Araweelo News Network

 

Djibiuti(ANN)-Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si qarsoodi uga iibiyay shirkadda Diyaaraddaha ee Air Djibouti Salaama Banka, iyadoo shirkaddu maamulaysay Hawlaha garoonka, kuwaas oo ah hawlo muhiim ah, sida badqabka hawadda iyo hubinta tayada wanaagsan ee adeegyada.

Sidoo kale Shirkadda Diyaaraddaha ee Air Djibouti, waxay ka kooban tahay maaraynta duullimaadyada, taraafikada hawadda, maaraynta shandadaha, xamuulka, isku xidhka iyo xakamaynta fulinta hawlgallada joojinta iyo maaraynta marinnada.

Warbixinta oo lagu shaaciyay HCH24, oo wax ku qora luqada Faransiiska, ayaa tilmaamay in Hawlaha garoonka diyaaraddaha ee Djibouti dib u habayn ay ku samaysay shirkadda DP World, taas oo sababtay in dakhliga garoonka wax iska beddelaan,  waxaana sanandkii kasoo xaroota in ka badan FDJ 14 bilyan oo lacagta Faranka ah ee Djibouti ah sannadkii, taas oo u dhiganta $79 milyan oo dollar.

 

Hase yeeshee isku dhacii xukuumadda Madaxweyne Geelle iyo Shirkadda Dp World oo sababay in ay ka baxdo Djibouti ayaa xaaladda wax iska beddeleen, Kaddib markii ay DP World ka dhooftay garoonka caalamiga ah ee Djibouti, waxa u suurtagashay in ay isku heer ku joogteeyaan dhaqaalahan kasoo xarooda garoonka.

 

Xukuumadda Madaxweyne Geelle, ayaa ogolaatay inay dib u hawlgeliso Shirkadda Diyaaraddaha ee Air Djibouti July 2015, Dib u hawlgelinta Air Djibouti, gegida caalamiga ah ee Ambouli Djibouti waxa ay ku darsatay 70% shirkadda iyo 30% maamulka dekeddaha iyo goobaha xorta ah ee Djibouti  Free Zone APZF.

 

Bangiga  Salaam Africa Bank ee lagu wareejiyay Air Djibouti, ayaa laga furay dalka sannadkii 2007, iyadoo Salaama Afrika yahay Bankigan Islaamiga ah oo uu madax u yahay Axmed Nuur Jimcaale, oo ah Soomaali looga shakisan yahay inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab iyo Ururka Al Qaaida, isla markaana narar baddan lala xidhiidhiyay, iyadoo la saaray hantidiisa xayiraad, balse Jimcaale ayaa billaabay inuu miiska hoostiisa ku qaabilo ka-hortagga shirkaddaha istiraatiijiga ah ee dowladda Djibouti.

Waxaana xilligan Diyaaradda Air Djibouti si qarsoodi ah loogu wareejiyay Salaam Africa Bank, waxaana maamulaya Aboubaker Omar Hadi, oo ah guddoomiyaha maamulka dekeddaha iyo aagagga xorta ah ee Djibouti APZF,  kaas oo hadda si qarsoodi ah u bilaabay xayiraadda shirkadda.

 

Salaam Africa Bank ayaan wax khibrad ah u lahayn hawlaha duulista iyo maamulka madaarada, sidaa awgeed waxa la filayay in maamulka shirkadda uu qandaraas hoosaad ku siiyo shirkadda Daallo Airlines, balse taas ma dhicin sida lagu sheegay warbixinta.

Sidoo kale, waxa soo baxay su’aalo laysla weydiinayo sababta Madaxweyne Geelle uu ugu wareejinayo Salaam Africa Bank dhowr shirkadood oo istiraatijiyadeed oo ka tirsan dawladda Djibouti, waxaase jira ila wareedyo sdia warbixintu sheegtay tilmaamaya in Ismaaciil Cumar Geelle uu noqon doono ka iska leh saamiga ugu weyn ee Salaam Africa Bank iyo in marwada koowaad ay noqon doonto mulkiilaha Daallo Airlines.

Araweelo News Desk.

Written by, Hassan Cher, translated and Editing by Arraale M Jama.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com