Araweelo News Network.

#Coronavirus oo xawaare hoose ku Mushaaxaya #Somaliland, iyo Dhaliilo Loo jeediyay Guddidii Qaran ee sidatay Magiciisa

Coronavirus, Somaliland, Hargeysa(ANN)-Xaaladda xannauunka fayriska dunida aafeeyay ee Coronavirus (COVID 19), ayaa si xawaare hoose u dhex maaxaya magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Boorama, kuwaas oo ay kordhayaan dadka laga helayaa ama tirada dhiamshadu maalinbamaalinta ka danbaysa.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xaqiijiyay in laga Coronavirus, kaddib markii baadhitaan lagu sameeyey.

Cabdiraxmaan Saylici oo ah guddoomiyaha guddida qaran ee Coronavirus,  ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

” Waxaan u  sheegay Bulshada  inuu saddexdii maalmood ee u dambeeyey aan la tacaalayey xannuunka Covid-19, waxaanu bulshada uga digayaa halista xannuunka iyo fiditaankiisa.” ayuu yidhi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Wuxuu ku boorrinayay Bulshada  in ay raacaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka,isagoo dhinaca kale ka codsaday in ay isaga iyo inta xanuusanayba usoo duceeyaan.

Warar kale, ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu haleelay xannuunka Coronavirus, wallaw aanu isagu shaacin, isla markaana ay jiraan masuuliyiin kale oo xukuumadda ah, kuwaas la tacaalaya xannuunka, balse ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya masuuliyiintaa iyo xaaladooda dhabta ah.

Dhinaca kale, wasaaradda Caafimaadka ayaa maalmihii u danbeeyay ka dayrisay korodhka xannuunka iyo xawliga uu ku socdo, waxayna bulshada ugu baaqday in ay raacaan tallaabooyinka la siiyay, isla markaana ay taxadir sameeyaan.

Astaamaha Iyo Wajiyada Xannuunka iyo Tallooyinka Khuburada Caafimaadka Aduunka

Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco, ayaa laga sheegayaa in ay yihiin meelaha ugu daran, wallaw aannu jirin baadhitaan ay dadku samaynayaan, waxaana maalmihii u danbeeyay qayla-dhaan la xidhiidha xannuunka laga soo dheegayaa magaalada Burco ee xarunta labaad ee Somaliland.

Xaaladda Xannuunka Coronavirus Ee Somaliland Oo Laga Dayriyay

Qaar ka mid ah dadweynaha Magaalada Burco oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa dhaliilo u jeediyay Wasaaradda Caafimaadka iyo masuuliyiinta Guddida Qaran ee COVID-19, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu in ay soo fara geliyaan dhibaatada dadka dhimanaya ee lagu sheegayo xannuunka oo lagu yidhi, maydadka qaata ilaa saddex marxuum, kuwaas oo ay eheladoodu aasteen.

AKHRII:  #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19

Arrintaa ayay sheegeen in ay u muuqato mid qayral masuulnimo ah oo aannay fahmin ujeedada ka danbaysa, waxayna ku tilmaameen mid qayb ka noqonay inuu xannuunku kusii faafo Bulshada.

AKHRI: Fadeexaddo Kasoo Baxay Dawooyin Horre U Fashilmay Oo Maraykanka Loo Isticmaalay Coronavirus Iyo Dooddaha Ka Taagan

 

AKHRI: Maraykanka: khuburada Sayniska, Xeel-dheerayaasha xannuunada Faafa Iyo Saraakiisha Caafimaadka Oo isku Murgay