Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Ganacsade Barkhad Jibriil oo ah Mulkiilaha Shirkadda Beeyadda ee Asli Maydi, ayaa ka cawday koox ajaanib ah oo uu sida uu sheegay Maraykan iyo Ingiriis ah, isla markaana ula dhaqamay qaab haddidaad ah, iyagoo ku sugan Hargeysa.

Barkhad Jibriil Asli Maydi, Ioo kooxda ajaanibka ah su’aalo weydiinayaan, mage Araweelo News 23 Feb 2022., Maansoor Huteel.

Barkhad oo kooxdaas oo sida uu sheegay u sheegtay suxufiyiin, balse u caddayn waayay halka ay ka socdaan ay waraysi ka dalbadeen xilli ay ku kulmeen Huteenka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Hase yeeshee kooxdaa oo isugu jiray rag iyo Dumar, waxay markii uu ka aqbalay waraysigii weydiiyeen su’aalo uu sheegay in ay ahayeen kuwo cabsigelin iyo haddidaad ah, isagoo xusay in muddadii ay su’aalaha weydiiyeen ka codsaday in ay u sheegaan warbaahinta ay ka socdaan, taas oo sida uu sheegay aann suurta gelin.

Ganacsade, Barkhad waxa muddadii uu waraysigu socday si cadho ah kursiga uu ku fadhiyay uga kexeeyay sarkaal ka tirsan wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo aan la ogayn inuu la kulmay waraysiga iyo inuu la socday kooxdaa., kaas oo si khasab ah uga saaray hoolka lagu waraysanayay.

“Waxyaabaha ay weydiiyeen waxa ka mid ahaa dad baa kaa cabanaya, waxan u sheegay in haddii ay jiraan dad iga cabanaya ay Somaliland leedahay dawlad iyo hay’addo sharci oo aannay shaqadiina ahayn, meelo aannan xidhiidha ganacsi la lahayn ayay i weydiiyeen Beeyo in aan ka iibsado, waxanse u sheegay in aannan aqoon deegaankaa ay sheegayaan.” ayuu yidhi, kuwa cabbanayana iima sheegin kuwa soo dirayna iimsha sheegin, ayuu raaciyay hadalkiisa.

arkhad Jibriil Asli Maydi, Ioo kooxda ajaanibka ah su’aalo weydiinayaan, mage Araweelo News 23 Feb 2022., Maansoor Huteel.

Kooxda ajaanibka ah ee waraysiga la yeelanayay ganacsade Barkhad, ayaa ka xumaaday arrintaa, wuxuuna markaa kaddib warbaahinta u sheegay ganacsade Baekhad Jibriil in hay’addaha amaanka uu ka dacwaynayo dadkaa oo sida uu sheegay in ay yihiin Ajaanib iyagoo dalkiisa jooga haddidaad iyo cabsigelin ku sameeyay.

“waxay i weydiiyeen su’aalo aan ahayn kuwo akhlaaqda iyo anashaxa waafaqsan oo aannay xaq iigu lahayn, annigoo dalkaygii jooga ayay sidaa iila dhaqmeen, hay’addaha amniga iyo laanta Baadhista Denbiyada ee CID, ayaan u gudbinayaa arrintooda iyo cidda soo dirtay, ama sida ay dalka ku yimaadeen, iyaga ayaa baadhaya.” sidaa ayuu yidhi, Ganacsade barkhad Jibriil oo ah mulkiilaha shirkadda ASLI Mayd oo ka ganacsada Beeyadda

Barkhad Jibriil waa nin dhalinyaro ah oo muddo ku dhowaad toobban sannadood ah ka yimi dalka Britain oo uu deganaa, halkaas oo uu ku barbaaray, isla markaana ku dhamaystay waxbaarshadiisa, balse markii uu Somaliland usoo wareegay, wuxuu bilaabay ganacsiga Beeyadda oo ka baxda deegaanka uu asal ahaan kasoo jeedo, wuxuna noqday xilligan Bilyandheer si weyn horumar uga sameeyay ganacsiga Beeyada, wallow carqalado baddan oo ka dhashhay ganacsigiisa xawliga ku socday iyo fahamkii Bulshada oo lagu qaaday dagaalo Afka ah iyo kuwo warbaahinata ah, wuxuuna suuqa Beeyadda ka dhigay mid qiimihiisu aad kor ugu kacay oo xaami ah, iyadoo aannay arrimahaasi noqon kuwa ka leexiya inuu sii wado ganacsigiisa iyo door weyn ka qaato maalgashiga dalka iyo inuu wax ka qabto adeegyadda aasaasiga ah oo ay ugu maddan yihiin in la xuso Cusbitaalka Casriga ah ee uu dhowaan xadhiga ka jaray Magaaladda Ceergaabo.,

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com