Wakaaladda Wararka Ethiopia Ee ENA oo soo xigganay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ayaa Ka Hadashay

Araweelo News Network.

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Addis Ababa(ANN)- Xukuumadda Dalka Ethiopia oo hore looga saaray gollaha Ururka dalaka Khaliijka iyo Geeska Afrika ay sameeyeen ee Badda Cas, maadaama aannay lahayn Bad, ayaa si weyn xilligan uga muujisay cadho.

Arrinta in laga saaro gollaha Badda cas, oo ah qaab-dhismeedka cusub ee Juquraafiga (geopolitical architecture) oo ay sameeyeen wadamada Khaliijka iyo wadamada Geeska Afrika sannadkii 2019, waxay xukuumadda Ethiopia ku tilmaantay mid aannay u qalmin.

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Ethiopia, ayaa go’aankaa ku tilmaantay inuu ahaa mid khaldan oo aan loo baahnayn.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Dina Mufti oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ethiopia ay dalbanayso in ay ka mid noqoto gollaha iskaashiga Badda cas, maadaama uu waddanku yahay mid heer gobol ah oo dadaal ugu jira is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika, ayuu yidhi.

Wakaaladda wararka ee xukuumadda Ethiopia (Ethiopian News Agency Association) oo loo soo gaabiyo ENA, ayaa daabacday 24 February 2022, warbixinta wasaaradda arrimaha Dibedda Ethiopia arrintaa kaga hadlay.

 Dalalka xubnaha ka ah gollaha ayaa ah siddeed waddan oo kala ah, Sudan, Djibouti, Eritrea, Egypt, Jordan, Saudi Arabia, Somalia, and Yemen, balse Somaliland oo laga reebay ayaa markii la sameeyey gollahaa ku tilmaantay mid aan ku salaysnayn xaqiiqda Juquraafiga, maadaama ay ku taal Badda Cas, isla markaana ay ahmiyad weyn u leedahay gobolka.

Hase yeeshee Ethiopia oo ah dal aan lahayn Bad, oo ay ku nool yihiin dadka ugu baddan gobolka Geeska Afrika, isla markaana ah dalka labaad ee dadka Baddan, ayaa xilligan qorshaynaya sidii uu lugta ula soo geli lahaa Badda Cas.

“Ethiopia oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 milyan oo qof iyo juquraafi ahaan u dhowaanshaha badda cas ayaa laga saaray madasha.” Ayaa lagu yidhi, warbxinta ENA.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Dina Mufti, ayaa sheegay in Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonen oo toddobaadkii hore safar ku tagay dalka Jarmalka, halkaas oo uu kaga qayb galay shirkii 58-aad ee amniga ee Munich, wuxuu hadal uu ka jeediyay madasha shirka ka sheegay in ay khalad tahay ka reebista Ethiopia ee madasha wada-tashiga Badda Cas.

” Ethiopia wax badan ayay ku kordhinaysaa xoojinta nabadda iyo ammaanka gobolka, waana khalad in laga saaro.”ayuu yidhi, Afhayeenka oo soo xiganaya hadalka Ra’iisul wasaare ku xigeenku ka jeediyay shirkii 58-aad ee amniga ee Munich.

Dina, wuxuu sheegay in maadaama madasha loo aas aasay ka hortagga tahriibinta sharci darrada ah, ka ganacsiga iyo arrimaha kale ee la xidhiidha, waa in Ethiopia qayb ka noqoto qaabkan maadaama ay wax badan ka tari karto xoojinta nabadda iyo amniga, ayuu raaciyay dooddiisa.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia, wuxuu si cad uga sheegay shirka Amniga ee Munich in loo baahan yahay in dib looga fiirsado arrinta madasha wadatashiga Badda Cas, maadamaa Ethiopia tahay dal muhiim u ah madasha.

“Doorka Ethiopia ee isku xidhka gobolka waa mid muhiim ah. Sidaad la socotaan Ethiopia, waxay hormuud ka tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaallaha si loo dardargeliyo iyo is dhexgalka gobolka,” ayuu yidhi Afhayeenka.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen ayaa kulamo gaar ah la qaatay intii uu ku jiray socdaalkiisa shirka Amniga ee Munich, Wasiirka Iskaashiga Dhaqaallaha iyo Horumarinta ee Dowladda Federaalka ah ee Jarmalka, Wasiirada Arrimaha Dibadda Sweden iyo Ireland, kuwaas oo ka qayb galayay Shirka 58-aad ee Amniga ee Munich, sida la sheegay Dina.

Wakaaladda Wararka ee Ethiopian News Agency oo loo soo gaabiyo ENA, ayaa ah wakaaladda ugu da’ada weyn wakaaladdaha Afrika, waxaana lagu aasaasay 1942,  caasimadda dalkaa ee Addis Ababa, sidoo kale waa wakaaladda ugu cimriga dheer dalka Ethiopia ee xanbaarta wararka siyaasada arrimaha dibedda iyo istiraatiijiyada.

Xukuumadda Ethiopia, ayaa samaysay sannadihii lasoo dhaafay Ciidamo Badda, iyadoo sidoo kale soo iibsatay maraakiib dagaal oo dawladda Faransiisku door weyn ka qaadatay, isla markaana dhowaan ay tababar wada qaateen cutubyo ka tirsan ciidamadda Badda ee ay samysay Ethiopia iyo kuwa Djibouti.

Ethiopia, ayaa sidoo kale, waxay marar si badheedh ah iyo dadban u sheegtay in quudaraynay oo si weyn damac ugaga jiro Magaaladda Dekedda qadiimiga ah ee Saylac oo dhulka Somaliland ah, isla markaana ku taal galbeedka Somaliland oo ka mid ah magaalooyinka teedsan xeebta Somaliland ee kulaalaya Badda Cas.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo horaantii February, 2022, booqasho ku tegey dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulamo uu la yeeshay maddaxda dalkaa, waxa markaa kaddib soo baxay warar xogga hoose ah oo shebekaddaha wararka ee Araweeko News Network heshay oo sheegayay in ra’iisal wasaare Abiy kala hadlay maddaxda dalka Imaaraadka in saamigii ay ku lahaayeen Dekedda Berbera ee ay maalgelisay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalkaasi loogu beddelo maalgashi ay ku sameeyaan dekedda Saylac ee dhacda xeebta galbeed ee Somaliland, isagoo dawladda Imaaraadka kala hadlay in ay arrintaa kala shaqeeyaan si ay dawladda Somaliland uga dhaadhiciyaan, wallow aan si rasmi ah loo oggayn in ay aqbaleen Imaaraadku dalabka Ethiopia.

Related: Dubai: Abiy Talks With UAE To Replace Shares In Berbera Port With Ethiopian Investment In Zeila Port

Arrintan ayaa soooo kale, ksuoo beegantay safar Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi iyo wefdi uu hoggaaminayo isla xilligaa ku tageen Addis Ababa oo ay kulan kula yeesheen ra’iisal wasaare Abiy, iyadoo wararka arrimahaa la xidhidha ee si hoose usoo baxay sheegayeen in qorshihiisa ku waajahan magalo xeebeeda Somalialnd ee Saylac usoo bandhigay Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisa, base wasiirka arrimaha dibbeda ayaa xilligaa beeniyay in arrintaa ay ka wada hadleen ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com