#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)- Xaalladda Dagaalka Israel ee duulaanka Qaza, ayaa sii xumaanay, iyadoo dagaalku galay maalintii 41-aad, isla markaana ay weli sii socdaan duqaymaha aan loo meel deyin, iyadoo aannay gebi ahaan shaqaynayn Cusbitaalada Qaza.

Dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas  oo maraya meel xaasaasi ah, waxay  milliteriga Israel  sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay xalay duqeeyeen hoyga hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyah iyo dhismaha Baarlamaanka.

Millateriga Israel ee IDF, ayaa ku andacoonaya in loo isticmaalay guriga Ismail Haniyah  kaabayaal argagixiso iyo weeraro toos ah oo ka dhan ah Israel.

 

Haniyah ayaa markii ugu dambaysay lagu arkay horaantii bishan muuqaal la sheegay in laga soo duubay dalka Qatar, wuxuuna duqaynta kaddib kasoo muuqday warbaahinta, isagoo sheegay in  aannay xasuuqa Qaza ee israel aannay iksu dhiibayn oo ay ka guulaysanayaan cadawgooda.

 

Millateriga Israa’iil ayaa sidoo kale  sheegay in ay la wareegtay aagga loo yaqaan Kaamka Shaati ee Qaza, kaas oo ay ku sheegtay in uu ahaa xarun muhiim ah oo Xamaas ay ku xooggan tahay.

Ciidamada Israa’iil (IDF)  waxa kale oo ay sheegeen in ciidamadoodu ay garaaceen Xamaas ayna heleen hub ay ka mid yihiin suumanka qarxa, foostooyin qarxa, RPG-yada iyo gantaalaha lidka Taangiyada.

Dhinaca kale, Ciidamada Dagaalyahanka Xamaas ee Iska Caabinta xoogga duulaanka Israel ayaa ku dhawaaqay in ay dileen askar Yuhuuda oo dheeri ah, kuwaas  oo ku dhintay dagaalladii Qaza iyo naxdin ku dhacday Israa’iil oo ay ugu wacan tahay godadka ay iska Caabinta Xamaas ka dagaalamay ee Millateriga Israel ku jaah warareen.

Millateriga Israel ayaa  islaga baxay xarunta caafimaadka ee Al-Shifa iyaga oo aan helin wax hub ah. In kasta oo taangiyada Israel ay weli dul heehaabayaan agagaarka dhismaha Cusbitaalka, taas oo abuurtay jawi qallafsan.

Muhammad Abu Salmiya, oo ah Agaasimaha Guud ee Complex Medical Al-Shifa, ayaa shaaca ka qaaday arrintan goor dambe oo Arbacadii ahayd, isaga oo mar kale caddeeyay in aan wax qalab ama hub ah waligood lagu hayn Cuisbitaalka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay siyaasadda adag ee Cusbitaalka ee ka dhanka ah qabsashada hub kasta. duleedka magaalada Al-Khiyam ee xuduudka Lubnaan.

 

Abu Salmiya waxa uu ka xumaaday isku daygii ay ku doonayeen in ay ku galaan hay’ado caalami ah, kuwaas oo faragelintoodu ku guul-darraysatay innay ka hortagto qabsashada dembiga dagaal ee lagu eedeeyay Marrinka Qaza.

Arrinta murugada leh ee Agaasimaha Guud  sheegay innay tahay   in laba Injineer caafimaad lagu soo qabtay shilkaasi, iyadoo tiro baddan oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadkana ay su’aalo ku waydiiyeen guddaha xarunta.

Sidoo kale, Munir al-Bursh, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza, ayaa sharaxay in injineerada la xidhay ay yihiin khubarada keliya ee mas’uulka ka ah maaraynta Laydh-dhaliyeyaasha muhiimka ah ee dhismaha iyo nidaamyada sahayda ogsijiinta. Al-Bursh waxay dhaleecaysay qabsashada burburinta iyo nidaamyada caafimaadka iyo weliba hantida muhiimka ah ee Cusbitaalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com