaacday.

Alt: Araweelo News

Tallaabada Millateriga Ruushka ee qabsashada ayaa ruxday suuqyada. Saamiyada oo hoos u dhacay, halka saliidda ceydhiinka ee Brent, oo ah halbeegga caalamiga ah, ay kor u dhaaftay $100 foosto markii ugu horreysay tan iyo 2014-kii.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com