Araweelo News Network.

Sawika File wershed saliid sifeyn ah oo ay leedahay shirkadda weyn ee shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco oo ku taal gobolka koonfurta-galbeed ee boqortooyada ee Jizan. Araweelo News Network.

Riyadh(ANN)-Qiimaha saliida ee sayladaha waaweyn  ee dunida,  ayaa hada waxyar hoos udhacaya, laakiin Barmiilka Ceedhiin, ayaa kor udhaafay $ 70, halkii  fuusto  markii ugu horeysay tan iyo markii ay bilaabatay dhibaatada xanuunka Coronavirus,

Arrinta, ayaa kusoo beegnatay kadib markii Golaha Guurtida Maraykanka ay meel mariyeen $ 1.9 tirilyan oo doolar oo dhaqaale kicinta ah  iyo sidoo kale, markii  koox da dagaalyahanka Yemen  ay  weerartay warshadaha saliida ee dalka qaniga ku ah Saliida ee Sacuudiga.

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen waxay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaalada ku garaaceen Sacuudi Carabiya, oo ay ku jiraan xarunta  Aramco ku  ku leedahay  dalkaa ee Ras Tanura oo muhiim u ah dhoofinta batroolka.

Xukuumadda Riyaad waxay sheegtay in aanu jirin wax  khaasaaroe nafeed iyo mid hantiyeed toona.

 

Weerarka lala beegsaday wersheddaha Saliida ee dalka Sacuudiga, ayaa dhacay maalinkii Axadda toddobaadkan.

 

Wararka la xidhiidha ashcaarta ee Sayladaha dunida, ayaa laga soo weriyay  Qiimahu Bishii koowaad Barmiilka Caydhiin qiimaha BRNK21, -0.28% qandaraaska uu hoos u dhacay $ 1.12 ama 1.6%, taas oo sida la sheegayi la doonayo si loo dejiyo qiimaha $ 68.24 foostadii, iyadoo mar keliya silama filaan ah halkii Foosto sare ugu kacday $ 71.38 maalintii Axadda.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee jaangooyada caalamiga ah laga ganacsado in ka badan $ 70,  tan iyo January 2020, sida lagu sheegay xogta FactSet

 

Diyaarad Drone ah oo ka soo kacday dhanka Badda beegsatay Haanta keydka shidaalka ee Ras Tanura, oo ah mid ka mid ah werhseddaha ugu waaweyn ee shidaalka ee adduunka ee dalka sacuudiga subaxnimadii Axadda, sida ay sheegtay saraakiisha boqortooyada.

 

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ku garaacnay wadnaha warshadaha saliida ee dalka Sacuudiga.

 

Xarun ay leedahay Saudi Aramco oo ku taal Ras Tanura oo muhiim u ah dhoofinta Saliida uu qaniga ku yahay dalkaa,  ayaa la sheegay in khasaare loo geystay.

 

Wallaw Saraakiisha Xukuumadda Riyadh ay ku tilmaamtay weerarkaa mid fashilmay oo lagu qaaday amaanka tamarta Aduunka.

 

Caweyskii Habeenkii Axada ee toddobaadkan, waxa lasoo weriyay in gantaal nooca ballistiga ah oo laga soo ganay dhinaca dalka Yemen uu sababay khasaare ku dhacay magaalada Dahran.

 

Goobtaa oo ah saldhiga shirkadda shidaalka ee dawladda ee Sacuudiga ee Aramco ay ku taal xarunteeda,  isla markaana ku dhow halka ay ku nool yihiin dhawr kun oo shaqaalaha iyo qoysaska u shaqeeya Aramco.

 

Wallaw Xukuumadda Sacuudigu beenisay in weeraradu khasaare gesyteen khasaare naf iyo maal, balse wakaaladdaha wararka ee dalalka reer galbeedka oo u dhuun daloola dalka Sacuudiga oo aannay ka jirin warbaahin xor ah, ayaa soo weriyay kooxda fadhigeedu yahay Yemen ee Xuutiyiintu ay khasaare weyn gaadhsiiyeen wershedaha Shidaalka Sacuudiga.

 

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada Yemen iyo dagaalyahannada ka socda kooxaha Guddiyada Caanka ah waxay kordhiyeen weerarada diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa gantaalaha ee lala beegsanayo bartilmaameedyada millateriga iyo rmarinada saliida ee ku teedsan gudaha Sacuudiga.

Weerarada, ayay ku macneeyeen Xuutiyiintu iin ay  yihiin kuwo lagaga aargudanayo duulaanka ay ku sheegeen gardarrada ee Riyadh, kaas oo ka dhan ah waddanka saboolka ah ee Yemen iyo guud ahaan go’doominta lagu soo rogay, iyadoo ay dhibaatooyin duqaymo iyo weeraro Sacuudiga iyo xulufadiisu ka wadeen dalka Yemen tan iyo March 2015, iyada oo ujeedadu ahayd in la xakameeyo kacdoon dadweyne oo xuutiyiintu hoggaamianyeen, kaas oo meesha ka saaray nidaamkii xukuumaddii Madaxweynihii hore Cali Cabdale Saalax iyo ku xigeenkiisii Abdrabbuh Mansur Hadi oo markii danbe iskaga cararay Magaalada Sanca muddo kooban markii lagu heshiin waayay dhismaha dawlad loo dhan yahay.

Ciidamada Xuutiyiinta Yaman iyo kooxaha caanka ah ee xulafada ah ayaa tan iyo xiligaa waday dagaal ay iskaga difaacayaan xulufada Sacuudig, waxayna awooddi waayeen in ay qabsadaan  Yemen, gaar ahaan dhanka Woqooyiga ee Caasimada Sanca.

Hase yeeshee burburka dagaalka oo sababay dhimasho boqolaal qof oo u badan caruur iyo waayeel, ayaa sidoo kale abuuray dhibaatooyin caafimaad, isla markaana waxa duqaymaha Sucuudiga iyo xulufadiisa lagu bur-buriyay goobaha Caafimaadka, Adeegyada goobaha Waxbarasho, masaaniicda  iyo meelo taariikhi ah.

Kumaan qof ayaa ka qaxay dalka Yemen tan iyo 2015, waxayna Sacuudiga iyo xulufadiisu ka abuureen dalka Yemen dhibaato bina-aadamnimo.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ka badan 24 milyan oo Yemeniyiin ah ay  u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo, oo ay ku jiraan 10 milyan oo la ildaran heerar gaajo aad u daran.

Hay’adda Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha kale ee arrimaha gargaarka ka shaqeeya waxay sidoo kale tilmaamayaan in xaaladda Yemen inay tahay dhibaatada adduunka ugu xun ee bani’aadamnimo,  balse waxay ku guuldaraysteen in ay xal u helaan si loo joojiyo dagaalka daba dheeraaday, isla markaana loo xakayn lahaa masiibada bini’aadanimo ee ka taagan dalka Yemen.