Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Dallada ay ku midoobeen Ururada aan dawliga ahayn ee (Somaliland Non-Satate Actors Forum) ee loo soo gaabiyo SONSAF, ayaa qabsatay shirweynihii laShirweynihii Lixaad ee tan iyo markii la aasaasay 2008.

Alt: Araweelo news Network

Dallada SONSAF oo qabsatay shirweynihii lixaad oo lagu doortay hoggaan 15 August 2021, Image Araweelo News Network.

Shirweynaha oo maanta ka qabsoomay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay xubno ka tirsan gollaha wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Biixi, madaxda axsaabta qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Guddida Doorashadooyinka Qaranka, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, wakiilo ka socday ururada aan dawliga ahayn ee ay midayso SONSAF, saraakiil ka socotay hay’adaha Caalamiga ah iyo marti sharaf kale.

Shirweynaha Lixaad ee Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ee SONSAF (Somaliland Non-State Actors Forum), oo saaka furmay, ayaa soo xidhamay gelinkii danbe ee maanta, waxana lagu doortayhoggaan cusub oo hawlaha Dallada maamuli doona saddexda sanno ee soo socda, waxayna ergooyinku halkaas ku doorteen hoggaanka sare Dallada SONSAF oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye iyo Guddiga Fulinta oo marka laysku daro ka kooban 17 xubnood.

 

Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo saddexdii sanno ee u dambeeyey soo hayey hoggaanka dalka, ayaa mar kale loo doortay guddoomiye, halka guddoomiye ku-xigeenka dallada loo doortay Aamina Faarax Caarshe oo xilkaas hore usoo qabatay, isla markaana ka mid ahayd aasaasayaashii daladda SONSAF. Xoghayaha Guud ee Guddida waxa loo doortay Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, halka Qasnajiga Guddiga loo doortay Mustafe Cabdullaahi Maxamed.

Dallada SONSAF oo qabsatay shirweynihii lixaad oo lagu doortay hoggaan 15 August 2021, Image Araweelo News Network.

Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo markii xilka guddoomiyaha mar kale loo doortay hadal ka jeediyay shirweynaha, ayaa ka warramay heerarkii dalladu soo martay iyo wax-qabadyadii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, qaybaha bulshada ee dalladu ka kooban tahay iyo doorkii ay ka ciyaareen horumarka dalka, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey ee qabsoomay bishii May ee sannadkan.

AKHRI: Somaliland: SONSAF Oo Daah-furtay Tababar Lagu Carbinayo Xildhibaanada Cusub Iyo Doorkooda

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed oo shirka ka hadlay, ayaa sheegay in meelaha ay Somaliland horumarka ka gaadhay ugu horreeyaan Ururrada Bulshada Rayidka ah oo uu sheegay in dunidu ku majeerato.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Calioo oo dhankiisa  ka jeediyey hadal shirka, ayaa SONSAF uga mahadnaqay kaalinta ay ka geysteen doorashooyinkii u dambeeyey ee dalka ka qabsoomay oo qaybo ka mid ah dhaqaalihii beesha caalamku ku caawisay Somaliland la soo mariyay.

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa xusay faa’idada ay leedahay iyo baahida loo qabo in dalka ay ka hirgalaan ururrada Bulshada Rayidka ah, balse waxa uu xusay in caqabadda ugu weyn ee taas hor-taagani tahay dhaqaale-la’aan jirta awgeed. Balse waxa uu sheegay in uaydoo ay arimahaasi jiraan ay Somaliland ka mid tahay waddamada ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah

“Marka Afrika la sheegayo ama sida qaaradaha Eeshiya iyo Laatin Ameerika, waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah.”ayuu yidhi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali.

Sidoo kale, waxa Shirka hadallo ka jeediyey Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta, Qorsheynta Qaranka, Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka, Masuuliyiin ka tirsan Saddexda Xisbi Qaran iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood ku ammaanay SONSAF iyo hoggaankeeda doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Dalladda SONSAF oo metesha dhammaan qaybaha kala duwan sida madax-dhaqameedka, Culimo-awdiinka, Xirfadlayaasha sida Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Ururrada bulshada Rayidka ah, waxa la aasaasay sannadkii 2008-dii, waxaana xilka guddoomiyaha hore u soo qabtay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali oo soo noqday guddoomiyihii u horreeyey ee Dalladda SONSAF iyo Mustafe Sacad Dhimbiil oo xilka banneeyey sannadkii 2018-kii kaddib markii uu laba jeer oo hore soo qabtay guddoomiyaha dalladda SONSAF.

Guddoomiyaha maanta markii labaad la doortay,Anwar Cabdiraxmaan Warsame, ayaa hore xilka u soo hayey saddexdii sanno ee u dambeeyey kaddib markii shirweynihii 5aad ee Dalladda oo qabsoomay 12-kii July, 2018-kii loogu doortay Guddoomiyaha SONSAF.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com