#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv (ANN)-Millateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay xalay duqeeyeen in ka baddan 1,000 bartilmaameed oo ku yaalla Marinka Qaza, iyagoo sidoo kale qiray innay weli sii socdaan gantaallaha lagu garaacayo Israa’iil oo laga soo ridayo Qasa.

Ma jirto tiro dhab ah oo xaqiijinay dhimmashada Israel iyo dhinaca Falastiin, iyadoo ay jiraan warar kala duwan iyo sheegashooyin labada dhinac mid walba sheegayo, balse In ka badan kun qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen labada dhinac tan iyo markii Xamaas iyo Jihaad ay weerar lama filaan ah ku qaaddeen Israa’iil Sabtidii.

Xukuumadda Yuhuuda ee Israa’iil waxay sheegtay inay beegsanayso goobbaha ay ku sugan yihiin kooxaha ay ugu yeedhay mintidiinta Gaza ee Xamaas iyo kooxda kale ee Falastiiniyiinta oo lagu magcaabo Islamic Jihaad.

Laxidhiidha: Israel: Oo Shaacisay Dhimashada Boqolaal Iyo Dhaawaca Kumanaan Kale Iyo Xaalladda Oo Weli Cakiran

Xukuumadda Israel iyo dalalka reer galbeedka sida Midowga Yurub, Maraykanka iyo kuwa kale, ayaa ku calaamadiyay Xamaas iyo Islamic Jihad innay  Labada kooxoodba ka mid yihiin kooxaha ay ugu yeedhaan “Argagixisada”.

Wakaaladda wararka reer Falastiin ee loo soo gaabiyo (WAFA) ayaa sheegtay Isniintii xilli hore meelaha ay sida xun u duqaysay Israel oo ay ka geysteen duqaymo aan loo miidaan deyin, sida galbeedka Khan Yumis ee Yuhuudu xooga ku haysato iyo marinka Koonfurta Qaza, halkaas oo ay sheegeen in lagu dilay siddeed Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan caruur yar yar.

Sidoo kale, warbaahinta Falastiin oo soo xiganaysa (Palestinian Red Crescent society) ayaa sheegtay in deegaanka Nablus ay ka dhaceen dilal dad shacab iyo dhaawacyo soo gaadhay faalastiiniyiin ah, waxaana sii kordhaya khasaaraha duqaymaha Israel ee ku waajahan Falastiin, iyadoo xaaladda Nablus aad looga dayrinayo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas, ayaa ka digay in Israel ay sii wado duqaymaha ay ku hayso dadka reer Falastiin ee Qaza, isagoo xusay in Yuhuudu ay doonayso in Laydha iyo Biyaha laga jaro Qaza, isla markaana  la go’doomiyo, wuxuuna ka digay khatarta ay arrintaasi keenayso.

Maxamuud Abbas, wuxuu sidaa ku sheegay warbixin ka hadlay xaaladda Qaza iyo dagaalka Duqaymaha Israel oo Salaasadii, isagoo khadka Telefoonka ay ku wada hadleen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Sida ay baahisay wakaallada wararka ee Falastiin ee WAFA, Abbas, ayaa si weyn uga digay khatarta Israel,

Wakaaladda WAFA, ayaa sheegtay Madaxweyne Erdogan ka murrugooday waxa dhacaya, isla markaana uu samaynayo wax kasta oo xidhiidh ah, isagoo xusay inuu juhdi gelinayo sidii beesha Caalamka iyo dalalka gobolka ugu boorin lahaa joojinta go’doominta Falastiin.

Tan iyo sabtidii weerarkii balaadhnaa ee lama filaanka ahaa ee Xamaas, iyadoo in ka baddan 700 oo Israa’iil yiin ah lagu dilay weerarkaa, halka in ka baddan 100 kalena xukuumaddu Yuhuudu sheegtay in la afduubay, kuwaas oo qaarkood ay Xamaas sheegtay in qaarkood ku dhinteen duqaymaha Yuhuudu ka wado Qaza, wallow aannay marnaba sheegin tirada ay hayaan, balse Xamaas iyo Jihad ayaa maxaabiis kala duwan oo Askarta Israel ah mid walba gaarkeeda u haysataa.

Weerarada duqaymaha Israel oo weli socda, ayaa ah kuwo aan loo meel deyin, iyadoo aannay jirin tiro sax ah oo dhimmashada iyo dhaawaca, waxaase wararka qaar sheegayaan in duqaymaha Qaza ugu yaraan lagu dilay in ka baddan 400 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.

Dhinaca kale, gollaha amaanka ayaa ku kala qaybsamay qaraar middaysan oo ay doonnayeen innay kasoo saaraan arrinta Israel iyo Faalstiin, waxayna xaalladdu u muuqataa mid aan la saadaalin karin, iyadoo xukuumadda Israel duqaymaha u adeegsanay hub casriya oo khasaare ban dhalinkara.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com