Ku akhri laba daqiiqo

#Araweelo_News_Network.

Tehran (ANN)-Israel oo maalmo miisaamaysay jawaabta ay ka bixinayso weerarrada aan horay loo arag ee Iran ee dhammaadkii toddobaadkan 13-14 April 2024, ayaa xilli danbe haneenimadii Jimcaha qaaday weerar ay u jihaysay dhanka Iran.

Hase yeeshee weerarka ayaa u muuqda mid guuldaraystay sidii la saadaalinayay. Iyadoo mas’uuliyiinta Iran ay sheegeen in gebi ahaanba la xidhay weerarka Israel.

Saraakiisha Iran ayaa sheegay in Millaterigoodu ay soo rideen 3 diyaaradood oo ahaa kuwa aan duuliyaha lahayn ee Israel soo dirtay.

Difaaca hawada Iran ayaa soo riday saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, oo la sheegay in ay soo dirtay Israa’iil, sida ay sheegtay wakaaladda hawada sare ee Iran.

“Waxay yidhaahdeen waxaan Iran ku ridnay 500 oo diyaaradood oo is-miidaamin ah iyo gantaallo, hadda waxay ku jawaabeen saddex ka mid ah Quadcopter-kan, dhammaantood waa la xirdhay,” sidaa waxa yidhi. afhayeenka wakaaladda Hawada sare ee Iran Hossein Dalrian, isagoo bartiisa X. ee hore loo odhan jiray Twitter ku qoray.

“Waxay yidhaheen keliya hore uma aanu wargelin Maraykanka,” ayuu ku daray, isagoo dhoola cadeynaya, isla markaana ka hadlaya jab muuqda oo ku saabsan xiisadihii dhawaa ee dagaalka ee u dhexeeyay xulufada Israel iyo Maraykanka ee dagaalka  ka socda Qaza.

Sidoo kale. Sarkaal u hadlay Iran ayaa sheegay in difaaca cirka ay qabteen saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn, isla Sarkaal aannay  jirin wax gantaal ah oo lagu soo weeraray.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in goobaha lala xidhiidhinayo barnaamijka Nukliyeerka Iran ay yihiin kuwo ammaan ah, waxaana la daabacay muuqaallo muujinaya in aannu jirin wax khasaare ah oo oo gaadhay deegaankaa oo ku yaallaan goobihii laga soo sheegay qaraxyada, laakiin weeraro ayaa laga soo sheegay dhinaca Suuriya, kuwaas oo qayb ka ahaa weerarka Israel.

Warbaahinta Maraykanka ee CNN. oo soo xigganay Sarkaal Maraykan ah, ayaa u sheegay in Israel weerar Millateri ku qaaday Iran,taasoo laga yaabo in ay khatar ku noqoto xiisadda Bariga Dhexe oo si xowli ah kusii fidaysa, wallow uu xusay in  saraakiisha Iran ay ilaa hadda isku dayeen in ay hoos u dhigaan xiisadda wallow aannay Israel si toos ah uga hadlin weli weerarka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, isagoo ka hadlayay magaalada Capri ee dalka Talyaaniga, wuxuu sheegay in wadamada G7 ay ka go’an tahay innay dejiyaan xiisada u dhaxaysa Israel iyo Iran.

 

Israel ayaa looga digay in aannay ka jawaabin weerarki Iran ee jawaabta u ahaa weerarkii 1April 2024, Israel ku qaaday dhismaha safararadda Iran ee Dimishiq, laakiin Lufthansa ayaa saacado la hor weerarka Israel kordhisay hakinta duulimaadyadda Tehran iyo Beirut, waxay sheegtay in diyaaraduhu ay ka fogaan doonaan hawada Iran, taas oo u muuqatay digniin salka ku haysay xogta weerarka Israel Israel qorshaysnaa

Ku dhowaad afar Boqol oo Diyaaraddaha Drone ee Iran iyo gantaallo ayaa lagu asqeeyay Isael, wallow Maraykanka, Britain, Farance iyo Jordan ka difaaceen Israel inta baddan weerarka Iran ee ku Waajaha Isael, laakiin in kasta oo Israel qarisay Khasaaraha haddana waxa soo baxay in weerarka Iran garaacay goobbo muhiim ahaa, iyadoo xukuumadda Islaamiga ah ee Iran sheegtay in ujeeddadii laga lahaa weerarka iyo goobbihii loo Qorsheeyay la gaadhay, iyadoo Iran ku hanjabtay in cawaaqib xun iyo ciqaab ay la kulmayaan haddii ay Israel iyo xullufadeeda isku daayaan innay ka jawaabaan.

Qaar ka mid ah warbaahinta reer galbeedka ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinaya khasaare ka dhashay weerarkii layaabka ahaa ee Iran ku qaaday Israel, iyagoo

Sawirka dayax-gacmeedka ayaa muujinaya burburka gantaallada ballistic-ga ee Iran ay ku garaacday saldhigga Hawadda Israel
Sawirka ayaa muujinaya burbur soo gaadhay jidka muhiimka ah ee u dhow dhabbaha diyaaraddaha C-130 ee Saldhigga Hawadda ee Nevatim Air Base, kaas oo afar gantaal oo ballistic ah ku dhacay weerarkii habeenimada 13- 14 April 2024, Iran ku qaadday Israel.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com