Caqabaddaha Taaggan Ee Aan Weli Xalka Loo Helin

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, ayaa loo qabtay xilli kam danbays ah oo la doonayo in lagu soo gebagebeeyo.kaddib marar baddan oo muddadii loo qabtay in lasoo gebagebeeyo aannay suurta gal noqon.

Xilliga ugu danbeeyay ee loo muddeeyay in lagu soo afjaro doorashooyinka, ayaa ahaa 25 Feb 2022, oo ku beegan maanta oo Jimce ah, balse ma noqon xilligaasi mid lasoo dhamaystiro doorashooyinka.

Sidaa awgeed go’aamo kasoo baxay shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka oo yeeshay kulan habka muuqaalka ee fogaan araga mar kale muddo loogu cayimay doorashooyinka Soomaaliya.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka oo yeeshay kulan habka fogaan aragga (ZOOM) waxay 24 February, 2022 yeesheen shir ay kaga arrinsanayeen dhammaystirka doorashada kuraasta dhimman ee Gollaha Shacabka BFS, maadaama waqtigii hore loogu heshiiyay in lagu dhammaystiro doorashooyinka ku eg yahay 25ka Feberaayo 2022, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa guddoomiyay kulanka waxana ka qayb galay Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish.

Sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay kulanka Wadatashiga Qaranka, ayaa ka hadlay ajandeyaal ay ka mid yihiin: Xaaladda doorashada, Muddaynta soo gabagabaynta doorashada Golaha Shacabka, xal u helista arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarray iyo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan.

Gollaha ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay habsami u socodka doorashada, iyadoo ilaa hadda la soo doortay dhammaan 54-ta xubnood ee Golaha Aqalka Sare iyo 175 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, taas o u dhiganta 71% tirada guud ee xildhibaannada labada aqal.

Sidoo kale, Gollaha Wadatashiga Qaranku dood iyo falanqayn kaddib waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in doorashada xildhibaannada Gollaha Shacabku aannay ku soo dhammaan xilligii loo qorsheeyay ee 25 February 2022. sidaa awgeed waxay qireen in ay jireen caqabado dhowr ah oo sababay dib u dhaca, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan oo dowlad-gobleedyada oo saamayn weyn ku yeeshay.

Qoraalka ayaa sidoo kale, lagu xusay in ay jireen Xiisado amni oo ka soo kordhay deegaan doorashooyinka qaarkood iyo culaysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada.

sidaa awgeed waxay ku sheegeen war-qoorka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble in iyadoo la tixgeliyay arrimaha kor ku xusan, Gollaha Wadatashiga Qaranku isku raacay qodobbada soo socda:

1- In doorashada dhammaan kuraasta hadhsan ee Gollaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo ugu dambeyn 15 March 2022

2- Goluhu waxa uu isla qaatay in Ra’iisal Wasaaraha oo la tashanaya madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Jubaland uu u diro guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, kaas oo ka kooban Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddiyada doorashooyinka, si uu uga soo talo bixiyo habka ugu suuro galsan ee doorashadaasi ku qabsoomi karto.

3- Golluhu waxa uu xoojiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%.

4- Golluhu waxa uu waalaac iyo qeylo dhaan ka muujiyay xaaladda kasii dareysa ee abaarta dalka ka taagan, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsaday in la kordhiyo gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay.

5- Golluhu waxa uu Shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa dulqaadka iyo sida uu u garab istaagay qabsoomidda doorashada.

6- Gollaha Wadatashiga Qaranku waxa uu bogaadinayaa doorka iyo tageerada Beesha Caalamka oo lagama maarmaan u ah dhameystirka doorashada dalka

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com