#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka saaka dib uga cusboonaaday deegaanka dhanka galbeed ee gobolka Sool ee Buqdharkayn iyo Yayle.

Dagaalka oo sababay khasaare ayaan si dhab ah loo ogayn inta uu leegyahay khasaaraha ka dhashay, iyadoo dagaalku dhexmaray Maleeshiyaadka loogu yeedho Huwanta ee maamulka kaga dhawaaqay gobolka Sool iyo maleeshiyo deegaanka ah oo la baxay SSB, kuwaas oo ah dadka deegaanka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku tilmaantay dagaalka mid ujeeddadiisu ahayd in lagu dajiyo xaalladda siyaasadeed iyo khilaafka ka aloosan maamulka Puntland.

Wasiirkii hore ee Biyaha oo xilligan noqday Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ee dhowaan Madaxweyne Biixi u beddelay Wasaaraddaa,Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in Garaadada Laascaanood, oo qaar kood ku suganyihiin Garoowe ay amreen dagaalka saaka si loo jiheeyo shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland ee khilaafku ka dhexeeyo.

“Saaka dagaal baa laydinku soo qaaday, weerarka waxa amarkiisa bixiyay guddida garaadada ah ee Laascaanood ka tagay ee Garoowe jooga, sababtay u bixiyeena waxa weeyaan, buuqa iyo qaylada Garoowe ka taagan innay ku damiyaan ayay rabaan intay dadkooda dagaal galiyaan” ayuu yidhi Cali Maxareexaan, isagoo hadalkaa ka sheegay munaasibad loo qabtay oo ay isaga wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Saleebaan oo loo beddelay Wasaaradda Biyaha xilka kula kala wareegayeen.

Wasiir Cali Mareexaan, aaya  bulshada ugu baaqay innay isdifaacaan iyaga oo midaysan, isla markaana aannay u kala hadhin difaaca dalkooda. Hase yeeshee war-saxaafadeed ay xukuumadda Somaliland markaa kaddib kasoo saartay dagaalka waxay ku sheegtay in kooxo ay ku tilmaantay “argagixiso” iyo ciidanka Puntland ay soo weerareen ciidankeeda, isla markaana ay si xoogle iskaga difaaceen.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka lagu xusay in dagaaalka saaka uu ahaa mid lagu soo weeraray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool,

“Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya ayaa soo weeraray dadka deegaanka” Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay “in dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay gaadhsiiyeen  kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul.”

War-saxaafadeedka ayaa la sii raaciyay in Kooxaha Huwanta ah ay caaddaysteen innay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aannay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karaamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah.” ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland oo uu ku saxeexnaa Cabdullaahi Axmed Caarshe oo ah Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda.

War-saxaafadeedka xukuumadda laguma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan sida dagaalku u dhacay, iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanka dagaalku ka dhacay ee Buq-dharkayn iyo Qorilugud.ay sheegayaan in maxabiis iyo gaadiid ay qabsadeen, isla markaana waxay dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen in aannay wax gurmad ah ka helin dhanka Ciidanka Qaranka.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalka oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Sool ee kooxaha Huwanta.

Dagaalka ayaa yimi kaddib markii shalay deegaamadaa oo hore dagaal uga dhacay ay yimaadeen wefdi aan la xaqiijin ujeedadooda oo dhanka Maamulka Soomaalida Ethiopia iyo dawladda Federaalka ka socday oo la kulmay Odayaal deegaanka ah iyo sidoo kale qaar ka mid ah Garaadada iyo Guddida Maamulka Laascaanood oo booqasho ku tegey goobaha ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadkooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com