Heshiiska Israel iyo Xamaas Ee Maxaabiista

#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Gardarada Israel oo sii socota waxay bulshada caalamku muujisay soo dhawaysay  lagu soo dhawaynayo heshiiska xabbad joojinta ee Qaza Ku dhawaad laba bilood kaddib markii ay bilowday riyodoodii ugu xumayd,

Boqolaal qoys oo Yuhuud ah ayaa noqday kuwa neeftu kasoo baxday, iyagoo naawilaya innay helaan qoysaska 50 haween iyo carruur ah oo Xamaas ay haysteen.

Saacadihii hore ee Arbacada, Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Netanyahu wuxuu ku dhawaaqay heshiis adag oo lagu sii dayn doono 50 la haystayaal ah.

Arrintan ayaa noqotay mid su’aalo ka dhasheen dhanka Xamaas dalabkooda ay ku sheegeen in loo soo daayo 150 ka mid ah maxaabiista ay Israel ka hayso, kuwaas oo kumanaan gaadhaya.

Waxa kale oo qorshaha heshiiska oo todobaadyo laga shaqaynayay ay noqotay afar maalmood oo xabbad joojin ku meel gaadh ah ayaa lagu macneeyay.

sidoo kale Joojinta dagaalka ayaa ogolaan doonta in gargaarka bini’aadantinimo iyo shidaal la geliyo marrinka Qaza ee go’doonka ku jiray muddada ku dhow labada  bilood.

Dalka Qatar oo gacan ka geysatay heshiiska, waxayna sheegtay in xilliga uu bilaabanayo xabbad joojinta lagu dhawaaqi doono 24-ka saac ee soo socda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com