Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)-Duullaanka Ruushka ee Ukraine, ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo xaaladda dagaalku si weyn looga dareemay gebi ahaanba Yurub iyo dacalada dunida kale.

dadka reer Ukarine ree qaxaya iyagaoo ka cararaya dagaalka Araweelo News Network, 25 Feb 2022.

Magaaladda Caasimadda ee Kyiv, ayaa ahayd taargidka koowaad ee ciidamadda Ruushka, waxayna dareemaysay cabsi weyn oo naxdin leh oo ka jirtay waddooyinka magaaladda ee ay burburiyeen rasaasta mararka qaar dhacaysa, jugta madaafiicda iyo onkodka marka ay gantaalada kasoo dhacaya meel fog sababeen in cidhifyada caasimadu noqdaan kuwo go’doonsan.

Hase yeeshee duullaanka Ruushka, oo hadda ku eg maalintii saddexaad, ayaa u ekaa mid joogsaday cidhifyada magaalada, iyadoo ay ku dhex jireen iska caabin wada jir ah oo weli askarta Ukraine ka wadaan guddaha caasimadda.

Laxidhiidha: Ukraine: Mawjado Weerraro Cir Iyo Dhul Ah Oo Millateriga Ruushka Ku Hafiyeen Caasimadda Iyo Jawaabta Calaacalka Ee NATO

Siddedd ka mid ah Biriishyada ugu waaweyn ee isaga gudba magaaladda Kyiv oo ayaa noqday kuwo ay askarta ilaalinaysa ialbaabada laga galo magaalada ku sugan yihiin, balse dadka rayidka ah, ayaa daadiyay hubka loo qaybiyay, waxayna iskaga baxeen magaaladda, marka laga reebo tiro yar oo weli baaqi ku ah.

Taangiyo ay wataan askarta Ruushka markii ay hore u sii socdeen iyo baabuurta gaashaaman, ayaa la siiyay amar, sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya Moscow saacadihii la soo dhaafay, iyagoo jiho walba ka galay magaaladda, taas oo u muuqata in ay saacaddaha soo socda gacanta ugu gelay si toos ah.

Dagaalka ayaa sababay in qiyaastii dad ka baddan hal milyan uu sababayo in ay saddexdii maalmood ee uu socday ay ka qaxaan guryahooda, iyadoo aan si loo saadaalin karin xaaladda, isla markaana Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa ku gacan saydhay dalab uga yimi dalalka reer galbeedka.

Dalka Jarmalka ayaa goor sii horaysay sheegay inuu u dirayo Ukraine ciidan iyo saanad Millateri oo ay ku jiraan gantaalaha lidka diyaaraddaha iyo kun askari, taas oo ka dhigan in Jarmalka oo hore u sheegay in aannay Ukraine hubka lagu daabulayaa ahayn mid loo baahanyahay xillian bedelay mawqifkisia ku waajahan Ukraine.

Mr Zelensky ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ay kula dagaalameen ciidamada Ruushka ee ku sugan Kyiv iyo sidoo kale Odesa oo ku taal koonfurta iyo magaalada Kharkiv ee waqooyi bari,”Ciidanku waxay rabeen inay xannibaan xarunta dowlada,” ayuu yidhi madaxweynaha. “Waan jabinay qorshahoodii.”ayuuna raaciyay hadalkiisa.

in kastoo, dadka deggan Kyiv laga codsaday inay guryahooda joogaan ilaa subaxda Isniinta, balse ma ay dhegeysan arrintaa , waxaana jira dareen xun oo ah in dagaalka magaaladan uu ku dhow yahay in la furo. kala carareen lafohooda, iyagoo u furxaday dalalka ay jaarka yihiin.

“Jarmalka ayaa hadda ku dhawaaqay bixinta bam-gacmeedyada lidka taangiyada iyo gantaalaha Stinger ee Ukraine. Sii wad, Chancellor Olaf Scholz!” Zelensky ayuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Nederland ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in ay hubka lidka taangiyada u diri doonto Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.

Laxidhiidha: Britain Oo Ruushka Ku Eeddaysay Inuu Maleegayo Dagaalkii Ugu Weynaa

Dowladda Holland ayaa keeni doonta 50 ka mid ah hubka lidka taangiyada ee Panzerfaust-3 iyo 400 oo gantaal, sida ay wasaaraddu ku sheegtay warqad ay u dirtay baarlamaanka. Netherlands ayaa sidoo kale si wada jir ah uga fiirsanaysa inay Jarmalku u dirto nidaamka difaaca hawada ee Patriot kooxda dagaalka NATO ee Slovakia, ayay tidhi, wasaaraddu.

Laxidhiidha: Ukraine Dhacdooyinka Salka U Ah Xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Maraykanka iyo xulafada reer galbeedka ayaa weli awood u leh inay hub geeyaan dalka si ay u xoojiyaan ciidamada Ukraine, waxaana Washington ay qorshaynaysaa inay soo dirto kuwa kale maalmaha soo socda, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan gaashaandhigga.

Sidoo kale, dalalka Yurub, ayaa xayiray bangiyada Ruushka iyo lacagtiisa, iyadoo dhibaatada dagaalku u muuqato mid sii xumaanay, isla markaana laga cabsi qabo in uu ku fido Yurub iyo meelo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com