Israel Oo Sii Wada Qorshaha Ay Ku Gelay Rafax Iyo Carabta Oo Ku Baaqay Ciidamo

Akhri 2min

#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv (ANN)-Xukuumadda Yuhuuda ee Israel ayaa si weyn isugu Khilaafsan dagaalka daba dheeraaday ee u dhexeeya Xamaas, kaddib markii muddo toddoba bilood ka baddan wax guul ah laga gaadhi waaway, isla markaana la jebiyay Kibirkii iyo Isla weynidii Israel ugu awood dheeganaysay gobolka Bariga dhexe, gaar ahaan dalalka Carabta.

Khilaafka ka dhex jira golaha wasiirada, waxa dheer kala qaybsanaan iyo khal-khal ku yimi Millateriga Israel ee dagaalka ka waday Qaza, iyadoo xilligan ay qorshaynayeen duulaan kale oo lagu qaado marrinka xadka Masar iyo Qaza u dhexeeya ee Rafax oo ay ku sugnaayeen muwaadiniin ka baddan hal milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo kasoo cararay duulaankii , xasuuqii iyo burburkii Millateriga Israel iyo xullufadda uu Maraykanku hoggaaminayo ee ku taageerayay Israel dagaalka.

 

Wasiirka difaaca Israa’iil Gallant ayaa ku xujeeyay ra’iisal wasaare Netanyahu in uu ku guul daraystay in uu wax ka qabto arrinta qorshaha dagaalka kaddib ee Qaza.

Kala qaybsanaanta ka dhex jirta gollaha wasiirrada ee dagaalka Israa’iil ee ka dhashay qorshe la’aanta dagaalka kaddib ee marinka Qaza , iyadoo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant sheegay in waddanku aanu ku lug yeelan xukunka dhulka la go’doomiyay iyo marka uu dagaalku dhammaado.

Gallant ayaa Arbacadii sheegay  in uu ka soo horjeedo maamulka millateriga Israel ama uu qaadayo masuuliyadda maamulka Qaza.

“Waa inaan ku celiyaa… Ma aqbali doono in Israa’iil ay xukun millateri ka samayso Qaza. Israa’iil waa in ay Qaza ka samaysaa xukun rayid ah,” ayuu yidhi,  Gallant oo sidaa ku sheegay shir jaraa’id.

 

Netanyahu, ayaa tilmaamay  in Israa’iil inay doonayso inay si furan u maamusho arrimaha ammaanka ee deegaanka, isagoo ka jawaabay baaqii Gallant, wuxuu   sheegay in aannu “diyaar u ahayn inuu Hamastan ku beddelo Fatahstan”. Waxa uu hore u sheegay in ka hadalka dagaalka “maalin kaddib” uu ahaa mid aan la aqbali karin, sababtoo ah colaaddu ma dhammaan doonto ilaa laga adkaado gebi ahaanba kooxda Xamaas, oo ah kooxda gacanta ku haysa Qaza tan iyo 2007, ayuu yidhi.

Sidoo kale, Benny Gantz, oo ah xubin kale oo ka tirsan gollaha wasiirada dagaalka, ayaa taageeray dhawaaqa Gallant, isaga oo sheegay in uu runta sheegay oo ay tahay mas’uuliyadda hoggaanka ay u qabtaan waxa saxda ah ee dalka qiimo kasta.

Wasiirrada midigta-fog ayaa ujeeddadoodu ahayd Gallant, kaas oo war-murtiyeedkiisu galiyay is-hortaagga wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir iyo wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich. “Wasiirkii gaashaandhigga oo 7-dii October fashilay, maantana wuu ku fashilmay. Wasiirka Difaaca ee noocaas ah waa in la beddelaa si loo gaadho yoolalka dagaalka,” ayuu Ben-Gvir ku yidhi bartiisa “X.”

Sidoo kale, Smotrich ayaa yidhi,: “Wasiirka Difaaca Gallant wuxuu maanta ku dhawaaqay inuu taageersan yahay dhismaha dowlad argagixiso ah oo falastiiniyiin ah oo abaal-marin u ah argagixisada iyo Xamaas xasuuqii ugu xumaa ee dadka Yuhuuda ah tan iyo Holocaust.”

 

Arrintan ayaa si cad u muujinay khilaafka ka jira Nidaamka Yuhuuda ee lagu macneeyay inay sababeen guuldarooyinka soo waajahay siyaasad ahaan iyo Millateri ahaan Israel, iyadoo ay jiraan dhibaatooyin kale oo jaah wareer ah, kuwaas oo sababay in Millateriga Israel guddihiisa is dilo, isla markaana Diyaaraddaha dagaalka qaarkood duqaymo u geysteen ciidamadda Israel ee IDF.

 

Khamiista maanta waxa ku dhintay Qaza shan ka mid ah askarteeda, kuwaas oo sida warbaahinta Israel oo soo xiganay saraakiisha Millateriga baahisay  rasaas ay fureen taankiyada ciidanka ka dagaalamaya Qaza ku naf waayay.

Milletariga Israel ayaa sheegay in shanta askari ay dhinteen Arbacadii kaddib markii laba Taangi ay si khalad ah u duqeeyeen dhisme ay askarta ku sugnaayeen, intii lagu guda jiray isku dhac ka socday xerada qaxootiga Jabaliya ee waqooyi.

“Shan askari oo ka tirsan guutada 202-aad ayaa xalay lagu dilay dhacdo khasaare xooggan gaystay oo ka dhalatay rasaas ay fureen ciidamadeenna,” ayuu yidhi, Millateriga Israel ee IDF, wuxuuna intaa ku daray inay kaga dhaawacmeen toddoba askari oo kale.

Dagaal culus ayaa mar kale dib uga qarxay waqooyiga ka dib digniino ciidan oo ku saabsan “isku day ay Xamaas ku doonaysay in ay dib ugu dhisto awooddeeda ciidan” bilo ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday in la burburiyay dhismooyinkii talisyada kooxda.

Weriyeyaasha AFP, goobjoogayaal iyo dhakhaatiir caafimaad ayaa Khamiistii sheegay in diyaaraddaha dagaalka Israel ay mar kale beegsadeen goobo ku yaalla Qaza xalay, oo ay ku jiraan magaalada Qaza iyo aagga koonfureed ee Zeytuun, Jabaliya iyo xerada qaxootiga ee Nuseyrat.

Wararka la xidhiidha arrimahan ayaa sheegaya in ujeeddada ugu weyn ee milliteriga Israel  uu ahaa Rafah oo ku dhow xadka Masar, halkaasi oo Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu uu amray in lagu qaado duullaan.

Maraykanka oo dagaalka israel ku garab taagnaa, ayaa xilligan ka digaya in weerarka Israel ku doonay innay ku gasho Rafax uu yahay mid khatartiisa xanbaarsan, laakiin ra’iisal wasaare Netanyahu, ayaa dheggaha ka furaystay, iyadoo ay dalal baddan oo dunida ah ka digeen duulaanka Rafax oo ay  in ka badan hal milyan oo rayid ah gabaad ka dhiganayeen tan iyo bilawgii dullaanka Israel ee Qaza.

 

Netanyahu ayaa Arbacadii ku dooday “waa inaan samaynaa wax kasta oo ay tahay inaan sameyno” wuxuuna ku adkaystay in daad-gureyn badan oo halkaas laga sameeyey ay ka hortagtay “musiibo bini’aadantinimo oo aad looga baqayay”, isagoo u qiil samayana duulaanka u qorshaysan ee Rafax.

Dhinaca kale, Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo Qaza, si looga baajiyo innay Israel qabsato dhulka Falastiin. laakiin ra’iisal wasaare Netanyahu ayaa hore ugu dhiftay ganafka baaqyo caalami ah iyo weliba qaraaro iyo baaqyo kasoo baxay mujtamaca caalamka iyo gollaha Amaanka, sidaa awgeed waxa muuqata in aannay xukuumadda Israel ee ra’iisal wasaare Netanyahu dhegaysanayn wax kasta oo ay u aragto innay qorshaheeda ka hor imanayaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com