#Nidaamyada Gantaallaha Patriot Ee #Maraykanka Oo La Dhigay Dhammaan #Magaalooyinka #Israel

#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv (ANN)-Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu soo warramayaa in ay isku dhaceen jeneraalada ciidamada Israel ee loo soo gaabiyo (IDF) iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant.
Khilaafka ayaa lagu macneeyay inuu yahay mid ku saabsan howlgalka duullaanka Qaza iyo qaabka loo waajahayo xilligan Xamaas, iyadoo murranka ugu weyni yahay gelitaanka ciidamadda ee guddaha Qaza, iyadoo qorshuhu yahay in marka la burburiyo kaddib loo galo guddaha.

Sida ay sheegayaan wararka, dowladda Israa’iil waxaa ku adag inay qaadato go’aamo ku dedejinaya in ay ciidamada Israel galaan guddaha Qaza, taas oo xataa Maraykanka oo kow ka ah xullufadda kula jirta dagaalka ku waajahan Xamaas iyo xasuuqa shacabka Falastiin uu kula taliyay in aan lagu degdegin gelitaanka Qaza.

Dhinaca kale, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Israa’iil, heshiiska la haystayaasha ayaa noqon doona mid aan macquul ahayn marka ay ciidankoodu duulaan dhulka ah sameeyaan, iyadoo ay iman karto in aan nolol lagu gaadhin lahaystayaasha Israel ee ku jira gacanta Xamaas oo aan la oggayn goobta lagu hayo, isla markaana duulaanka dhinaca dhulka ee ay sameeyaan ciidamadda Israel uu sababi karo in Xamaas ay layso maxaabiista oo gaadhay 200, ama ay hawlgalka ku naf waayi karaan.

Dooddaha Saraakiisha Israel iyo Wasiirka Difaaca ayaa sida ay xoggaha ay warbaahinta reer galbeedku kasoo xiggatay sheegayaan in ay ku talinayaan in marka hore gebi ahaan la burburiyo Qaza oo ku fadhida dhul aan dherer ahaan ka badnayn 40km, balac ahaana dhawr km, isla markaana ku jirta go’doon maalintii 19aad, iyadoo duqaymaha aan loo miidaan deyin iyo bururintu ku socoto, isla markaana dunidu ku daawanay xasuuqa ka dhacaya Qaza.

Wararka ayaa soo baxay , iyadoo xallay la arkayay Ciidamadda Maraykanka ee Cirka iyo kuwa Israel oo la geliyay heegan, waxaana Nidaamyada gantaallaha Patriot ( US MIM-104) lagu daadiyay dhammaan goobaha dhulka Israa’iil.

Ciidanka Maraykanka iyo askarta Israa’iil ee ka tirsan Guutada Madaafiicda Difaaca Cirka ayaa MIM-104 gantaallada Patriot ku dhejiyay dhowr goobood oo Israa’iil ah sida nidaamka difaaca hawada Israa’iil ee wejiga difaaca.

Nidaamka gantaalaha ee MIM-104 Patriot ayaa saaran gaadiidka gaashaaman oo laga soo daad gureeyay Saldhigyada Maraykanka, halka markabka USS Carney ee ku gaashaaman Diyaaraddaha uu xanbaaro iyo gantaallada ku sugan yahay cidhifka Waqooyi ee Badda Cas, iyadoo ay weheliyaan Maraakiib kale oo ku sugan gobolka Bariga dhexe.

Dhaqdhaqaaqyada dawladlaha iyo Israa’iil ayaa xaaladda ka dhigaya mid cabsi baddan, iyadoo Israa’iil iyo Maraykanka ay si weyn uga cabsi qabaan weeraro kaga yimaada Iran, ama Xisbullah iyo Xuutiyiinta Yemen, iyadoo Israa’iil ay xasuuqa socda weli ka waddo Qaza. Iran ayaa dhankeeda heegan sare ku jirta, iyadoo xaalladdu ay noqon karto mid daqiiqad kasta faraha ka baxdo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com