Qodobada Shirka, Korodhka Dadka Somaliland, Doorashooyinka iyo Arrimo Kale

#Araweelo_News_Network.

ku akhri saddex sikin

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay qorshaheeda ku waajahan doorashooyinka la filayo dabayaaqada 2024.

Sidoo kale xukuumadda ayaa soo hadal qaaday arrimaha maaliyadda, amniga tirada dadka Somaliland ee xilligan oo ku dhow toddoba milyan iyo arrimo kale oo lagu muujiyay go’aamo laga soo saaray shirka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo gudoominaya shirka gollaha Wasiiradda Somaliland, qasriga Madaxtooyadda ee Hargeysa.Image Araweelo News, 18 April 2024.

Shirka gollaha Wasiiradda Somaliland ee inta baddan todobaadlaha oo qasriga Madaxtooyadda ka qabsoomay ayaa lagu soo qaaday arrimahaa oo ay ugu weynayd dooraashooynka mudda dhaafay ee marar baddan saaxadda ka abuuray khilaafka sannadihii u danbeeyay, wallow aanu muuqan diyaargaraw xilligan laga dareemayo saaxada saxan-saxo doorashooyin, isla markaana aannay guddida doorashooyinku ahayn kuwo laga arkayo dhaqdhaqaaq la xidhiidha hadal haynta doorashada.

Araweelo-News-Network, shirkagollahawasiiraddaapril2024

Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu soo qaaday arrimahaa waxa guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, sida lagu xusay qoraal koobban oo kasoo baxay markii uu dhammaaday oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo_News_Network.

“Shirka waxa lagu lafo-guray qodobbo kala duwan oo salka ku haya sidii la isu-waafijin lahaa arrimaha doorashooyinka sannadkan gudihiisa loo diyaar garoobayo iyo qorshayaasha guud ee qaranka ee dhinaca maaliyadda, amniga iyo shilalka gaadiidka ee marba marka ka danbaysa sii badanaya., ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Gollaha Wasiirrada ayaa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegaystay wasiir ku xigeenka arrimaha Guddaha, ahna ku simaha wasiirka, Cabdullaahi Xuseen Maxamed, sida lagu sheegay qoraalka, wuxuu xog-waran gollaha ka siiyey xaaladda amniga ee dalka iyo midda geeskaba, isagoo warbixintiisa ku daray diyaar garawga Xuska Sannad Guurada 34aad ee dib ula soo noqoshadii Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-May, wuxuuna tilmaamay sida sheegay qoraalka, in gudaha iyo dibaddaba ay ka socdaan abaabul xooggan oo la xidhidha qadiyadaha madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale, wasiirrada wasaaradaha, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Beeraha,  Axmed Maxamed Habbane iyo Horumarinta Caafimaadka, Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi), ayaa warbixino laga dhegaystay sida qoraalka Madaxtooyadda lagu sheegay.

 

“Shirka golluhu waxa uu dood iyo falan-qayn dheer ka dib soo saaray qodobbo muhiima oo la xidhidha danaha qaranka iyo kuwa bulshadaba, kuwaas oo kala ah;-

1. In la Aas-aaso sanduuqa horumarinta qaranka laga bilaabo 2025-ka, iyadoo habraaca lagu maamulayo ay soo diyaariyaan wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka.

2. Golluhu waxa uu xoojinayaa go’aamadii hore uga soo baxay shirarkii hore ee la xidhiidhay in mashaariicda horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha Caalamka aan cid kale loo soo marin ee wixii ay xaq u leedahay toos loogu soo hagaajiyo.

3. Tirada Dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay.

4. In tallaabo sharci oo deg-deg ah laga qaado arrimaha soo noq-noqday ee sababa shilalka gaadiidka ee naf iyo maalba ee dhibaatada ku haya dalka iyo dadkaba, iyadoo loo saaray guddi ka kooban wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo laamaha amniga ee arrintaasi khusayso.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com