> Netanyahu Oo Ku Hanjabay In Ay Bixinayaan Jawaab Khariirada Bariga Dhexe Wax Ka Beddesha

> Go’doominta Iyo Duqaynta Israel Ee Qaza Oo Sababtay In Cusbitaalada Dhaawaca Iyo Maydadku Biixiyaan:  Warbixin

#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv (ANN)-Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Israa’iil ee ay ka qabsadeen dagaalyahanada Xamaas ee ku dhow xuduudka Marinka Gaza, balse waxaa meelaha qaar ka socda iska horimaadyo ay la galeen rag hubaysan oo Falastiiniyiin ah.

Xukuumadda Yuhuuda ee Israel oo wada duqaymo aan kala qjoogsanayn oo ku waajahan Qaza, ayaa sidoo kale waxay amartay in ‘go’doomin dhameystiran’ lagu sameeyo Gaza, iyadoo la jaray Laydhkii, cunnada iyo shidaalka, waxaana laga soo sheegaya Qaza in aannay jirin Cusbitaalada dawooyin iyo agab caafimaad

Sidioo kale, Xoogaga Xamaas oo weli ka dagaalamaya guddaha Magaalooyinka Israel, isla markaana gantaalo la beegsanaya guddaha Magaalooyinka Yuhuuda, balse jawaabta ay bixinay Israel ayaa noqotay mid aan lamalasyan karin oo cawaaqib xun keeni karta, madaama ay warar qaar sheegayaan in hubka lagu duqaynayo Qaza uu yahay mid dunnida mamnuuc ka ah.

Laxidhiidha: Israel Oo Ka Hadashay Aargoosiga Ku Waajahan Qaza Iyo Khasaaraha Labada Dhinac Ee Duqaymaha Iyo Dagaalka Socda

 

Warbaahinta Israel, ayaa ku warramaysa in dhimmashadu ay kor u dhaaftay 900 oo qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay weerarradii Sabtidii ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaddib markii ilaa 100 kale oo Maydadka Askarta Yuhuuda laga helay goob yar oo Beeralay ah oo u dhow xudduudda Gaza.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in qaar ka mid ah mintidiinta falastiiniyiinta ay weli ku sugan yihiin dhulka Israa’iil, waxaana uu sheegay in duqaymaha cirka ee ka socda marinka Qaza ay bilow u yihiin howlgal ballaadhan, isagoo yidhi, “Weerarka Xamaas wuxuu waxa ka beddelayaa khariirada Bariga Dhexe”, taas oo loo fasiray in Yuhuudu go’aansatay in gebi ahaanba la xasuuqo Falastiiniyiinta Qaza.

Laxidhiidha: Israel: Oo Shaacisay Dhimashada Boqolaal Iyo Dhaawaca Kumanaan Kale Iyo Xaalladda Oo Weli Cakiran

Dhinaca kale, Cusbitaalada Qaza waxa ay buux dhaafiyay dadka shacabka Falastiin ee lagu dilay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka duqaymaha Yuhuuda, Refaat Alareer oo ah Qoraa u dhashay Falastiin ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladdaha guddaha dhulka la go’doomiyay ay tahay mid aan la sawiri karin, kaddib markii Israa’iil ayaa Isniintii ku dhawaaqday innay gebi ahaanba jartay dhammaan cunnada, shidaalka iyo korontada Gaza.

Duqaymaha cirka ah oo aan horre loo arag, waxay Yuhuudu ku macnaysay innay kaga jawaabayaan weerarkii lama filaanka ahaa ee Sabtidii ay dagaalyahannada Xamaas ku qaadeen Koonfurta Israa’iil.

 

Xamaas ayaa ku hanjabtay in ay bilaabi doonto dilka la haystayaasha haddii dadka rayidka ah ee ku sugan Qaza lala beegsado duqaymaha aan digniinta lahayn, “Qofna ma nabad qabo. Meel ammaan ah ma jirto. Israa’iil meel walba ayay duqeynaysaa,” ayuu yidhi Alareer, isagoo ka hadlayay xaaladda, wuxuuna ku tilmaamay in caruurta Faalstiin ay ka argagaxayaan cabsida, iyadoo weerarka lagu jiro. Waxay  tani u dhacaysaa, Sababtoo ah waxaan diidnay inaan ku hoos noolaano gumeysi,  Waxay noo diideen inaan ku noolaano si buuxda. Waxaan rabnaa xorriyad.”ayuu yidhi, Alareer.

Xukuumadda Netanyahu, ayaa Taangiyada iyo dityaaraddaha nooca loo yaqaan Drones u daabushay dhinaca xadka ay la wadaato Lubnaan, kaddib Xisbullaah oo gantaalo ku riday guddaha Israel, taas oo sii xoojisay cabsida dadka Yuhuuda ah.

Dagaalka Xamaas ayaa ahaa mid si lama filaan ah ay Xamaas iyo kooxda hubaysan ee Jihaad Sabtidii ku qaadeen guddaha Israel, kaas oo layaab ku noqday Israel iyo dunnida kale, balse weerar lama filaanka ah oo ay ku dileen in ka baddan 900 oo ka mid ah Askarta Israel, isla markaana ay jiraan kuwo loo kaxaystay maxaabiis oo aan si dhab ah loo hayn tiradooda, kuwaas oo gacanta u galay Xamaas iyo Jihaad.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com