Araweelo News Network.

#Somaliland, Hargeysa(ANN)- Guddida  xannuunka Coronavirus, ayaa si weyn uga dayriyay korodhka xawaaraha ee xannuunka mar kale kusoo aarray Somaliland.

Xubnaha guddida heer qaran Somaliland ee ku magcaaban guddida ka hor-taga iyo maaraynta, ayaa soo saaray maanta go’aamo ku waajahan xafiisyada dawladda, goobbaha gancsiga, suuqyada, gaadiidka, iskuulada iyo dhamaman meelaha laga dukaamaysto, ama lagu kulmo.

Guddida oo ka hadlay xaaladda xannuunka, ayaa soo bandhigay shax ay ku muujinayaan sida uu xannuunku ugu faafay geyiga Somaliland, sidaa awgeed waxay soo saareen go’aamadan oo ay sheegeen in sidooda loogu dhaqamayo laga bilaabo 22 March 2021.

Halkan ka eeg shaxda korodhka xannuunka iyo go’aamada kasoo baxay guddida Somaliland ee ka hor-taga iyo maaraynta Coronavirus.

Somaliland Covid-19 Committee__Go’aamada Guddida ka Hortagga iyo Maaraynta Xanuunka COVID-19 __22 March, 2021__FINAL VERSION

 

Araweelo News Network.

Somaliland Office

info@araweelonews.com