akhri wax ka yar 1min
#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa fadhi ay yeesheen gollaha wasiiradda, waxa la hor keenay  soo jeedinta gobolnimada Gabilay iyo kor-u-qaadista darajooyinka degmooyinka Caynaba, Baki, Sheekh iyo Baligubadle oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland.
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay shirka gollaha Wasiirrada oo sidoo kale lagaga hadlay arrimo kale, ayaa lagu yidhi, sidan:-
WAR-SAXAAFADEED
Fadhigii 128aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo qabsoomay maanta oo isniin ah, taariikhduna tahay 13-05-2024 oo uu Shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), islamarkaana munaasibadda xuska 18 May awgeed looga soo hormariyey maalintiisi ayaa lagu lafo-guray gobolnimada Gabiley iyo kor-u-qaadista derajooyinka degmooyinka dalka qaar ka mida.
Ugu horrayn, Gollaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay wasiirka arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo gollaha uga warbixiyay amniga guud ee dalka, diyaar garowga xuska sannad guurada 33aad ee 18 May iyo xaaladda amni ee mandaqadda geeska Afrika.
Sidoo kale, waxa golluhu warbixin ka dhegaystay, wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horrumarinta jidadka, Mudane Raabbi Cabdi Maxamed oo gollaha u akhriyey war-biximihii ay soo diyaariyeen guddidii loo xil saaray shirkan shirkii ka horeeyay sidii xal waara looga gaadhi lahaa xakamaynta Shilalka Gaadiidka ee dalka ku soo badanaya, waxaana lagu xoojiyey guddidii hore xubno cusub si shirka shirkan xiga golluhu u ansixiyo go’aamada ay horkeenaan guddidu.
Dhinaca kale, Golaha waxa la hor keenay soo jeedinta gobolnimada Gabilay iyo kor-u-qaadista darajooyinka degmooyinka Caynaba, Baki, Sheekh iyo Baligubadle oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudduhu, waxaana golluhu Soo jeediyay in loo gudbiyo golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, si ay waajibaadkooda uga gutaan Gobolnimada Gabilay iyo kor-u-qaadista darajo beddelka degmooyinka Caynaba, Baki, Sheekh iyo Baligubadle.
Sidoo kalena golluhu waxa uu wasaaradda arrimaha guddaha usoo jeediyeen inay soo gudbiso dhammaan gobollada iyo degmooyinka kale ee buuxiya shuruudaha qiimaynta ee ku xusan xeerka ismaamulka iyo degmooyinka Lr. 23/2019, soona samayso wasaaradda Arrimaha Gudduhu si loogu gudbiyo golaha wakiilada iyo guurtida oo iyaguna waajibaadkooda dastuuriga ah ka guddan doona.
ALLAA MAHA DLEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com