#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa si kulul uga hadlay dhulka ay dawladdu xaraashay, waxayna farriin digniin ah u direen ganacsatada ku hawlan innay iibsadaan dhulka danta guud ee qaabka xaraashka looga iibinayo, iyadoo aan la waafajin qaannuunka iyo sharciga.

Laxidhiidha: Somaliland: Xiisad Ka Aloosan Xaafadda Liinka Booliska Ee Hargeysa Iyo Rabshado Ka Dhacay

Afhayeenka Xisbiga WADDANI, Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sidoo kale guddida gollaha Wakiillada Somaliland ee qaabilsan hantida innay waajibkooda gutaan oo ay sharcidarada wax ka weydiiyaan Hay’addaha khuseeya.

“Xukuumadda Danbe waxay dabagal ku samaynay hantida la iibiyay ee aan sharciga la marrin, waxaan haynaa cid walba oo tobonka meelood ee la wado qorshaha lagu iibinayo, waannuna soo bandhigaynaa” ayuu yidhi, Afhayeenka WADDANI, wuxuuna shacbiga usoo jeediyay innay sugaan isbedelka soo socda ee doonnaya inuu nolloshooda wax ka beddelo oo u hiiliyo.

Muuqaalkan ka Daawo Afhayeenka WADDANI.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com