Akhri 1min

Ambassador Baashe Cawil Guddoomiyaha Guddida Farsamo Ee Somaliland U Qaabilsan Heshiiska Ethiopia Oo Ka Hadlay

#Araweelo_News_Network.

Muqdisho (ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magcaabay xubno uu sheegay innay yihiin guddida Qaran ee Difaaca Madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xubnaha Guddida, ayaa isugu jira Guddoomiyuihii hore ee Baarlamaanka, Wasiiro hore xilal uga soo qabtay xukuumaddihii Soomaaliya, xildhibaano iyo shaqsiyaad kale.

Digreetada lagu shaaciyay xubnaha guddida, ayaa qayb ka ah dagaalka dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku waajahday heshiiska Isfahamka MOU, ee Somaliland iyo Ethiopia dhexmaray Jan 1, 2024.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddida Farsamada ee heshiiska (MOU) Somaliland ee Ethiopia, Ambassador Baashe Cumar, ayaa bartiisa “X” ku qoray, “in wax lala yaabo ku tilmaamay in la arko Madaxweyne Xasan Sheekh oo siyaasiyiin ka soo jeeda Soomaaliya u magacaabaya difaaca Somaliland.”

Ambassador, Baashe, wuxuu sheegay in aannay Somaliland shaqo ku lahayn magcabaista, “Somaliland shaqo kuma laha shakhsiyaadkaas.”

Somaliland waxay samaysaa go’aamo iyada u gaar ah oo u madax-bannaan dhinaca arrimaha caalamiga ah. ayuu yidhi, Ambassador Baashe Cawil oo ah Guddoomiyaha Guddida Farsamo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magcaabay heshiiska Ethiopia iyo Somaliland ee isfahamka (MOU”.


 

Qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh ku Magcaabay Guddida halkan ka akhri:

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com