Araweelo News Network.

 

Riyadh(ANN)-Boqortooyda sucuudi carabiya iyo maraykanka ayaa aad uga cabsi qabta weerraro la filayo in Iran ay ka fuliso Guddaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wargeyska caanka ah ee “The World Street “, ayaa faafiyay warbixin sir ah oo ay soo gudbiyeen Sirdoonka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo ka digaysa weerrarada kusoo waajahan Riyadh.

 

Saraakiisha labada dale e Maraykanka iyo Sucuudiga, ayaa sheegay suurta galnimada weerrarada oo sida ay sheegeen ay yihiin kuwo ay aad uga digtoonyihiin oo la filayo in ay Tehran soo qaado.

 

 

Sidoo kale, sirdoonka Sucuudiga ayaa sheegay in Iran qorshaynay weerraro lagu qaado magaalda Erbil ee dalka Ciraaq, halkaa saldhiga weyn oo Millateri uu ku leeyahay Maraykanku.

 

Sirdoonka Sucuudiga ayaa sheegay in sababta ay dowladda Iran u qorshaynay weerraradaa ay tahay, iyadoo kaga aargydanaysa Maraykanka iyo  Boqortooyada Sucuudiga maadaama ay aaminsan tahay inay labadaa dowladood  ka dambeeyeen bannaan-baxyadii ka dhacay Guddaha jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran, kuwaas oo ahaa rabshado lagu khalkhal geliyey dowladda iran ee uu hoggaamiyo Hoggaamiyaha kacaanka Iran Aayatullah Khamani.

 

Xogayaha warfaafinta wasaaradda gaashaandhigga dalka Maraykanka (the pentagon) Gen.pat Ryder,  ayaa sheegay in arrintan ay si dhow ula socoto dowladda Maraykanku, maadaama ay waxyeelo weyn u geysan karto Gobolka, isagoo intaa ku daray in dowladda Maraykanku si toos ah ula shaqaynayso Boqortooyada Riyadh.

 

“Waan difaacaynaa naftayada, iyo meel kasta oo ay joogaan ciidamayadu sida magaalada Erbil ee dalka Ciraaq” ayuu yidhi Gen.pat Ryder, oo ah Afhayeenka wasaaradda gaadhaandhigga ee dalka Maraykanka.

 

” Dowladda iran hore ayay ugu eeddaysay xukuumadda Riyadh ee Sucuudiga, Maraykanka iyo israa’iil bannaan-baxyadii ka dhacay dalka Tehran ”  ayuu sii raaciyay Gen.pat Ryder.

 

 

Araweelo News Desk
Written and translated by Dr. Ahmed Hassan Salah, Editing by Arraale M Jama

Please share with your friends the news and information

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com