Araweelo News Network.

 

“Dhan walba Ciidan ayaa nalaga dhigay”Madaxweynaha Puntland

Muqdisho)ANN)-Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay shirka loogu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaalida ee la filayo inuu maalinta beri ka qabsoomo xerada Xallane ee garoonka Aden Cadde oo xarun u ah AMISOM.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in lagu amray hoggaamiyaasha maamul gobolleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug aannay ka bixi karin magaalada Muqdisho ilaa inta heshiis laga gaadhayo muranka doorashada.

Warka Saafaradda Marayakanka ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligaan doonayaan doorasho ka qabsoonta dalkooda, wallaw aan weli wax heshiis ah laga gaadhin doorashada.

Waxayna ku xustay qoraalka ay soo saartay Safaaraddu in guuldarada shirku aannay ahayn doodaha ay dhegaysan karaan bulshada Soomaalidu.

Qoraalka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo la filayo in Maalinta beri 22 March 2021, la filayo inuu Muqdisho ka furmo shirka hoggaamiyayaasha Soomaalida ee u dhaxeeya Madaxda dowladda  Federaalka ah iyo kuwa dawlad goboleedyada.

Deni oo ka Dayriyay shirka

Sidoo kale, warka kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa kusoo beegmay, iyadoo Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi  Deni, oo waraysi siisay Idaacadda BBC, sheegay in dhinac walba laga dhigay ciidamo, isla markaana lagu hareereeyay goobta shirka lagu qabanayo ee xerada ku taal garoonkaAden Cadde.

#Amb,James Swan Madaxweynaha Dadban Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Wixii Ka Dhacay Xallane

“Waxaan halkaan nimid ka dib markii aan marti qaad ka helnay beesha caalamka, gaar ahaan James Swan iyo Donald Yamamoto oo ku howlanaa beryahan sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’addaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka,Muddadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku midaysan Midowga Murrashaxiinta.” Ayuu yidhi, Deni.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Muddadii uu joogay Muqdisho aannay jirin dhinaca xukuumadda cid ay iska arkeen, sidaa awgeed wuxuu ku dooday in ay arrintaasi muujinay in aannay xukuumaddu diyaar u ahayn in aan kulano.

“Shirka berri furmaya ilaa hadda wax arsmi oo aan ognahay ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran,  maxaan ka qaybgalaa meeshii aan amniga bidaynay ee AMISOM, tidhi, “annagaa amnigeeda sugayna” ee Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febearwry” ayuu yidhi, Deni oo u waramay laanta Af-soomalaiga ee BBC.