#Araweelo_News_Network. Hargeysa(ANN)-Bangiga Premier Bank qaybtiisa xaruntiisu tahay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, ayaa soo gunnaanaday Tartanka Hal-abuurka ganacsiga oo si weyn indhaha loogu hayay.

ALt: "Bremier Bank" Araweelo News Network.

Barnaamijka HAL-ABUURKA Ganacsiga, ayaa muddadii uu socday oo ahayd Bisha Barakaysan, waxa lagala socday Warbaahinta oo toos looga tebinayay.

ALt: Premier Bank Araweelo News

Munaasibad lagu soo gebagebeeyay banraamijkaa, ayaa lagu shaaciyay saddexda qof ee ku guulaystay Barnaamijka, kuwaas oo la guddoonsiiyay jeeggag uu Bangiga Premeir Bank u qoondeeyay. Masuuliyiinta Xukuumadda qaarkood oo ay hormood u ahaaayeen Wasiirrada Maaliyadda iyp Waxbarashada, xubno kale oo ka tirsan xukuumadda, axsaabta qaranka, ganacsato iyo shaqsiyaad kale oo ka mid ah qaybaaaha Bulsshada ayaa ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay munaasibada ee goob jooga ka ahaa saddexda qof ee ku guulaystay Barnaamijka, kuwaas oo la gudoonsiiyay lacag loo qoondeeyay inay ku abuuraan barnaamijyadooda ganacsi ee ay tartanka kaga qaybgaleen oo u dhaxaysa $ 7, 000 ilaa $ 4,000 oo lacagta Maraykanka ah.

Masuuliyiinta ka hadlay munaasibadaa, ayaa sheegay in Bangiga Premier Bank uu soo kordhiyay Barnaamij wanaagsan oo anfacaya dadka la imanaya hal-abuurka ganacsiga, kuwaas oo lagu maalgeliyo sannadihii u danbeeyay sidan oo kale.

Muuqaalkan ka Daawo Tartamayaasha Guulaystay.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network. Follow us on Twitter@Araweelonews Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews Follow us on /instagram@araweelonews Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews Follow us on /araweelonews.tumblr.com https://mursaljamasspace.quora.com/ YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv @araweelonews Araweelo News Network. www.araweelonews.com www.araweelonews.net www.araweelonews.com/archi/  By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com