Duullaanka Ruushka Oo Hareereeyay Magaalada Caasimadda Ukraine

Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa bixiyay callaamad yar oo uu daaqad ka tusay dunida in uu diyaar u yahay wadahadal inuu la galo Ukraine, isla markaana wefdi u dirayo ergada ka socota Ukraine ee ku sugan Belarus oo hawlgalka Ruuskhu ka wado halkaa kula safan.

Laxidhiidha: Duulaanka Ruushka Ee Ukraine Oo Ruxay Suuqyada Caalamka Iyo Boqolaal Markab Oo Ku Xayiran Marinka Koonfurta Kerch


Aqalka Kremlin ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Ruushka uu diyaar u yahay inuu wafdi u diro caasimadda Belarus si uu wadahadal ula yeesho wafdi Ukraine ah oo ku sugan.

Wakaaladda wararka ee Ruushka Interfax oo soo xiganaysa Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay Jimcihii in hoggaamiyaha Ruushku inuu diyaar u yahay inuu u diro wefdi heer sare ah oo wadahadallo la yeesha wefdi ka socda Ukraine oo ku sugan caasimadda Belarusian ee Minsk.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, wuxuu sheegay in Minsk ayoo hore u martigelisay wareegyo wadahadal nabadeed oo ku saabsan xiisadda Ukraine.

Waxa uu sheegay in saaxiibka Putin, Madaxweynaha Belarusia Alexander Lukashenko, uu u sheegay inuu abuuri doono shuruudaha shir madaxeedkan.

Belarus waxay qayb ka tahay baallasha Ruushka, waxaana jira kumanaan askari oo Ruushka ka jooga Belarus, iyadoo qayb ka noqotay aaggaga laga qaaday duulaanka Ukraine oo sida ay sheegtay Kyiv laga soo weeraray dhinacyo badan oo ay ku jirto Belarus.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa si isdaba joog ah ugu baaqay wadahadal uu la yeesho hogaamiyaha Ruushka, muddo toddobaadyo ah oo uu waday dadaallo diblumaasiyadeed oo ay dalalka reer galbeedku isku dayeen inay ka hortagaan Putin inuu soo qaado weerar.

Alt: Araweelo News

Zelenskyy ayaa soo jeedintii ugu horreysay ee wadahadallo ku soo bandhigay khudbad uu u jeediyay Putin goor dambe oo Arbacadii ah, wax yar ka hor duullaanka Ruushka.

“Amniga Ukraine wuxuu ku xidhan yahay ammaanka deriskeeda. Taasi waa sababta maanta ay tahay in aan ka hadalno amniga guud ahaan Yurub. Taasi waa yoolkayaga ugu weyn – nabadda Ukraine iyo ammaanka muwaadiniinta. Taas awgeed, waxaan diyaar u nahay inaan la hadalno qof walba, oo ay ku jiraan adiga. Qaabab kala duwan iyo meel kasta.”

Laxidhiidha: Mawjado Weerraro Cir Iyo Dhul Ah Oo Millateriga Ruushka Ku Hafiyeen Caasimadda Iyo Jawaabta Calaacalka Ee NATO

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa mar kale soo saaray bayaan cusub oo uu ku boorinayo wadahadal, Iyadoo ciidamada Ruushka ay Jimcihii ku xidheen caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, taas oo la hareereeyay.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan mar kale la hadlo Madaxweynaha Federaalka Ruushka. Dagaalka ayaa ka socda guud ahaan dalka Ukraine. Aan soo fadhiisanno miiska wadahadalka si aan u joojino dhimashada dadka,” ayuu yidhi, Madaxweynaha Ukraine.

Laxidhiidha: Britain Oo Ruushka Ku Eeddaysay Inuu Maleegayo Dagaalkii Ugu Weynaa


Mar uu soo hadalqaaday arrinta xudunta u ah gulufka dagaalka ee Ruushku kusoo qaaday Kyiv waxa uu ku nuux-nuux saday fikradda ah in Ukraine ay ballan-qaadi karto in ay dhexdhexaad ka noqoto xubinnimada NATO si loo soo afjaro rabshadaha.

Dhawaaqayadan ayaan waxba ka beddelin xaaladda dalka Ukraine oo maalintii labaad uu ka socdo dagaalku jihooyin kala duwan, isla markaana ciidamadda Ruushku gacanta ku dhigeen gobolo muhiim ah iyo magaalooyin, iyagoo bur-buriyay xarrumaha Millateriga Ukraine, isla markaana ugu baaqay in askarta Ukraine hubka dhigaan.

Dalalka Yurub, ayaa ka warwareegaya in ay arrinta faragelin ku sameeyaan, kaddib hanjabaadii ugu weynayd ee Madaxweyne Putin ku cabsi geliyay cid kasta oo faraha lasoo gasha arrimaha Ukraine. sidoo kale Maraykanka ayaa dib isaga fadhiistay, isagoo xaaladda u arka mid khatarteeda leh, waxa keliya ee ay hoggaamiyayaasha galbeedku qaadeen waa tallaabooyin ay sheegeen cunaqabatayn ka dhan ah Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy, wuxuu garwaaqsaday in aannay jirin cid ka baacin karta duulaanka Ruushka ee mawjadaha hirarka ah oo ugu yaraan saddex aag kasoo weerraray dalka, isla markaana cirka Badda iyo dhulka kaga soo qulqulaya, balse waddahadalka uu ku baaqay iyo ergada uu xilligan u diray Minsk waxay u muuqataa in aannu Ruushku dheg u dhigayn ilaa uu gaadho ujeedada duulaankiisa ku waajahan Kyiv.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com