Araweelo News Network.

 

Warbixin By. Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

#Ethiopia Maxay Ka Urisay Qorshaha Sudan Usoo Marisay Kongo

Dina Mufti

Ethiopia’s Ministry of Foreign Affairs spokesperson Dina Mufti Image File Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Daka Ethiopia, ayaa ganafka ku dhufatay dalab ugu yimi dawladda Sudan oo ee dhawrkii bilood ee u danbeeyay dagaalku ku dhexmarayay xadka labada dhinac u dhexeeya oo ay ku maransan yihiin iyo weliba Xiisada Biyaha Webiga Nile.

Dagaalka xadka u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan, ayaa khilaafkiisu si weyn usoo baxay kaddib markii xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy Axmed duulaan Millateri ku qaaday gobolka dhanka Woqooyi ee Tigray.

Balse waxay Sudan oo ka faa’idaysanay dagaalka gudaha Ethiopia qabsatay dhulka ku haboon beeraha ee deegaanka Faqsha oo ay muddo dheer ku muran sanaayeen.

Hase yeeshee dalabka xilligan ee dawladda Sudan, ayaan ahayn mid ka hadlaya xal u helida murranka dhulka Faqsha, balse wuxuu la xidhiidha murranka Biyaha Webiga Niilka oo khilaafka ugu weyn uu ka dhexeeyo Ethiopia iyo Masar.

Sudan, waxay usoo jeedisay Xukuumadda Ethiopia in arrinta isticmaalka Biyaha Webiga Nile ay ka wada xaajoodaan dhinacyada ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalwadda Maraykanka, iyadoo xukuumadda Sudan sidaa u aragta dariiqa keliya ee xal lagaga gaadhi karo xiisada muddada dheer ee jiitamaysay ee dalalka Masar, Ethiopia iyo Sudan.

Xiisada isticmaalka Biyaha Webiga Nile, waxay si weyn usoo xooggaysatay kaddib markii dawladda Ethiopia ay bilawday dhismaha dhaaamka April 2011, balse dalalka Masar iyo Sudan ayaa durnadiiba diiday dhismaha dhaamka ay Ethiopia samaysay.

Qorshaha ay xukuumadda Sudan soo jeedisay xilligan, waxa taageertay dowladda Masar oo si weyn ay iyada uga go’an tahay in ay dagaal ka xigto haddii Ethiopia ay sii wado oo ku adkaysato qorsheheeda dhaamka, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaadhin isticmaalka Biyaha.

Laakiin Sudan waxay u aragtaa in qorshaha ay soo jeedisay uu yahay midka keliya ee lagu soo afjari karo murranka Biyo xidheenka (The Great Ethiopian Renaissance Dam) ee xiisadiisu noqotay mid aan xal loo helin.

 

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa warbaahinta u sheegay hindisaha Sudan oo sida uu xusay ay soo gaadhsiiyeen wafdi ka socda dalka Kongo, ay diideen gebi ahaanba.

Dina Mfti, ayaa ku dooday inay weli ku adkeysaneyso xukuumadiisu in dhex-dhexaadiyaha murranka Biyaha Webiga uu keliya ahaado Midowga Afrika, balse aannay ogolayn in cid kale soo dhexgasho.

Horaantii sanadkan 2021, ayaa waxa heshiis cusub oo ay wada gaadheen dalalka Masar iyo Sudan lagu macneeyay in uu ahaa mid lagu xoojinayo iskaashi labada dhinac dhexmara, gaar ahaan nabad galyada labada dal iyo gobolka guud ahaan.

Arrintaa ayaa Sudan iyo Masar ka dhigtay in ay isku mowqif ka noqdaan xiisada Webiga Nile, taas oo ay Ethiopia u aragtay in ay iyada u heshiiyeen oo doonayaan sidii ay culeys saari lahaayeen.

Ethiopia Oo U Yeedhay Siddeed Safiir Oo Ay Ku Jiraan Masar Iyo Suudaan Kadib Muranka Biyo-xidheenku Sii Xooggaystay

Iskaashiga Masar iyo Sudan ee xilligan, ayaa noqonaya mid dowladda Ethiopia oo dagaalka ay November 2020, ka bilawday dalkeeda uu saamayn ku yeeshay siyaasadeeda arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka ay lahayd aduunka, isla markaana saamayn ku yeeshay amniga dalkeeda.

Dagaalka, ayaa sababay  in Sudan ay la wareegto dhulka ay hore ugu muran sanaayeen mudada dheer ee Faqsha, iyadoo dagaalo ka dhacay xadka labada dal ay wadaagaan sababeen in ay cilaaqaadka kala qaataan.

Koonfurta Suudaan Oo Aqbashay Codsi Masar Kaga Dalbatay Saldhig Milliteri Oo Kulaalaya Ethiopia

April 2011, waxay  Ethiopia bilawday dhaamka, waxaana ku baxay lacag dhan, $4 billion USD, iyadoo lagu qiyaasay inuu qaadayo 10,200,000 m3 (13,300,000 cu yd), balse waxa ka dhashay muran u dhexeeyay dalalka Webiga Blue Nile maro.

Dalalka ayaa ku muransanaa qaabka loo isticmaalayo Biyaha, waxayna arrintaasi sababtay xiisada oo gaadhay meel adag iyo in la hakiyo Dhaamka markii tallada Dalka Ethiopia la wareegay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, wallaw dib loo bilaabay oo sannadkii hore Ethiopia sheegtay in uu buuxsamay dhaamku. (The Great Ethiopian Renaissance Dam).

Xukuumaddaha Masar, Ethiopia Iyo Suudaan Oo Heshiis Ka Gaadhay Muranka Biyaha Niilka

Dawladaha Masar, Sudan iyo Itoobiya, ayaa bilaabay daraasado ku saabsan saamaynta degaan iyo dhaqaale ee uu ku yeelanayo dhaamka ay Ethiopia bilawday, kaas oo ay doonayso in ay ku anaafacaadsato Biyaha Webiga Nile.

Dhaamka oo ah ka ugu weyn Afrika ayaa laga dhilanayaa tamar, iyadoo Ethiopia doonayso in ay ka hesho 6,000 megawatt, waxaana laga dhisay meel u dhaw xuduudda dalkaasi la wadaago Sudan, iyadoo ay dhistay shirkadda laga leeyahay dalka Talyaaniga ee Salini Impregilo SpA,