Araweelo News Network.

 

Kabul(ANN)-Dalka Afgaanistaan ee qalalaasaha iyo dagaaladu ka jireen in ka badan labaatan sannadood, ayaa galay mar kale gacanta kooxda Daalibaan oo dagaal kula jirtay Maraykanka iyo xulufadiisa oo awooddi waayay in ay ku guulaystaan maamulo macmal ah oo ay ka dhisayeen dalkaa tan iyo 2001, markii Daalibaan xukunka laga tuuray.

Labaatan sannadood kadib ayay khasab noqtay in Maraykanka iyo shisheeyaha kusoo duulay guuldaro kala noqdaan, isla markaana ay kala baxaan ciidamadooda, waxaa isna dalka ka cararay Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani oo ahaa maamuladii macmalka ahaa ee loo sameeyay dalka, sida ay soo tebiyeen wakaaladdaha wararka Ashraf Ghani, ayaa dalka lafihiisa uga cararay, isaga oo ku biiray muwaadiniin iyo ajaaniib ka baxsanaya dalka, xilli Taliban hareeraysay magaalada caasimadda dalkaa ee Kabul oo ay isu diyaarinay in ay qabsadaan.

 

Wakaaladda wararka AP, oo soo xiganay laba sarkaal oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyneheedii dalka ka baxsaday, ayaa u xaqiijiyey in madaxweyne Ghani uu dalka ka duulay. Sidoo kale Abudllah Abdullah oo ah madaxa Golaha Qaran ee Dib u Heshiisiinta Afghanistan ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Ghani uu dalka ka baxay.

“Madaxweynihii hore ee Afghanistan waa uu ka tegay Afghanistan, wuxuuna dalka uga tegay xaalad adag,” ayuu yidhi, Abdullah Abdullahi oo ku calaacalay in Allah la xisaabtami doona Ghani.”

Lama xaqiijin dalka uu Ashraf Ghani u baxsaday, balse waxa jira warar sheegaya inuu dhinaca dalka ay jaarka yihiin Tajikastan u boqoolay, halkaas oo aan laga war qabin inuu sii dhaafi doono, waxayna arrintan kusoo beegantay, iyadoo dagaalyahankaTaliban ay maanta hareereysay magaalada caasimadda ah ee Kabul, iyagoo dowladda ka dalbaday inay si nabad ah xukunka ugu soo wareejiso.

Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera inay sugayaan sidii xukunka loogu soo wareejin lahaa si nabad ah oo aannay wax dhibaato ah ka dhicin Kabul, balse wuxuu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo wada-xaajoodyada ay kula jiraan dowladda, isagoo ku adkaysatay Shaheen  inay doonayaan in si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo xukunka dalka, wallow aannay caddayn xilliga ay wareejintaas dhici doonto.

Xilliga Madaxweyne Ashraf Ghani ka baxaday dalka, waxa ka socday Magaalada caasimadda ee Kabul wadahadalo, kuwaas oo oo muddo soo jiitamayay, isla markaana u dhexeeyay kooxda daalibaan iyo xukuumadda, waxayna koox ka tirsan daalibaan ku sugnaayeen Kabul oo ay u joogeen wada-xaajoodka iyo sidii xukunka loo wareejin lahaa, sidaana waxa warbaahinta u sheegay sarkaal codsaday inaan la magacaabin.

Dhinaca dowladda waxaa wadahadallada uga wakiil ah Madaxweynihii hore ee dalka Hamid Karzai, iyo Abdullah Abdullah, oo ka mid ah dadka sida aadka ah u dhaliila Ghani, ee la xidhiidhiya inuu diiday inuu xukunka ka tago oo uu heshiis la galo Daaliban, taas oo sababtay in Madaxweyne Ghani maalmihii ugu dambeeyey waajaho go’doon siyaasadeed, xilli hoggaamiye kooxeedyada dalka ay isku dhiibeen kooxda Daalibaan, halka qaar kalena ay go’aansadeen in ay dalka ka cararaan.

Dalal badan, ayaa bilaabay in ay kala baxaan Afgaanistaan shaqaalaha ka jooga iyo diblamaasiyiinta, waxaa ka mid ah dalka Sacuudi Carabiya oo dhammaan ka daadguraystay xubnihii u joogay howlaheedii diblamaasiyadeed ee Afgaanistaan, sababo la xidhiidha xaaladdaha hadda jira iyo kuwa dhanka xasiloonida oo dalka ka jira, sida ay qortay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xaqiijisay in dhammaan xubnihii safaaradda Boqortooyada ee caasimadda Afganistan, Kabul in la daadgureeyay, kuwaas oo sida ay sheegtay yimi gurigoodii iyagoo caafimaad qaba.

Dhowr boqol oo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Kabul ku sugnaa ayaa laga daadgureeyay Afghaanistaan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan difaaca Maraykanka Axaddii, markii Daaliban ay soo gashay magaalada caasimadda u ah dalkaa ee Kabul.

 

Balse Garoonka dayuuraddaha caalamiga ah ee Kabul ayaa wali u furan, waxaana jira duulimaadyo ganacsi, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal aan magaciisa la shaacin, isla markaana wuxuu xusay in dadaallada daadgurayntu ay dardar geliyeen.

 

Dalka Jarmalka ayaa bilaabi doona duulimaadyada shaqaalaha safaaradda Kabul maalin dambe oo Axad ah, Wasiirka Arrimaha Dibedda Heiko Maas ayaa sheegay qorshaha shaqaalahooda ku sugan Kabul, wuxuuna intaa ku daray in shaqaaluhu ay hadda dhammaantood ku sugan yihiin qeybta militariga ee garoonka Kabul.

Dalka Afgaanistaan khilaafkii gudaha ee bilaabmay 1978, ayaa sabab u noqday dagaalada iyo collaadaha bariinsaday, waxaana xilligaa khilaafku u dhexeeyay jabhadaha islaam ah oo kasoo horjeeda iyo dawladda shuuciga ahayd ee Afqaanistaan, taas oo ay gacan ka geysteen 1979–89 ciidammada Soofiyeeti, balse dagaalo lagu hoobtay kaddib xukunka laga tuuro dawladda 1992, iyadoo lagu jebiyay ciidamadii Midawga Soofiyeeti ee taageeyay.

Balse sidood sannadoo kaddib waxa duulaan ku qaaday dalka oo nabdoon oo kasoo kabanaya dagaalada Maraykanka iyo xuluadiisa, kaddib qaraxyadii 11 Sep 2001 ee lagu burburiyay daarihii ganacsiga Aduunka ee dalka Maraykanka. Madaxweynihii xilligaa ee Maraykanka George W.Bush ayaa ka dalbaday Daalibaan inay u soo gacan geliyaan Hoggaamiyihii yagleelalay shebkadda Al-Qaacida Sh. Osama Bin Laden, isla markaana ay dalkooda ka saaraan Al-Qaacida iyo Bin Laden oo ay ku doodayeen Maraykanku in ay mudduba raadinaysay FBI, oo ayu baadidoon ugu jirtay tan iyo 1998 , balse Daalibaan ayaa soo jeedinta iyo dalabka ganafka ku dhufatay, waxayna ku tilmaantay kibir iyo isla weyni, duulaanka ayaa sidaa ku bilaabmay, waxayna Maraykanka iyo xulufadiisu ugu danbayntii 20 sannadood kaddib guuldaro iyo qoomamo kala huleeleen Afgaanistaan sidii horeba ugu dhacday Midawgii Soofiyeeti sanandihii siddeetanaadkii.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com