#Araweelo News Network.

#AMISOM oo Sheegay Khasaare Weerarkii Xerada #Xalane

#Muqdisho, #Somalia, (ANN)- Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilasan Soomaaliya, #Ambassador James Swan oo ah Madaxweynaha dadban ee Soomaliya, ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladda murrugsan ee Siyaasada iyo khasaaraha ka dhashay weerar Hoobiyayaal lagu hareereeyay xerada Xalane.

Ambassador James Swan, ayaa xusay in weerarka Hoobiyayaasha lagu garaacay Xeradaa oo ah halka ay degan yihiin taliska ciidankaAMISOM, Saraakiisha Qaramada Midoobay, hay’addaha caalamiga ah iyo horgalayaasha dublamaasiyiintu lala beegsaday ugu yaraan Lix Hoobiye.

Xalane oo ku jirta xayndaabka garoonka Diyaaraddaha ee Aadan Cade, ayaa ah goob amaankeeda aad loo ilaaliyo, waxay kooxda Al-shabaab si badheedh ah ugu garaaceen daran-doori hoobiyayaal, wallaw James Swan ku dooday in aannay jirin wax ku noqotay oo aannu jirin khasaare nafadeed iyo mid maaliyadeed oo kasoo gaadhay Hooboyayaasha Qaramada Midoobay.

Balse, wuxuu sheegay in ay jiraan dad aan ahayn shaqaalaha Qaramada Midoobay oo  khasaare kasoo gaadhay weerarkaa, kuwaas oo sida uu sheegay shaqaale ka ah garoonka Diyaaraddaha ee Aadan Cade.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka hoobiyayaasha Al-Shabaab ay kusoo qaadeen aagga garoonka Muqdisho. Waxaan soo kabasho deg-deg ah u rajeynayaa dadka ku dhaawacmay weerarka ee ku sugnaa qaybaha kale ee garoonka,” sidaa ayuu ku yidhi,Ambassador James Swan, qoraal uu kaga hadlayay weerarkaa.

Wuxuu sheegay in iaydoo ay jiraan ficillada uu ugu yeedhay rabshadaha ay saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ka go’an tahay inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay sii wadaan taageeridda sida uu sheegay horumarinta dalka.

Qaraxyada iyo weerarada , ayaa sii kordhay muddooyinkii u danbeeyay, iyadoo kooxda Al-shabaab xoojiyeen hawlgalada ay muddada dheer ka wadeen Soomaaliya oo ay ka jirto dawlad maqaar saar ah, taas oo lagu maamulo qaraarada Qaramada Midoobay, isla markaana uu fulintooda u qaabi;lsan yahay,Ambassador James.

AKHRI: Mucaaradka Muqdisho Oo Qaramada Midoobay Iyo Gollaha Amaanka Ugu Baaqay In Lasoo Farageliyo Siyaasada Soomaaliya

 

Siyaasada iyo khilaafka cakiran ee kusii siqaya gacan ka hadalka ee doorashooyinka lagu muransan yahay, ayaa sababay in amaanku kasii xumaado sidii uu ahaa dhawr bilood ka hor, waxaana sidoo kale weerarka ugu danbeeyay Hoobiyayaasha lagu garaacay Hoyga ay ka deganaayeen Muqdisho ee Xalane Saraakiisha Qaramada Midoobay, Ciidamada AMISOM iyo saraakiisha kale ka hadlay Taliska AMISOM.

Waxaana jira qorshe uu Ambassador James Swan dabada ka riixayo oo Xerada Xalane ee Al-shabaab garaacday laysugu keenayo kooxaha ku muransan Soomaaaliya oo awooddi waayay in ay xal ka gaadhaan muranka doorashada, halkaas oo Mr. Swan ku siin doono Madaxweynaha aan awoodda lahayn ee magac u yaalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukuumaaddiisa xilligeedu dhammaaday, maamul goboleedyada iyo kooxda la baxay Madasha Murrashaxiinta jihada ay u dhaqaayayaan iyo sida la doonayo in ay wax u maareeyaan.

war-saxaafadeed kasoo baxay hawlgalka midowga Afrika ee AMISOM, ayaa lagu sheegay weerarka ay ku dhaawacmeen seddax qof oo ka tirsanaa shaqaalaha,AMISOM, ‘Al-Shabaab waxay dhowr Hoobiye ku weerartay xerada Xalane, oo ay deggan yihiin AMISOM, UN iyo hay’addo kale oo ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah.”

Waajibaadka Xafiiska Q. Midoobay 

“Seddex ka mid ah shaqaalaha AMISOM ayuu dhaawac fudud soo gaadhay, waxayna heleen daaweyn. Xaaladda markii dambe waa la xakameeyay. Tallaabooyin taxaddar ah oo lagama maarmaan ah ayaa la qaaday si loo hubiyo amniga iyo nabadgelyada shaqaalahayaga,” sidaa waxa lagu yidhi, war qoraal kasoo baxay Taliska AMISOM.

Dhinca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas, iyagoo xusay in ay u adeegsadeen Hoobiyeyaasha, balse dhankooda ma sheegin khasaare ka dhashay weerarka oo ay geysteen iyo mid dhankooda soo gaadhay.

Somalia, tan iyo markii ay bur-burtay dawladdii Millateriga ahayd  1991, waxay ku jirtay fawdo, waxaana maamulkeeda mar dhan u jihaynayay dawladdo shisheeye oo duulaan ku ah maslaxadda shacabka Soomaaliyeed iyo kooxo  siyaasadaha xoogagaa fulinaya, iyadoo ay barbar socoto qaraarada qarmada Mioodbay ee ay soo saaraan gollaha Amaanku

.