“Odayaasha Xamar Ka Yimi Wanaag ma wadaan, waxan haynaa warbixintii ay direen, Muusena waxan leeyahay mar uu sidii Madaxweyne u dhaqan.” Guddoomiye Faysal.

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah u sharaxay ujeeddada Odayaasha ka yimi dhimaca Magaalada Muqdisho, xalka arrinta Laascaanood iyo doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu dadkiisa middeeyo, isla markaana wuxuu ka digay khilaaf siyaasadeed oo sida uu xusay ka dhalankara faragelin Madaxweynuhu doonayo inuu ku sameeyo Kommishanka Doorashooyinka.

“Odayaashani Xamar ka yimi, waa kuwii Garoowe ka degey,  Garoowena Somaliland maaha, markay Laascaanood yimaadeena waad arkayseen waxay ku hadlayeen,waxaam leemahay maaha niman wanaag iyo sulux wada ee hayska noqdaan, warbixintii ay direen markay ka noqdeen Laascaanood  waan haynaa.” ayuu yidhi, isagoo dhaliilaya qorshaha Odayaasha ka yimi Muqdisho oo lagu qaabilay gollayaasha Qaranka Somaliland, isla markaana sheegay inay doonnayaan xallinta arrinta Laascaanood.

“Dagaalkii hore wax ka danbeeyay ma dhicin, ciidamadana waxaan leeyahay waan idin hanbalyaynayaa, dulaadka waa laydinku oggaa, waana dadkeenii ee u dulqaata, waa layska heshiin doonnaa oo arrinta Laascaanood way dhamaman doontaa, ayuu yidhi, isagoo ka hadlaya xaaladda, wuxuuna xusay kuwa hiilka u yimi inay ahayd inay dadka walaalaha ah ee aan meelna kala tegeyn heshiisiiyaan, balse may ahayn innay “hiil shaydaan” ku yimaadaan Laascaanood, ayuu raaciyay.

Guddoomiye Faysal, wuxuu ugu baaqay Garaaddada Laascaanood inay nabada qaataan, isagoo si gaar ah ugu baaqay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaaddada la caqliga ah.

“Shacbiga Somaliland iyo dadka Laascaanood ma jirto wax dhibaato oo dhextaal, waxa laga cabanayaa waa Muuse Biixi, wuxuuna u tegi doonnaa sidii kuwii ka horeeyay oo doorashuu innagaga tegayaa ee yaan dalka loo nicin oo ha la dulqaato oo ha la kala reebo.” ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay Suldaan si weyn maanta loogu soo dhoweeyay Hargeysa, wuxuu ku macneeyay mid muujinay sida loo kala qaybsan yahay, isagoo yidhi, “Suldaan Cadda-gude, sida loo soo dhoweeyay,  waa sidii Garaaddada Laascaanood loogu soo dhoweeyay, waxay muujinay kala qaybsanaanta dhexdeena, Markaa Madaxweynaha waxan leeyahay labada arrimood ee doorashada iyo arrinta Laascaanood bal mid inaga saar, weliba ta Doorashada qorsheheedii keen si dalka loo badbaadiyo. Madaxweynaha midayn waayay shacabkiisa oggolaa reer Laascaanood oo farra shisheeye soo galeen ma midaynkaro, waxan leenahay mar uu dadka iyo dalka u tudh oo wax wanaagsan halagaa arko, miyaanad wax ka baran shan sannadood ayaad Madaxweyne ahayde.”ayuu yidhi, wuuxuna xusay innay habeen iyo malain wada hadlaan Garaaddada oo ay leeyihiin, “inta Muuse joogo nabad la qaadanmayno.”ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sheegay in aannay meelna ka dhiicin in dawlad loogu baaqo ciidamo ku jira xudduudkii dalka ka saara, taas waxay ahayd in lagu beddelo in Maleeshiyaadka ka yimi deegaamada kale ka baxaan Laascaanood, isagoo xusay in warbixino uu ku tilmaamay kuwo aan xaqiiq ahayn oo laga qoray Somaliland oo ay faafiyeen hay’addo caalami ah ay ka danbeeyeen kooxda G21, kuwaas oo wixii ay qoraan u gudbiya Hay’addaha, balse wuxuu sheegay in aannay waxba ka beddelayn qaranimada Somaliland.

“Warbixinaha Hay’addaha weliba kuwii ugu danbeeyay ee Imnety international waxa qoray G21 iyo hadhaagii Siyaad Barre, iyagu way way saxeexaan oo keliya,  Gobolka Sool oo dhan ayaanay ku noolayn 300, 000, waaba Laascaanoode, laakiin maaha wax dheg loo dhigayo.” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi wado qorshe xeerka Kommishanka Doorashooyinka, wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Biixi in aannu dalka gelin khilaaf kale oo aan loo baahnayn oo aannu faragelin xeerka Guddida doorashooyinka Somaliland, “Ma jiro xeer Kommishan oo loo baahanyahay maanta ee hayna gelin khilaaf aynu hore usoo aragnay ee mar uu sidii Madaxweyne halagaa arko, waxaan kuula talinayaa sid odaynimo ah.”ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/