Israel Oo Duqaymaha Ugu Danbeeyay Ku Dhiirigeliyeen Go’aankeeda In Ciidamada Lugta Iyo Taangiyadu  Guddaha Ugu Galaan Qaza

#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv (ANN)-Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xilligan wixii ka danbeeya ay Qaza ka fulinayaan hawlgal dhawr jiho ay ciidamadu kaga gelyaan, kaddib duqaymihii ugu danbeeyay oo sida uu sheeciyay Millateriga Israel lagu bartilmaameedsaday 250 goobood oo Waqooyiga Qaza ah.

Netanyahu ayaa warbaahinta Israel ka sheegay habeenimadii Jimcaha in kulamo ay yeesheen jeneraalada ciidamada Israel ee loo soo gaabiyo (IDF) iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant oo ay ku faaqidayeen sidii ciidamadu guddaha Qaza u geli laahayeen, iyadoo ahmiyada la siinayo Maxaabiista ay Xamaas haysato badbaadadooda, sidaa awgeed wixii xilligan ka danbeeya uu hawlgalku dhinaca bilaabmayo Waqooyiga Qaza.

Israa’iil ayaa sheegtay iinay weli sii wadayso kordhinta weerarada cirka ah ee aan kala joogsiga lahayn ee ay ku hayso Qaza,

 

Markii ay soo baxeen in Ciidamada Cirka ee Israel oo la rumaysan yahay innay taageero iyo kaalmo ka helayaan ku dhigooda ee Maraykanka,  IDF waxa ay sheegtay in ay weerartay in ka baddan 250 bartilmaameed, intii lagu guda jiray duullaanka ugu cuslaa ee ay habeen hore Arbacadii ku qaadday goobha ay sheegtay, kuwaas oo sheegtay innay sidoo kalena ay dishay hoggaamiye sare oo Xamaas ah oo annay magaciisa sheegin, isla markaana ay ku burburisay qaar ka mid ah godadka dhulka hoose ee Xaamaas.

 

Hase yeeshee Xamaas, ayaa sheegtay in Konton ka mid ah dad ka baddan laba boqol oo maxaabiis ah oo ay gacanta ku hayeen 50 ka mid ah ay durba ku dhinteen duqaymaha Israel iyo xullufaddeedu ka ku hayeen Qaza, gaar ahaan duqaymihii ugu danbeeyay, kuwaas oo la rumaysan yahay in loo addeegsaday gantaalo cawaaqib xun iyo raad ku reebaya halkaa, waxayna duqaymihii ugu danbeeyay ee Qaza noqdeen kuwo ku dhiirigeliya Israel oo cabsi weyn ka haysay innay guddaha u galaan Qaza ay markan go’aansadeen in ciidamada lugta iyo dubaabaadku galaan guddaha Qaza saacaddaha soo socda, wallow aan la saadaalin karin natiijadda.

 

 

Dhinaca kale, Hay’addaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Qaza ay sheegayaan warbixino argagax leh, iyadoo xaalladda Qaza oo muddo ka baddan 20 maalmood ku jirtay go’odoon iyo duqayn aannay jirin Cuntada, Biyaha, Dawooyinka iyo gebi ahaan saadka shidaalka, sidoo kale aannay jirin meel ay shacabku gabood ka dhigan karaan oo ay kaga badbaadi karaan duqaymaha.

Hawlwadeenada gargaarka ayaa soo sheegaya in aannay sii wadikarin shaqadooda bini’aadantinimo, waxayna tilmaamayaan innay jiraan muuqaalo murugo leh.

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Salaasadii ka codsaday dadka rayidka ah in lagu ilaaliyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, isagoo walaac ka muujiyay “xadgudub cad oo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada” ee Marrinka Qaza.

Xaalllada ayaa si weyn usii kordhisay walaac iyo werwer uu dagaalku uga abuuray  gobolka, iyadoo dhanka Lubnan Xisbullaah iyo Israel ay ka bilaabmeen weeraro duqaymo ah, isla markaana ay soo baxayaan warar sheegaya in Xisbullah, Xamaas iyo Jihaad ay isu diyaariyeen innay gacanta isula tagaan ciidamadda Israel marka ay ka dhabeeyaan gelitaanka guddaha Qaza.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com