Araweelo News Network.

Kyiv(ANN)-Maayarka magaaladda Caasimadda ee Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in Biyo iyo sahay koronto lagu soo celiyay caasimadda Ukraine. Kaddib markii Ruushku burburiyay Isniintii gebi ahaanba adeegyada aassaasiga ah.

 Laxidhiidha: Ukraine: Caasimadda Oo Laydhka Iyo Biyaha Laga Jaray Iyo Magaalooyinka Oo Duqaymaha Cirka Iyo Qaraxyadu Hadheeyeen

Saraakiisha Ukrain ayaa sheegtay in Ruushka uu Isniintii la beegsaday 55 gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise-ka, kuwaas ahaa weerraro lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha aassaasiga ah ee adeegyada Bulshada.

 

 Hase yeeshee, Iyadoo uu dagaalku socdo, weli Biyaha iyo Laydhka ayaa weli hakad ku jira, maadaama duqeymaha Ruushka ay burburiyeen ku dhawaad saddex meelood meel xaruntii Warshadda korontada iyo dhaamka dhanka Waqooyi ee Kyiv.

 

Weerrarada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee Ukraine oo ahaa kuwii ugu halista badnaa ee Ruushku ku qaaday Ukriane, ayaa sababay in gebi ahaanba Biyaha iyo Laydhku noqdaan gabaabsi, iyadoo 80% la burburiyay , taas oo waxyeeshay  magaalooyinka waaweyn, sida Kyiv, Lviv, Zaporizhzhia iyo Kharkiv.

 

Ruushka, ayaa weerrardai ugu dambeeyay ee kaabayaasha adeegyada Bulshada qaaday kaddib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu laamaha ammaanka ee Ukraine ku eedeeyay inay weerrareen Biriishka weyn ee Kerch oo isku xidhayay  gobolka Crimea iyo Moscow.

 

Muuqaalo warhaainta lagu baahiyay, ayaa laga arkayay, iyadoo ay dadku sitaan caagado ay ku raadinayaan biyo ay cabaan, kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jira goobo lagu qaybinayo biyo.

 

Dhinaca kale, Kolanyo maraakiib ah oo la doonayay inay Hadhuudh ka qaadaan Ukraine, ayaa ka baxay biyaha Badda Madaw, kuwaas oo Ruushku diiday in ay sii wadaan daabulka.

 

Kolanyada maraakiibta oo gaadhaya 16 Markab oo xamuul aj, ayaa u gudbay dhinaca Biyaha dalka Turkiga, taas oo meesha ka saartay heshiiskii ay Ruushka, Ukraine, Turkiga iyo qaramada midoobay, balse heshiiskaa waxa joojiyay Ruushka oo sheegay in ay ka shakiyeen maraakiibta qaadi lahayd Hadhuudhka.

 

Inta baddan Ruushka ayaa gacanta ku haya Biyaha (Black Sea) oo ahmiyad weyn oo istiraatiijiyadeed u leh aduunka.

 

 

 

Dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine waxa uu bedelay nolosha qof kasta oo dalka ku nool iyo dunida kale oo saamayn weyn uu ku yeeshay, wallow ay dalalka Yurub yihiin kuwa ugu daran ee dhibaatada laga dareemayo.

 

Meelaha qaarkood, waxay soo dedejinaysaa isbeddelka bulshada, iyadoo laga cabsi qabo in dhibaatooyinka uu dagaalku sababay ee nollosha ay ka dhashaan kacdoono xukunka lagaga tuuro hoggaamiyayaal Yurub ah iyo kuwo dunida kale ah, iyadoo durba dhacdooyinkii u danbeeyay ee Britain iyo Italia ay ahaayeen kuwo la xidhiidha dhibaatooyinka jaah wareerka siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee uu sababay dagaalka Ukraine iyo duulaanka Ruushu.

 

 

In kasta oo aan weli bilaw yahay xilliga jiilaalka oo cabsida ugu weyn ay waajahayso Yurub, iyadoo xaaladda wer werka ah ee waranka ku ah xulufada Galbeedka ay tahay cabsida laga qabo in Ruushku fursadaa uga faa’idaysto inuu kaga aarguto cunaqabataynta iyo taageerada hubka ee Ukraine, isla markaana ku khamaaro nollosha dadka ay dawladdahoodu la safan yihiin dagaalka Ukraine, marka la gaadho xilliga Jiilaalka ee Albaabka garaacaya.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com