#Hemedti: Generalka Aan Waxna Qorin Waxna Akhriyin Oo Ku Taamaya Inuu La Wareego Dalka Suudaan

#Araweelo_News_Network.

 

Khartoum (ANN)- Dagaalka ayaa weli ka socda dalka Suudaan saacado kaddib xilli la doonayay inay dhaqan gasho xabad joojin caalami ah, iyadoo ciidamadda daacada u ah General Maxamed Xamdaan Dagalo oo ku magac dheer (Hemedti), kaas oo ah ku xigeenka ay ku dagaalamayaan weli goobo muhiim ah oo ku yaala caasimadda dalkaas.

ALt: Araweelo News

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, Image File, Araweelo News Network, 18 April 2023.

Labada dhinaca ayaa midba midka kale ku in uu jabiyay xabad joojinta, taas oo ay dedaal iyo juhdi baddan geliyeen Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, kuwaas oo sii kordhinayay dadaalkooda diblumaasiyadeed ee ay ku doonayaan in labada dhinac dhaqan geliyaan heshiis xabad-joojin ah, isla markaana ay uga gudbaan wada xaajood nabadeed si loo dejiyo xaaladda dagaalka Suudaan.

 

Rasaas xooggan, ayaa salaasadii laga maqlayay, sida ay baahiyeen qaar baddan oo ka mid ah warbaahinta wararka ee Talefishanada ee ku yaala caasimada Khartoum daqiiqado kadib markii la isku raacay xabad jiinta 6pm oo ku beegan (16:00 GMT).

Ciidanka caadiga ah ee Millateriga dalka iyo kuwa kasoo horjeeda ee lagu magcaabo Rapid Support Forces (RSF) ayaa soo saaray bayaan ay midba midka kale ku eeddeeynayaan inuu ixtiraami waayay xabad joojinta.

Taliska sare ee ciidanka General Abdel Fattah al-burhan, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga caasimadda iyo gobollada kale.

 

Dhinaca kale, Tut Gatluak, oo ah la taliyaha madaxweynaha South Sudan ee arrimaha ammaanka, ayaa u sheegay Sudan Tribune in colaadda Suudaan ay soo jiidatay indhaha caalamka, taasoo keentay in madaxweyne Kiir uu si dhow ula socdo xaaladda oo uu la hadlo madaxda iska soo horjeeda si ay u aqbalaan heshiis xabbad-joojin ah oo oggolaanaya faragelinta bini’aadantinimo.

 

“Madaxweyne Salva Kiir Mayardit wuxuu la hadlayay hoggaamiyayaasha gobolka tan iyo Axaddii. Hadda wuu sii kordhiyay dadaalkaas. wuxuuna mar kale la hadlay madaxweynaha Masar shalay (Isniintii).” Ayuu yidhi.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Salva Kiir colaada ka aloosantay Suudaan kala hadlay madaxda Kenya, Ethiopia, Uganda, madax kale iyo madaxda hay’addaha caalamiga ah ee muhiimka ah.

Tut Gatluak, oo ah la taliyaha madaxweynaha South Sudan ee arrimaha ammaanka, ayaa xusay in Madaxweyne Kiir muujiyay rabitaan xooggan oo uu ku doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dhinacyada si xabbad joojinta ay soo jeediyeen madaxda dowlad goboleedyada iyo urur goboleedka IGAD, loo dhaqan geliyo.

Hase yeeshee afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric , ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay New York, in aannay jirin calaamado muujinaya in dagaalku joogsaday, isagoo yidhi, “Lagama helin wax calaamado ah oo muujinaya in dagaalka uu joogsaday,”.

Laxidhiidha: General Al-Burhaan Oo sheegay La Weeraray Gurigiisa

Khilaafka u dhexeeya hogaamiyaha millatariga Suudaan iyo ku xigeenkiisa ee golaha talada dalka Sudan ayaa qarxay Afar maalmood ka hor, taas oo meesha ka saartay qorshe caalami ah oo lagu doonayay in dalka loo raro dhanka dhinaca dhabbaha nidaamka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah, taas oo dalka ka dhigtay mid Afartii sannadood ee u danbeeyay Millaterigu gacanta ku hayay,  kaddib markii uu xukunka ka tuuray hoggaamiyihii hore Madaxweyne Bashiir mudaharaadyo waaweyn iyo laba sano kaddib isu bedelay inqilaab Millateri.

Iskahorimaadka u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo Xoogaga Taageerada Degdegga ah (RSF) ee caasimadda Khartoum iyo magaalooyinka ku dhow ayaa qarxay subaxnimadii Sabtida, ka dib maalmo ay xiisad ka dhalatay ku biiritaanka RSF ee ciidanka ee kooxda ciidamadda gaarka ah ee RSF oo uu hoggaamiyo General Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti) oo ku magac dheer Hemedti, kaas oo ah ku xigeenka Ciidanka, isla markaana ah General aan waxna qorin waxna akhriyin, balse haysta ciidamo awood baddan oo muddo dheer ka dagaalamayay qaybo ka mid ah dalka, isagoo xilligan ku taamaya inuu tallada dalka si dhab ah ugula wareego awood Millateri.

General Maxamed Xamdaan Dagalo oo ku magac dheer (Hemedti), waa General aan waxna Qorin waxna Akhriyin oo ku taamaya Inuu La Wareego Dalka Suudaan, 18 April 2023, Image file Araweelo News Network.

 

 

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in dagaalku  yahay mid dhaliyay masiibo bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan burburka nidaamka caafimaadka, isagoo sababay in Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, ay hakisay howlaheeda kaddib markii saddex ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay dagaalka.

 

Ilaa hadda inta la ogyahay, waxa dagaalka ku dhintay ugu yaraan 185 qof, waxana ku dhaawacmay tiro gaadhaysa 1, 800, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

 

Dhankiisa Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, oo ka hadlayay dalka Japan, ayaa Salaasadii sheegay in uu telefoon kula xidhiidhay labada hoggaamiye ee iska soo horjeeda General Abdel Fattah al-Burhan, iyo hoggaamiyaha RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo ,wuxuuna ka codsaday xabbad-joojin, isagoo xusay in dhinacyadu looga baahan yahay inay aqbalaan si Suudaaniyiinta loo badbaadiyo oo ay dadka qaxay ee ka cararay dagaalku dib ula midoobaan qoysaskooda, isla markaana ay u helaan gargaar.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com