Guddoomiyaha UCID Iyo WADDANI Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay, Yaase Laga Iibiyay Xaafadda Liinka Booliska?

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Rabshaddo ayaa ka dhacay maanta duhurkii Xaafadda liinka Booliska ee badhtamaha Magaaladda Hargeysa, waxaana ay Boolisku huwiyeen tacshiirado rasaas, kaddib markii ay dadka degan xaafadda oo u baddan qoysaska Ciidanka Boolisku saluugeen qaabka ay xukuumaddu ku doonayso in meesha lagaga raro.

 

Dadka isu soo baxay oo ahaa dhalinyaro xaafadda ah, ayaa ka cadhooday arrintaa, iyagoo doonaya innay muujiyaan dareenkooda ay ku diidan yihiin qorshaha xukuumaddu wadato ee ee dhulkaa lagaga iibiyay ganacsato, waxaana arrintaa ka dhashay ugu yaraan wiil dhalinyaro ah oo dhaawac kasoo gaadhay sida ay Araweelo News Network u sheegeen dadka xaafadda degan.

Kulamo ay qoysaska degan xaafadda iyo masuuliyiin xukuumadda ku dhexmaray shalay Saldhiga, ayaa noqday mid lagu kala kacay, kaddib markii loo soo jeediyay innay kala doortaan lacag qadarkeeda lagu sheegay $10,000 (tobban kun) oo dollar, kaddibna ay iyagu si deberaan sidaana ku guuraan, ama in loo dhiso sandaqado ka kooban saddex qol qoyskiisba, laakiin sida ay xoggaha Araweelo News Network heshay sheegayaan dadka xaafaddu diideen, waxay arrintaasi sababtay in la xidho qaar ka mid saraakiisha degan xaafadda.

Xukuumadda ayaa markaa kaddib damacday innay awood u adeegsato, taas oo keentay rabshada maanta ka dhacday, waxayn dadka degan xaafaddu sheegeen in laba gaancsade oo ka mid ah ganacsatada waaweyn laga iibiyay gebi ahaanba xaafadda, wallow qaarkood sheegeen in labada ganacsade ee laga iibiyay xaafadda oo ku fadhida dhul muhiim ah oo balaadhan kala yihiin Ganacsade Oomaar iyo Maxamed Aw Siciid, balse Araweelo News ma xaqiijin karto, isla markaana xukuumaddu ayaa qorshahan si qarsoodi ah u wada.

Hase yeeshee kulan kale oo maanta gelinkii danbe laga yeeshay arrintan ayaa lagu amray innay qoysasku kaga guuraan 24 saacadood, iyadoo lagu wargeliyay in qoyskii la siinayo $4,000 (Afar kun oo dollar), halkii ay diidanaayeen markii hore $10, 000, iyadoo marka xilligaasu dhaammaado la doonayo in awood loo adeegsado qoysaska degan xaafadda oo ah qoysas danyar ah oo Boolis u baddan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna xukuumadda ugu baaqay in aannay ku mashquulin xaraashka hantida ma guurtada ah, balse taas beddelkeeda looga baahanyahay inay ku mashquusho difaaca dalka iyo u diyaar garowga doorashooyinka.

Eng: Faysal Cali Waraabe, wuxuu sidaa ku sheegay farriin uu ku baahiyay bartiisa Twitter oo uu kaga hadlay qorshaha xukuumadda eek u waajahan xaraashaka Xaafadda Liinka Booliska, kaas oo si hoose oo qarsoodi ah oo aan waafaqsayn qaannuunka sharciga iyo Dastuurka, isla markaana aannay jirin cid ku tartantay iyo meel lagu naadiyay.

Sidoo kale, waxa arrintan ka hadlay Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI, ayaa qoraal uu soo dhigay Baraha Bulshada sharaxaad ka bixiyay xiisadda ka taagan Liinka Booliska.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in lays weydiiyo, “Askariga Jiidda jooga iyo Askariga Gaadhka Hargaysa kaga jira ee Gurigii uu degenaa qasabka lagaga rarayaa muxuu dufaacayaa?

 

“Dhulka Line-ka Booliska Cabbirkiisu waa 35,393 meter square, waxa Degen 152 Qoys, qiimaha la kal siistay sida aanu xog ku hellay waa $18 Million, hadda waxa la sii shubay 6 Million, Ganacsatada iib satay waa laba nin. Dadka waxa loo rarayaa Kaantaroolka Garabis iyo Kaantaroolka Halleeya, waxa loo dhisayaa 3 Maqsin oo Jiingad ah oo aan wadan adeegyada aasaasiga ah, Dahabshiil markii uu iibsaday Line-ka Booliska wuxuu siiyay qoyskii kasta $50,000 hadda waxa lagu baayacay Dadka la raraayo $10,000 ama 3 qol oo Jiingada ah.” Ayuu yidhi, Maxamed Sidiiq Dhamme.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com