Dalalka Khaliijka Oo Culays Lagu Saaray Joojinta Dagaalka Suudaan

#Araweelo_News Network.

 

Khartoum(ANN)-Dagaalka ka qarxay dalka Suudaan, ayaa weli socda, waxaana labada dhinac ee ku dagaalamaya dheggaha ka furaysteen xabad joojin laga dalbaday ugu yaraan saddexda maalmood ee Ciidal Fidri.

Dalka reer galbeedka, ayaa qorshaynaya sidii ay ciidamada iyo muwaadiniintooda ka jooga ugala bixi lahaayeen, maadaama ay xaaladdu marba marka ka danbaysa sii xumaanay.

Maraykanka iyo UK, ayaa qorshayna sidii ay ciidamada ka jooga iyo muwaadiniinta kale ee dalalka reer galbeedka uga samatabixin lahaayeen dagaalka todobaadkii hore ka qarxay Suudaan.

Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa loo soo raray meel u dhow Suudaan, kuwaas oo la doonayo inay ka qayb qaataan daad-gureynta iyo badbaadinta muwaadiniinta reer galbeedka ee ku go’doonsan dalkaa.

 

 

Wargeyska Theguardian oo soo xigganaya Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in galabnimadii jimcaha Maraykanku geeyay ciidamo Millateri goob ka mid ah dalalka aad ugu dhow Suudaan, isagoo sheegay inay Aqalka Cad ka sugayaan go’aan si loo sii wado samatabixinta, waxaana lagu qiyaasay in 19,000 oo muwaadiniin Maraykan ah ku go’doonsan yihiin dalka Suudaan.

“Qorshahayaga, waxaan diiradda ku saaraynaa inaan hubinno inaan sii wadno qorshaynta, si aan u abuurno oo aan u ilaalino fursadaha baddan ee Madaxweynaha intii suurtagal ah,” ayuu yidhi, Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo shir jaraa’id ku qabtay Ramstein, Germany.

 

Sidoo kale, Saraakiisha Ingiriiska ayaa sheegay in Wasaaradda Difaaca ay ku hawlan tahay “qorshe caqligal ah”, laakiin si kale kama faalloon doono tallaabada UK ay doonayso inay ku qaadato xaaladda khatarta ah.

 

Sidoo kale, Saraakiisha difaaca Faransiiska oo booqasho ku jooga Washington ayaa dhigooda Pentagon kala hadlay xaaladda daadgureynta Suudaan, “Waa xaalad aad u adag, laakiin dabcan waxaan si dhow ula soconaa xaaladda waxaanan si wadajir ah u diyaarinayna saaxiibadayada iyo xulafadayada gobolka,” ayuu yidhi, Wargeyska Theguardian oo soo xigganaya sarkaal Faransiis ah.

 

Maraykanka ayaa tilmaamay in ciidamada la geyn karo oo keliya si ay u fududeeyaan bixitaanka shaqaalaha safaaradda Maraykanka, balse waxay ka digeen in xaaladda ammaan ee Khartoum oo aan la hubin awgeed dadka kale ee Mareykanka ah ee ku sugan dalka aannay filanayn xilligan daadgureyn ballaadhan oo dowladda Maraykanka ah.

 

Safaaradda Britain ee magaalada Khartoum ayaa goor sii horaysay sheegtay in ay diyaarisay khad degdeg ah oo loogu talagalay muwaadiniinta Britain ee ku go’doonsan dagaallada ka socda Suudaan, waxayna isku dayaysaa in ay ururiso liiska dadka doonaya in ay dalka ka baxsadaan si ay u daadgureeyaan, iyadoo loo marayo dariiqa suurtagalka ah ee lagaga saari karo gaadiidka cirka iyo dhulka midkii fursad loo helo, maadaama ay xaaladdu tahay mid khatarteeda leh.

 

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, James Cleverly, ayaa soo gaabiyay socdaal uu ku tagay New Zealand iyo Samoa, wuxuuna si deg deg ah ugu laabtay UK, taas oo qayb ka ah wax ka qabashada dhibaatada ka jirta Suudaan, iyo sidoo kale in la bilaabo dublamaasiyad heer sare ah oo la isku dayo in loo dhaqaajiyo dhinacyada isku haya halkaa dhanka xabad joojinta.

Laxidhiidha: Xabad Joojin Fashilantay Iyo Dedaalka Hoggaamiyayaasha Masar Iyo South Sudan Oo Ka Hadlay Xaaladda

“Si caqli-gal ah ayaan telefoon kula xidhiidhay wasiirrada arrimaha dibadda ee Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, ayuu yidhi, Cleverly, isagoo rajaynaya in waddamada Khaliijka ay awooddooda u adeegsadaan si loo xaqiijiyo in la ixtiraamo xabbad joojinta.

 

Dhinaca kale, dalal baddan oo reer Yurub ah ayaa diyaariyay diyaarado millateri si ay ugu duulaan dhinaca magaalada Khartoum oo ay muwaadiniintooda uga soo daad gureeyaan, balse garoonka diyaaraddaha waxa qabsaday ciidamada gurmadka degdega ah (RSF) markii uu dagaalku bilowday Sabtidii lasoo dhaafay, kuwaas oo weli uu gacanta ugu jiro, taasoo ka dhigtay meel aan laga tagi karin xilligan dhinaca hawadda, isla markaana waddada samatabbixinta ee dhulka ayaa ah mid khatarteeda leh oo ay adagtahay in la adeegsado gaadiidka dhulka.

 

Muwaadiniinta u dhashay Britain ee ku sugan Khartoum, ayaa u sheegay BBC, inay ku dhuumaalaysanayaan qolalka hoose, oo ay haystaan sahay biyo iyo cunto maalmo kooban ah.

Sidoo kale, waxay sheegeen in aanay arag calaamad muujinaysa xabbad-joojin saddex maalmood ah oo ay Qaramada Midoobay iyo Maraykanku si dhab ah u qabsadeen, sidaa awgeed ay aad uga walaacsan yihiin dadka Britishka ah ee ku nool meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Khartoum oo ah goobta ay ka dhacayaan dagaallada ugu xooggan.

Dalalka kale ee reer galbeedka ayaa qorshaynaya sidii ay xaaladda wer werka leh uga soo badbaadin lahaayeen muwaadiniintooda ku sugan Kahrtoum, wallow ay wallaaca ugu weyn ka qabaan qaabka looga soo daadguraynayo dadka iyo dariiqa lasoo marinayo.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo Aasiya ayaa qorshaynaya in muwaadiniinta ka jooga ay kala baxaan, wallow si weyn looga walaacsan yahay qaabka looga daadguraunayo dadka ku xayiran dagaalka.

 

Dagaalka Sabtidii ka qarxay Suudaan, ayaa  u dhexeeya ciidamada qalabka sida iyo ciidanka kale ee (Rapid Support Forces) RSF oo sida Millateriga u tababaran, isla markaanaa aasaaskoodii kasoo jeeda jabhadii Jaanjaweyn, kuwaas oo awood weyn ku leh dalka, iyadoo uu hoggaamiyo Taliye ku xigeenka Ciidanka dalka Suudaan General Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti) oo ku magac dheer Hemedti, kaas oo  ku xigeen u ah Taliyaha xuknka dalka inqilaabay ee General Abdel Fattah al-burhan, wuxuuna dagaalku sababay inay ku dhintaan inta la ogyahay in ka badan 400 oo qof, iyadoo 400,000 ku barakaceen.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com