Jihada Nabadda Iyo Jidka Colaada Ee Laascaanood Mawaaqif Kala Fog Labada Garaad

#Araweelo_News_Network.

Laascaanood(ANN)-Labada Garaad ee wadaaga Magacyada, Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah Garaadada ugu tunka weyn madaxdhaqameedka gobola Sool, ayaa weedho kale duwan ka yidhi, collaada dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay ka taagnayd Magaalada Laascaanood oo dhig baddan ku daatay, isla markaana aan weli xal nabadeed loo helin.

Laba Garaad oo Bulshada ku dhaqan Magaalada Laascaanood kala qaybgalay munaasibadda ciidal Fidri, ayaa hadalo kala duwan ka yidhi, rajada mar uun in la joojiyo collaada oo laga gaadho xal si loo joojiyo dhibaatada dagaalka sababay daadashada dhiiga baddan , burburka iyo barakaca.

Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa dhankiisa ku hanjabay inay sii wadayaan dagaalka wixii ka danbeeya maalinta Ciidal Fidri, oo ku beegnayd Jimcihii 21 April 2023,  isla markaana wuxuu ku celiyay dhawaaq uu marar baddan yidhi, “waxaad moodaa inaynu sahlanayno ilaa hadda, iyagoo maalinba meel soo qabsanayay oo aannay waxba la hadhayn, innaguna aynu tudhaale ku jiro, “Qaniinyo Qaniinyaa kaa goysa’,  waxanu caalamka iyo ummada Soomaaliyeed u sheegaynaa dulqaadkii wuu naga soo dhammaaday, ayuu yidhi, Garaad Jaamac oo afeef uga dhigaya weedhahaa inuu mar kale ku baaqo bilawga dagaalka Laascaanood, iyadoo labaatankii maalmood ee u danbeeyay aan wax dagaal ah ka dhicin halkaa.

“Wixii ka danbeeya Bisha Ramadaan oo maanta la ciiday waxaanu la hadhaynaa ma jirto, waxaan leenahay carruurtiina naga kaxaysta oo gurihiina kula noqda.” ayuu yidhi, isagoo ku hanjabay in dagaal aannay waxba la hadhayn ay bilaabayaan, wuxuuna Garaad Jaamac Garaad Cali hadalkiisa raaciyay in laga kaxaysto Carruuta, isagoo ula jeeda in ciidanka qaranka Somaliland laga saaro Laascaanood.

“Deegaankayaga nooga baxa, deegaankayaga iyo talladayadu inama wada qaado.” ayuu yidhi, isagoo dhinaca kale, ka dhawaajiyay sida ay collaadu uga dhigtay Magaalada Laascaanood mid fawdo ah oo mukhaadaraad iyo fawdo uu sababay dagaalku kaddib markii ay maagaladu ka baxday gacanta maamulka Somaliland, isla markaana ciidamadda Somaliland uga baxeen bannaanka, iyadoo malayshiyaadka kusoo qulqulayay Magaalada ay falal aannay dadka deeganku inta baddan raali ka ahayn ka geysteen tan iyo markii ay noqotay Laascaanood goob dagaal oo fawdo ah 6 February2023 .

Laxidhiidha: Somaliland: Madaxweyne Biixi Qaabkee Uga Hadlay Xaaladda Laascaanood Iyo Joojinta Collaada

“Waa inaynu u midawnaa sidii aynu dhibka ina dulsaaran isaga qaadi lahayn” ayuu yidhi, Garaad Jaamac, isagoo diraya farriin guubaabo dagaal ah iyo lasii wado collaada, isla markaana Garaad Jaamac masoo qaadin inuu jiro xal aan ahayn dagaal iyo lasii wado collaada dhiiga baddan ku daatay ee Laascaanood, wuxuuna meesha ka saaray inay jirto xataa rajo yar oo muujinaysa in mar uu collaadu dhamamanayso iyo suurtagalnimada in la gaadho heshiis nabadeed.

Hase yeeshee, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa muujiyay rajo iyo yididiilo ah in collaadu dhammaanayso, isla markaana la gaadhayo xal nabadeed oo lagu joojiyo collaada dhiiga baddan ku daatay ee Laascaanood.

“Collaadu way dhammaanaysaa, muwaafaqo ayaa ka danbayn doonta,  insha Allah ummada oo Illaahay Boggeeda Burcad isu mariyo, ayaa ka danbaynay, anniguna ummada Soomaaliyeed ayaan Garaad u wada ahay, waxaan leeyahay nabad ku ciida.

Garaad Jaamac, oo ka hadlayay munaasibadda Ciidal Fidri, isagoo ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuu sheegay in Soomaalidu soo martay wax baddan oo dhibaatooyin iyo collaado ah, isla markaana aduunka wax walba ay dhacaan, sidaa awgeed uu rajaynayo in arrinta collaada Laascaanood ku dhammaato muwaafaqo, isagoo  muujiyay rajo iyo yididiilo wanaagsan oo ah in collaada Laascaanood ku dhammaanay.

Labada Garaad, ayaa dhawaaqyada ay ka yidhaahdeen xaaladda Collaada Sool, waxay u muuqataa laba mawqif oo midna u qaaday dhanka Collaada in lasii wado, midna dhanka nabada in loo jeesto, balse labada Garaad ayaa u muuqda xilligan inay laba dariiq kala marayaan, iyadoo Garaad jaamac Garaad Ismaaciil, muujinayo sida dhibaato kasta iyo collaad looga heshiin karo, isla markaana arrinta Collaada Laascaanood ku dhammaanay nabad, balse Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu si badheedh ah u sheegay in ay sii wadayaan dagaalka maadaama ay dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com