Araweelo News Network.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Dooddaha Iyo Cabsida Ku Gadaaman Nooca Tallaalka Ee Afrika Loo Soo Daabulay Ee Coronavirus

Hargeysa(ANN)-Dalalka Yurub iyo kuwo kale oo dunida ah ayaa gebi ahaanba joojiyay in ay sii wadaan tallaallka Astra Zeneca vaccine ee la doonayay inuu wax ka taro xannuunka Coronavirus ee dunida haysatay tan iyo horaantii 2019.

Coronavirus, ayaa xilligaa lagu arkay suuq weyn oo ku yaala magaalada Wuhan ee China, wuxuuna muddo kaddib ku faafay dacalada adduunka, isagoo cagta mariyay bilawga mawjadii hore dalalka Yurub, Qaarada Aasiya, isla markaana u gudbay Ameerika oo noqotay dhimashada ugu badan ee uu sababay.

Wallaw uu dalalka Afrika oo mawjadii hore ee Coronavirus teel-teel ku ahaa oo aannay u saamayn sida dunida kale.

Khilaafka Iyo Dooddaha Fayriska

Dooddo kulul ayaa tan iyo mudadaa ka taagnaa asal ahaanta fayriska, waxaana madaxa isla galay dalalka Maraykanka iyo China oo midba midka kale ku eedaynayay inuu sameeyay fayriska dunida wareeriyay oo si weyn u wiiqay dhaqaalaha aduunka, isla markaana mawjadii hore u diciifiyay dalalku sidii ay u kala tun weynaayeen dhaqaale iyo awood millateri.

#Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19

Kalsooni daro weyn iyo kala shaki ayaa soo waajahay aduunka, taas oo meesha ka saartay in khuburada aduunka ee xagga saynisa iyo dhakhaatiirtu sameeyeen is kaashi, sidoo kale waxa uu sababay xannuunka Coronavirus in ay meesha ka baxdo kalsoonidii hay’adda WHO, ee qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka, kaddib markii maamulkii xilligaa ee Maraykanka Trump si cad u sheegay in aannay ahayn mid la aamini karo, sidaa awgeed ay gebi ahaanba xukuumaddiisu joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay WHO, iyo wada shaqayntii ay la lahayd.

Tan December 2019, bilawgii faafitaanka xannnuunka oo ku soconayay xawaare, isla markaana aan ku istaagin xakamaynta isu socodka la xanibay ee aduunka, taas oo sababtay in aan lagu guulaysan xakamaynta xannuunka iyo weliba in loo helo dawo, ama talaal dhab ah oo laysku raacsanyahay.

Dhimashada iyo Tirada Uu Haleelay Dunida

Balse mar kale waxa dunida ku habsatay mawjada kale ee fayriska Coronavirus oo lagu tilmaamay mid ka duwan kii bilawgii, isla markaana ka khatar badan, waxaana tan 2019, uu haleelay inta la ogyahay, 120,995,612, isagoo galaaftay nollosha 2,676,082, halka ay kasoo kabteen 97,577,701, sida ay warbixintii ugu danbaysay ku shaacisay 16 March 2021, worldometers oo kaydisa macluumaadka aduunka ee xannuunka COVID-19.

Dalalka Yurub Ee joojiyay Tallaalka

Ireland, Netherlands, Denmark, Norway iyo Iceland ayaa joojiyay isticmaalka tallaalka, halka Austria ay joojisay isticmaalka tiro ka mid ah tallaalka usbuucii la soo dhaafay.

Talaalka Vaccine oo dalal bilaabeen kaddib markii who sheegtay in loo isticmaali karo fayriska Coronavirus, wallaw isticmaalka tallaalka Vaccine oo weli aannay khuburada aduunka ee dhanka saynisku isku raacsanayn, balse dalalka Maraykanka iyo Britain ayaa iyagu bilaabay isticmaalka tallalalka dhawr bilood ka hor/

Badhtamihii sannadkii hore Faransiiska, Jarmalka iyo dalal kale oo u badan Yurub, ayaa  ka digay in Maraykanku soo saaro keligii Tallaal uu ku sheego inuu wax ka tarayo Coronavirus, iyagoo ka digay kalsooni darada ka dhalan karta, sidoo kale, waxay ka digeen in tallaabo taas la mid ah uu ku dhaqaaqo China.

Maraykanka oo xilligaa ku jiray xaaladda ugu xumayd ee Coronavisrus, waxay si weyn ugu cannaanteen in aannu wax is kaashi ah kala samayn dalalka kale sidii loo heli lahaa tallaalka loo baahan yahay, Balse dalka Faransiiska ayaa xilligaa shaaciyay inuu ku guulaystay tallaalka Vaccine ee xannnuunka Coronavirus, iyadoo dalal kale oo Jarmalka iyo qaar kale la wadaageen , waxaana markaa kaddib ku dhiiradeen dalal badan  Yurub iyo dunida kale ah isticmaalka Tallaalka Vaccine,.

Britain, ayaa iyadu kasoo qaadatay dalka Maraykanka, ka hor intii aannay Oxford soo saarin AstraZeneca Vaccine oo hada la sheegay in aannu ahayn mid lasii wadi karo isticmaalkiisa.

Hase yeeshee walaaca weyn ee khuburada adduunku kaga digayeen, ayaa waxa toddobaadkii u danbeeyay soo kordhay shakiga ka dhashay natiijada astaamaha lagu arkay, waxayna arrintaasi sababtay in 27 oo u badan dalalka Yurub oo ay ku jiraan kuwa ugu tunka weyn ay gebi ahaanba joojiyaan tallaalka.

Tallaalka Astra Zeneca ee dalalka Yurub, ayaa la joojiyay, iyadoo asoo baxeen waxyaabo si lama filaan ah loogu arkay dadkii lagu bilaabay wejigii hore.

In kasta oo WHO ay sheegtay inay fiican tahay in la isticmaalo, haddana Jarmalka, Faransiiska iyo kuwa kaleba way joojiyeen isticmaalka tallaalka, iyagoo ku dooday in saynisyahannada qaarkood ku jaah wareereen natiijada kasoo baxday.

Khubarada badbaadada tallaalka ee Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa la filayay inay kulmaan Salaasada 16 March 2021, si ay ugala hadlaan tallaalka Oxford-AstraZeneca Covid-19, iyadoo liiska waddamada ay si ku meelgaar ah u joojinayeen soo saariddooda walaac ku saabsan xinjirowga dhiigga oo sii kordhaya.

Talaadadii, Qubrus, Luxembourg, Latvia iyo Sweden waxay noqdeen dalalkii ugu dambeeyay ee Yurub ee joojiya isticmaalkiisa, in kasta oo ay la-talin ka heleen hay’addaha caafimaadka ee caalamiga ah in faa iidooyinka ay leedahay in xabbad lagu rido ay ka miisaan badan tahay halista ka iman karta.

Difaaca Tallaalka ee WHO

WHO ayaa Isniintii ka codsatay waddamada in ay sii wadaan ololayaasha tallaalka, iyada oo sheegtay in aannay jirin wax caddayn ah in tallaalku uu sababay arrimaha xinjirowga ee khuburadu sheegayaan.

“Laga bilaabo maanta, ma jirto wax caddayn ah oo sheegaya in shilalka ay sababeen talaalka, waana muhiim in ololaha talaalka uu sii socdo si aan u badbaadinno nolosha ugana hortagno cudurada halista ah ee Fayriska” ayuu yidhi, afhayeenka WHO Christian Lindmeier.
WHO ayaa qiimeyneysa warbixinnadii ugu dambeeyay ee dhacdooyinka ku shaacisay in aannay waxba iska bedelayn mawqifkeedii hore ee Tallaalka.

Balse Hay’adda Caafimaadka Yurub (EMA), ayaa sidoo kale kula talisay joojinta ololaha talaalka 27 dal oo Midawga Yurub ah, waxayna ka dalbeen inta ay baadhitaanadu socdaan in la joojiyo tallaalka, iyadoo dalabkaa ku celiyay Salaasadii 16 March 2021.

“Waqtigan xaadirka ma jiraan wax tilmaamaya in talaalku uu sababay xaaladahan, kamay soo bixin tijaabooyinka bukaanka lagula socdo, mana ku jiraan liiska dhacdooyinka la og yahay ama laga filayo ee tallaalkan,” ayay tidhi, agaasimaheeda fulinta Emer Cooke ku sheegtay shir jaraa’id oo maanta ay qabtay.

“Waxaan weli si adag ugu qanacsanahay in faa’ iidooyinka talaalka AstraZeneca ee kahortaga Covid-19, oo leh halisteeda Cisbitaalada dadka la dhigayo iyo geerida, ay ka culustahay waxyeeladan,” Cooke ayaa tidhi, iyada oo raacisay inay ka walaacsan tahay hakinta ay dhaawacayso kalsoonida tallaalada.

 

Go’aanka Dalalka Yurub Ee Tallaalka

Go’aannadaas waxaa isku dubariday Faransiiska, Talyaaniga, Isbaanishka iyo Jarmalka, ayuu yidhi, wasiirka warshadaha Faransiiska Agnès Pannier-Runacher Salaasadii 16 March 2021.

“Sidaad qiyaasi karto, waan la hadalnay, waxaan la hadalnay Talyaaniga, waxaan la hadalnay Spain, waxaan la hadalnay Jarmalka mana aha wax iska soo horjeedda in afartan dal ay isla maalintaas ku dhawaaqaan go’aan isku mid ah, kaas oo markale uu yahay go’aan ganaax “Pannier-Runacher ayaa u sheegay Idaacadda Faransiiska ee France info.

 

AstraZeneca maaha talaalka keliya ee laga helo Yurub. Midowga Yurub wuxuu kaloo fasaxay talaalada BioNTech-Pfizer, Moderna iyo Johnson & Johnson. Qiyaasta tallaalka BioNTech-Pfizer iyo Moderna ayaa hadda loo sii gudbinayaa dadka reer Yurub, laakiin qaybaha ugu horreeya ee tallaalka Johnson & Johnson lama filayo inay yimaadaan illaa badhtamaha April 2021, Pfizer wuxuu ogolaaday inuu dardar galiyo bixinta 10 milyan oo daawo ah.

Tallaalka AstraZeneca, oo loo oggolaaday in loogu isticmaalo dalal badan oo adduunka ah, wallaw aannu weli Mareykanku aqoonsan tallaalkaa.

Soomaaliya Oo Dadkeeda U Adeegsanay Tallaalka Ay Koonfur Afrika Joojisay

Balse Hay’adda Caafimaadka Yurub (EMA), waxay eegaysaa ayaa la leeyahay warbixinta xinjirowga dhiigga ee tallaalka Pfizer iyo Moderna sidoo kale, Cooke ayaa sheegtay in aannay n u badnayn in ay jiri karto arin la xidhiidha qayb gaar ah oo AstraZeneca ah in la isticmaalo, laakiin waxay xaqiijisay in natiijada ugu dambaysa ee dib u eegista hay’adda lagu wado inay timaado Khamiista 18 March 2021.

Dhinaca kale, Tallaalka aan weli laysku raacsayn ee ay sida weyn uga qayliyeen dalalka ugu waaweyn aduunka, gaar ahaan kuwa Yurub ee ay hormoodka u yihiin Midawga Yurub, kaas oo loo soo waariday waariday dalalka Afrika, si uu tijaabo ugu noqdo.

 

Tallaalka Loo Soo Waariday Afrika

Qaybo ka mid ah Tallaalka ayaa durba soo gaadhay dalalka Geeska Afrika wallaw ay South Afrika hore u hakisay tallaalka AstraZeneca vaccine Feb 8th, 2021.

 

Somaliland iyo Soomalaiya

Balse dawladda Soomalaiya, ayaa xilligaa sheegtay in uu soo gaadhay Feb 8th 2021, Astra Zeneca vaccine Tallaalkaa oo la doonayo in uu difaac u noqdo xannuunka COVID-19,

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa xilligaa sheegtay in uu soo gaadhayAstraZeneca/Oxford vaccine, iyadoo  qiyaasta wajiga hore la heli doono ay tahay, 1,224,000, waxayse mar kale maanta shaacisay in uu si rasmi ah usoo gaadhay tallaalku.

AKHRII:  #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19

Xukuumadda Somaliland dhankeeda maanta shaacisay in ay soogaadhay qaybtii u horaysay, balse waxa durba ka dhasahy walaac weyn, iyadoo xilliga uu Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidoo kale dalal badan oo Afrika ay shixnadii u horeeyay soo gaadheen, iyadoo gebi ahaanba laga joojiyay nooca tallaalka AstraZeneca/Oxford vaccine Yurub iyo meelo kale.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Email: jaamac132@gmail.com.