#Netanyahu Oo Ka Hadlay Dagaalka #Xamaas

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu galay wajigii labaad ee dagaalka ay kula jiraan Xamaas, kaddib markii ay sare u qaadeen howlgallada dhulka ee Gaza iyo duqaymaha maalamihii u danbeeyay.

Benjamin Netanyahu , wuxuu hadalkaa ka sheegay mar uu maanta xaalladda kala hadlayay wasiirka dagaalka Benny Gantz iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant, Netanyahu wuxuu ku tilmaamay in hawlgalka dhinaca dhulka ee Ciidanka iyo Duqaymaha Qaza ay yihiin dagaalkii labaad ee madaxbannaanida Israel.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in hadafku yahay in la burburiyo awoodda Millateri ee Xamaas iyo gacan ku haynta marinka Qaza, iyadoo digniino loo jeediyay shacabka Falastiin ee Israa’iil ku hayso duqaymaha, go’doominta, waxaana mar kale ay uga digtay dadka rayidka ah in ay iskaga guuraan qaybta Waqooyi ee dhulka la go’doomiyay.

Dhinaca kale, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta gargaarka Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in meelaha kaydka ah ee ay ku lahayd Qaza gebi ahaan la jebiyay, waxayna arrintaa  ku sheegtay in ay ka dhalatay dad cabsi, niyad jab iyo quus ah.

Kumanaan kun oo qof ayaa qaatay sahay cunto oo muhiim ah, taasoo QM ay ku tilmaantay calaamad welwel leh oo muujinaysa in nidaamka rayidka uu burburayo, sida ay warbixinta ku sheegtay Qaramada Midoobay, waxayna xaalladda Qaza ku tilmantay mid cabsideeda iyo werwerkeeda leh.

Dagaalyahanka Xamaas ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay isku waajaheen si toos ah markii u horraysay ciidamada Israel ee ku sugan Beit Hanoun iyo xerada qaxootiga ee Bureij, kuwaas oo qayb ka ah ciidamada ay Israel doonayso innay dhinaca dhulka kasoo geliyeen Qaza, laakiin labada dhinac midna ma sheegin khasaare ka dhashay.

 

Dadka reer Qaza ayaa ka go’ay adduunka iyo sidoo aan midna midka kale la xidhiidhi karin, iyadoo gebi ahaanba go’doominta saddex toddobaad ku dhow oo ay ku soconayeen duqaymaha loogu daray in isgaadhsiintu ay hawada ka maqan tahay labadii maalmood ee u danbeeyay, taas oo sababtay in gaadiidka caafimaadka ee dhaawaca aannay shaqaynayn, iyadoo dagaalku uu galayo marxalad cusub oo aan la saadalin karin natiijada, isal markaana laga cabsi qabo inuu ku fido gobolka oo dhan..

 

Axaddii shalay ayay Millateriga Israa’iil sheegeen in ay duqeeyeen 150 bartilmaameed oo dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla Waqooyiga Qaza, balse duqaymaha ugu danbeeyay waxay Xamaas sheegtay in ay ku dhinteen in ka baddan konton ka mid ahaa Maxaabiis ay gacanta ku hayeen tan iyo 7 Oct, 2023, duulaankii ay ku galeen guddaha Israel ee loo bixiyay duufaankii Al-Aqsa.

Laxidhiidha: Xamaas Oo Sheegtay In Israel Dishay Maxaabiista Ay Ka Haysteen

Xamaas oo UK ay u aqoonsatay urur argagixiso ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay isku dhaceen ciidamada Israel ee ku sugan Beit Hanoun iyo xerada qaxootiga ee Bureij.

 

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso go’adoominta waalida ah,  isla markaana ay joojiso duqeymaha ay ku hayso Qaza.

Dibadbaxyo waaweyn oo lagu diidan yahay dagaalka xasuuqa ah ee Israel iyo xullufadda reer galbeedku ka wadaan Qaza iyo xaalladda murrugsan ee argagaxa ah ayaa ka socda meelo baddan oo caalamka ah, iyadoo isu soo bax kuwaa la mid ah Istanbul, iyo meelo kale lagu muujiyay si loogu taageero Falastiiniyiinta.

Banaanbaxa Turkiga ayaa loo qorsheeyay inuu noqdo mid ka mid ah banaanbaxyadii ugu ballaadhnaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas. Waxaana soo qabanqaabiyay xisbiga muxaafidka ah ee Erdogan ee AK-Party, maalin ka hor sannadguuradii 100-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Turkiga.

Sidoo kale, Yuhuuda dhaladka ah (Jewish Scholars ), ayaa si weyn u muujiay dareenkooda ay ku diidan yihiin dagaalka, iyagoo Xukuumadda Israel ku eeddaysay innay Qaza ka wado xasuuq iyo go’doomin sidaa awgeed aannay raali ka ahayn in shabka Falastiin dhibaatada intaa leeg Israel u geysato, waxayna ku baaqeen in degdeg loo joojiyo dagaalka.

Madaxweynaha Maraykanka Biden ayay si cad ugu direen baaqooda ah in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, waxa sidoo kale Xukuumadda Yuhuudu la kulmaysaa cadaadis dhanka guddaha ah oo kaga imanaya Ehelada iyo qoysaska maxaabiista la haysto , kuwaas oo xukuumadda ku cadaaddinaya in la hakiyo duqaymaha iyo hawlgalada dhulka, si loo soo badbaadiyo dadka ay Xamaas gacanta ku hayso, laakiin dibadbaxyada waaweyn ee loogu baroor-diiqayo Falastiin iyo kuwa ka jira guddaha Israel ayaa u muuqda kuwo aannay xukuumadda Benjamin Netanyahu dheg u dhigayn, wallow aannay saadaalin karin natiijada dagaalka iyo sida ay xaalladdu noqonayso.

Duqaymaha , go’odoominta iyo garaacista Israa’iil iyo taageerada Maraykanka iyo xullufadda reer galbeedka ee sababay xasuuqa ka socda Qaza, ayaa xaaladda ka dhigaya mid cabsi baddan, iyadoo Israa’iil iyo Maraykanka ay si weyn uga cabsi qabaan weeraro kaga yimaada Iran, ama Xisbullah iyo Xuutiyiinta Yemen, iyadoo Israa’iil ay xasuuqa socda weli ka waddo Qaza. Iran ayaa dhankeeda heegan sare ku jirta, iyadoo xaalladdu ay noqon karto mid daqiiqad kasta faraha ka baxda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com