Araweelo News Network.

#Somaliland, @Coronavirus Mawjadaha Csuub, Digniinaha Astaamaha Iyo Tallooyinka Cusub

Hargeysa(ANN)- Xeerka xawaaraha xannuunka Coronavirus, ayaa si weyn oo xawli ah ugu baahay gobollada dalka Somaliland marka loo eego horaantii sannadkan 2021, saddexdii bilood ee u danbeeyay.

 

Dhawaaq qaylo dhaan ah oo ka hadlaya xaaladda xannuunka iyo sida uu ugu baahayo gobollada dalka, waxa maanta shaaciyay Wasiirka wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi Bade.

 

Wasiir Bade, wuxuu sheegay marka dib loo eego bilawgii sannadka 2021,, tusaale ahaan January, waxa la baadhay gobolka Awdal, 271 qof, waxaana laga helay xannuunka hal qof. Gobolka Maroodi-jeex, ayaa sidoo kale la baadhay 3838 qof, waxaana laga helay 52 qof, halka Saaxil laga baadhay xanuunka Coronavirus, 11 qof, iyadoo aannu jirin qof laga helay.

 

Sidoo kale, Wasiir Bade, ayaa sheegay in gobolka Togdheer la baadhay 163 qof, iyadoo laga helay qof oo keliya, Sool, ayaa sidoo kale la baadhay 42 qof, mana jirin qof laga helay, halka Sanaag 12 qof oo la baadhay laga helay Coronavirus hal qof.

Dooddaha Iyo Cabsida Ku Gadaaman Nooca Tallaalka Ee Afrika Loo Soo Daabulay Ee Coronavirus

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, wuxuu sheegay in guud ahaan bishii January dhimashada xannuunka Coronavirus ee dalka oo dhan ay diiwaan geliyeen laba qof, balse waxa uu ka dayriyay sida uu xannuunku kor ugu kacay bishii labaad ee sannadka Febeary marka loo eego January 2021.

 

“Marka laga reebo gobolka Awdal, waxa si weyn kor u kac ugu yimi xannuunka tirada dhimashada iyo dadka laga helay, Febeary, Maroodi-jeex ayaa la baadhay 4338 qof, 175 qof, ayaa laga helay xannuunka COVID-19, waxaana dhintay n10 qof.” ayuu yidhi.

Maraykanka: Xeel-dheerayaasha xannuunada Faafa Iyo Saraakiisha Caafimaadka Oo isku Murgay

Sidoo kale, Febeary, waxa uu sheegay in Saaxil laga baadhay xannuunka dad gaadhaya 145 qof, iyadoo xannuunka laga helay 23 qof, isla markaana uu dhintay hal qof.

 

Wasiirka wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi Bade, ayaa sheegay in sidaa oo kele dhammaan ay tirada korodhka xannuunku u kordhay, iyadoo ay sii kordhayaan sida uu sheegay maalin walba dadka u dhimanaya iyo dadka laga helayo xannuunka Coronavirus.

Sidaa awgeed, wuxuu sheegay in loo baahanyahay in taxadir dheeraad ah la sameeyo, isla markaana wuxuu ka digay in xaaladdu faraha ka baxdo, wuxuuna xusay in wejiga cusub ee xannuunka markii la arkay lasoo roggay go’aamo cusub oo lagu badbaadinayo bulshada Somaliland.

 

Halkan ka daalaco astaamaha Fayriska, marxaladaha iyo wajiyada uu leehayahay iyo tallooyinka khuburada caafimaadka. Astaamuhu waxay muuqdaan laga bilaabo maalinta saddexaad ee cudurka kadib (astaamaha fayriska cusub). Wejiga 1aad;

Astaamaha lagu garanayo xannuunka waa sidan:-

Xannuun jidhka ah, indhaha ah oo xannuun laga dareemo, ama gubanaya, Madaxa, Hungaaco, ama matag, shuban, Sanka oo dheeceen ka dareero ama xidhma, xidhma, Burbur tabcaan ah, Kaadida oo ku gubta, Dareen qandho, cunnaha oo ku xannuuna. Khuburada caafimaadka ayaa ku talinaya in ay muhiim tahay in la tiriyo maalmaha astaamaha:

1aad, 2aad, 3aad, si Tallaabo loo qaado ka hor inta aannay qandhada, ama xumadu bilaabmin. Khuburada, ayaa ku talinaya in la muujiyo Taxaddar, sidoo kale, waxay sheegayaan in ay muhiim tahay in aad cabto cabitaanno fara badan, gaar ahaan biyaha la sifeeyey, ama biyo nadiif ah. Cab biyo fara badan si cunahaagu u ahaado mid qoyan una caawiya nadiifinta sanbabadaada.

Wajiga 2aad;

Waxay sheegeen in laga bilaabo maalinta 4aad ilaa 8aad) uu jirayo caabuq, kaas oo sababaya in hadhanka ama urta oo kaa luma, daal, laabta oo ku xannuunta oo adkaata iyo dusha Feedhaha. Sidoo kale Xannuun dhabarka hoose iyo aagga kelyaha.

 

Fayrasku wuxuu weerraraa xididdada dareemayaasha;   Farqiga u dhexeeya daalka iyo neefta oo ku qabata:   Hawo la’aantu waa marka uu qofku fadhiyo – isagoon wax dedaal ah samaynin – oo neefta ka baxda hiin-raaga.   Daalku waa marka qofku u soo dhaqaaqayo inuu sameeyo wax fudud oo uu dareemo daal. Waxaad qaadataa biyo badan iyo fiitamiin C.     Covid-19 wuxuu xidhaa ogsojiinta, sidaas darteed tayada dhiiggu waa liidataa, wuxuuna helayaa ogsojiin yar.   

 

Wajiga 3-aad – bogsashada;   Maalinta 9aad, wajiga bogsigu wuu bilaabmayaa, kaas oo socon kara ilaa maalinta 14 (isku-dhafka).   Dib ha u dhigin daaweynta, sida ugu dhakhsaha badan ayaa u wanaagsan!  

 

Nasiib wacan qof walba!   Way fiicantahay in la ilaaliyo talooyinkan, ka hortaggu ma badna!   fadhiiso qorraxda 15-20 daqiiqo, Naso oo seexo ugu yaraan 7-8 saacadood. Cab 1 litir iyo badh oo biyo ah maalintii. Cuntada oo dhami waa inay ahaataa mid kulul oo aan qabow ahayn.   Maskaxda ku hay in pH-ka ee coronavirus uu u dhexeeyo 5.5 ilaa 8.5.  

Markaa waxa keliya ee ay tahay inaan samayno si aan u cidhib-tirno fayrisku waa innaan cunno cunno badan oo alkaline ah, oo ka sarreysa heerka Aysiidha (above the acid level of the virus) fayriska. Sidee ku ogaanaysaa inaad leedahay Covid-19?!    Cunaha oo cuncuna    Throat Cunaha oo qallala    Cough Qufac qallalan    Temperature Heerkul sarreeya    Breathing Neefsashada oo kugu adkaata    Smell urka iyo dhadhanka oo kaa luma    Macluumaadkan maaha oo kaliya naftaada, sii dhamaan qoyskaaga iyo asxaabtaada. Waxyaabaha ay dhakhaatiirta iyo khuburada caafimaadku ku talinayaan in la cuno, waxa ka mid ah kuwan:- Muuska, Liinta .9 9.9 pH    Lemon Liin huruud ah → 8.2 pH    Voc Avocado – pH 15.6    Lic Toonta – pH 13.2    Mango – pH 8.7    Mandarin – pH 8.5    Cananaaska – 12.7 pH    C biyo-biyo – 22.7 pH    Liinta – 9.2 pH  

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Jaamac132@gmail.com